Hargaysa (Sooyaal) Wasiirka Arrimaha Gudaha Ismaaciil Aadan Cisaman ayaa dhaliil u soo jeediyay madax dhaqameedyada hoose ee Somaliland (Cuqaasha).
Waxaanu sheegay in uu jeclaan lahaa in Miisaaniyada ku baxda Cuqaasha ay uga faa’iido badnaan lahayd Askar in lagu kordhiyo tirada Ciidanka Booliska, isaga oo ka hadlayey Xaflad uu xadhiga kaga jaray xarun cusub oo loo dhisay Badhasaabka Gobolaka Hargeysa.
Waxa uu sheegay in cuqaashu gabeen hawshii nabad galyo ee ay u xil saarnaayeen.
Sinadkii dhawayd 350 Caaqil ayaa Miisaaniyadda loo sameeyay 2005, bal intaas oo Caaqil waxaan ka jeclaan lahaa 350 Boolis ah in halkoodii lagu bedelo waayo Cuqaashii wax qabadkoodii ayaa yaraaday.
Wasiirku waxa uu amaan u soo jeediyey Ciidanka Booliska oo uu sheegay iyaga oo dhibaato hayso hadh iyo habeen iney heegan u yihiin ilaalinta nabad gelyada.
“Magaranayo waxaan ku amaano Ciidanka Booliska sababta oo ah Boolisku waa kuwa dhibaatada ugu badani ku dhacdo oo Kiriminalkii la siidaayay oo meel walba taagan oo habeen iyo maalin aqalada u dhacaya, intaas oo tilifoon ayaa Booliska ku soo dhacaya oo ah wax la xaday iyo wax la jabsaday iyo wax la boobay, markaa Booliska dhibaatadooda lama soo koobi karo, dhib ayay u taagan yihiin Ilaahayna ha ku garab galee”.
Wasiirku, mar uu ka hadlayey xarunta cusub ee loo dhisay Badhasaabka Hargeysa, waxa uu sheegay in uu u dhameeyo maamulka Gobolka labadii Qol ee ay dulsaarka ku ahaayeen xarunta Dawladda Hoose in kasta oo uu carabka ku dhuftay in gurigan cusub laftigiisu cidhiidhi yahay.
Wasiir Ismaaciil waxa uu amaan u soo jeediyey Badhasaabka Gobalka Hargeysa Cabdilaahi Cirro, waxa uu sheegay masuul u qalma xilkan uu hayo mid ka sareeya, laakiin waxa uu xusay xilkan Badhasaabnimo ee uu hadda hayo aanuu garaneynin cid buuxun karta oo lagu bedelo.
Gudoomiyaha Gobalka Hargeysa oo isna ka hadlay munaasibadda lagu furay xarunta cusub ee Gobalka waxaanu u mahadnaqay Maayarka Caasimada Eng. Jiciir oo uu ku tilmaamay in uu lahaa hirgelinta abaabulka dhismaha xarunta oo hay’adda Habitat bixisay kharshka dhismaha, waxa kale oo uu u mahad naqay Badhasaabku Wasiirka Hawlaha Guud oo bixiyey dhulka laga dhisay xarunta cusub.
Xafladaas waxa ka qayb galay Wasiirka Beeraha, Wasiirka Horumarrinta Reer Miiga, Wasiirka Ciyaaraha iyo Isboortiga, Taliyaha Ciidanka Booliska, Gudoomiyaha Baanka Somaliland, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida iyo Madax-dhaqmeydyo kale.
wariye caloolay
sooyaal.com
Hargeysa
No comments:
Post a Comment