
Burco, March 27, 2006 (Haatuf) – Guddida Jaamacadda Burco ayaa shalay shir aan cadi ahayn oo ay yeesheen kagaga noqday Baaqii ay toddobaadkan soo saareen ee ay ku dalbanayeen in ay Mudaneyaasha Gobolka Togdheer u dhashay ee labada Gole ee Baarlamaanka ku jira 28/03/2006 ay yimaadaan shir Jaamacadda ka dhici lahaa oo la doonayo in lagaga hadlo sababtii miisaanayadda looga reebay korodhkii miisaaniyadda ee Jaamacadda Burco, waxayna guddida Jaamacaddu sheegeen in ay ka noqdeen shirkii ay hore ugu dhawaaqene maadaama khaladkii Jaamacadda laga galay la saxay.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Togdheer, Axmed Aadan Yuusuf, guddida Jaamacadda Burco waxay sidaas ku sheegeen war-saxaafadeed ay shalay Jaamacadda ka soo saareen, kaas oo u qornaa sidan: “Shir aan caadi ahayn oo ay yeelatay guddida Jaamacadda Burco, laguna qabtay xarunta Jaamacadda Burco 26/03/2006 waxa ay go’aan ku gaadheen mahadnaq ay u soo jeedinayaan Golaha Baarlamaanka, Xukuumadda iyo Golaha Guurtida sidii ay u saxeen khaladkii laga galay Jaamacadda Burco, kuna saabsanaa ka reebidii korodhka Miisaaniyadda ee 2006.
Waxa kale oo ay mahadnaq u soo jeedinayaan dhammaan Salaadiinta, Cuqaasha, Aqoonyahanka, ururada Bulshada, Culimaa’udiinka iyo Jaaliyadda Somaliland iyo cidii arrinta ka qayb qaadatay Jaamacadda Burco. Joojin Shirweynihii ay ku baaqday in la qabto 28/03/2006 kana dhashay ka reebidii Jaamacadda Burco koradhkii Miisaaniyadda 2006-da waxa aanu ka raali gelinaynaa dadweynaha reer Togdheer, Mudanayasha reer Togdheer, ee Labada Gole Baajinta Shirkaas.
Magacyada Guddida Jaamacadda Burco
Faarax Yuusuf Xadhigle Gudoomiye
Maxamed Xuseen Aadan Qasnaji
Dr Ciise Nuur Liibaan Xog-haye
Aar Saxardiid Ismaaciil xubin
Maxamed Faarax Aadan Xubin
Axmed Gariye XubinXirsi Maxamed Cilmi
XubinCabdulahi Baashe
xubin Xasan Caalin Maxamud
xubinCali Jaamac Xaad
xubinEng Saleebaan Nuux xubin
Eng Faarax Xuseen Axmed xubin
C/rashiid Direye Cigaal xubin
Aadan Axmed Caarre xubin
No comments:
Post a Comment