The Voice Of Somaliland

We are committed to publishing and disseminating news and information that contributes to a more comprehensive understanding of current events, as they are occurring to our readers

Thursday, March 22, 2007

Madaxweynaha J.Somaliland Oo Caawa Casho Sharaf u sameeyay Wefti ka socday Safaaradda Dalka Sweden...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa caawa casho sharaf u sameeyay Wefti ka socda Safaaradda Dalka Sweden ay ku leedahay Magaalada Nairobi, weftigaasi oo ka koobnaa afar xubnood oo uu hogaaminayey Safiirka Dawladda Sweden u fadhiya Nairobi Mudane, Jens Odlander.

Weftigu waxay dalka yimaadeen Maanta, iyagoo gelinkii hore ee Maanta la kulmay, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debeda.Kullankan cashada ah ee caawa, waxay weftigu soo gaadhsiiyeen Madaxweynaha dhambaal ay ka sideen Dawladooda kaasi oo ah qorshaha cusub ee Dawladda Sweden ay ku go’aansatay in Somaliland ay ula dhaqmayso Maamul gaar ah ( Special Entity)





Weftigu waxay barri la kulmi doonaan, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyagoo kadibna shir-jaraa’id qaban doona..Madaxweynaha JSL, waxa casho sharafta ku weheliyey, Wasiirka Arrimaha Debeda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Cali Ibraahim Maxamed.
Kullankaasi cashada ahi waxa uu ahaa mid si aada la isugu waraystay, si fiicanna la isugu af gartay”.
Hadhwanaagnews.com/Hargeysa Somaliland
Ahmed Quick at Thursday, March 22, 2007

No comments:

Post a Comment

‹
›
Home
View web version
Powered by Blogger.