
Madaarka Magaaladda Berbera Waxa Soo Gaadhay Diyaarad Sida Idaacad Iyo TV oo ay Soo iibisay Xukumadda Jamhuuriyadda Somaliland Idaacadan ayey Hore u Sheegtay Xukumadda Jamhuuriyadda Somaliland in ay Keeni doonto sanadkan dabayaaqadiisa.
Warku waxa uu intaasi ku darayaa in idaacadan oo laga Dhageysan Karo Gees-ka Afrika oo dhan ay ka qayb qaadan doonto Horumarka Dalka waxa kale oo la Rakibayaa Maalimaha Soo Socoda TV-ga oo la Sheegay in laga Daawan Karo Geeska Afrika oo dhan taasi oo Imgineero Caalami ah imika gacanta kubilabi doonaan taasi oo dabooli doonta baahida wayn ay dadku uqabaan Idaacadan iyo TV-gan balaadhan ee imika wadanka soo gaadhay.
TV-gan iyo Radiyowgan ayaa ah mid nooca loo yaqaano ah ee Digital ah waana Qalabka ugu danbeeyay ee Miliniyomkan 2005 laga isticmalo aduunka taasi oo noqondoona mid aad u saafi ah,dadka reer Somaliland ayaa aad usoo dhaweeyay meel walba ay joogaan xitaa kuwa Tuulooyinka ku nool.
No comments:
Post a Comment