We are committed to publishing and disseminating news and information that contributes to a more comprehensive understanding of current events, as they are occurring to our readers
Friday, July 01, 2005
Cabdillahi Yusuf oo Puntland miciin baday.
Wararka naga soo gaadhay Puntland ayaa tibaaxaya in Dawladii Imagathi lagu yagleeyey ee laga filayey inay caga dhigato Jowhar ama Muqdisho oo haatan dan baday Puntland. Waxaa xalay si lama filaan ah uga soo degay Boosaaso Cabdillahi Yusuf iyo koox uu horkacayo oo la filayo inay Garoowe u noqon doonto fadhiisin dawlada DFKMG inta xamar ay noqonayso meel ay nabad ku iman karaan. Waxaana ku wehlinayey Cabdillahi Yusuf socdaalkiisan 15 xildhibaan oo ka soo jeeda Puntland oo la filaayo inay u noqon doonto Gaalkacyo saldhig inta uu Cabdillahi Yusuf "YEY" helayo ciidamo shisheeya ah oo u qabta muqdisha.
Waxaana halkaa iyana horey ugu kicitimay Xasan Abshir Faarax oo watay koox ka tirsan DFKMG oo ku sugnaa ilaa iyo intii xildhibaandii DFKMG ay u kicitimeen muqdishu & Jowhar oo ay raas ah ka soo kala jeedaan. wararkaa iyana sheegaya in aanu ka qeyb galin soo dhoweynta madaxweynaha oo ay dad badani filayeen iney ka qeyb gali doonaan.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment