Thursday, March 23, 2006

KULANKII XILDHIBAAN HUSSEIN MOHAMED CIGE IYO JAALIYADDA SOMALILAND EE OTTAWA


Xaflad lagu soo dhawaynaayay Xildhibaan Hussein Mohamed Cige oo siheer sare ah loo soo agaasimay kana soo qaybgaleen.Jaaliyadda Somaliland ee degan Caasimada Canada Ottawa iyo nawaaxiggeda ayaa lagu qabtay markay taariikhdu ahayd March 18, 2006.Shirkaa lagu soo casuumay ee magacyadoodu hoos ku qoran yihiin:

Hussien Ali Hussein oo ah aqoonyahan ka soo noqday booqasho wadamadakhaliijka u ku tegay kuna dheeraday isku xidhka jaaliyadda somaliland eewadamadaas iyo kuwa wadamada reer galbeedka, Abdillahi Geeljire oo ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa isaguna ka hadlay heererkii dhaqan dhaale ee ay soo martay Somaliland ilaa waqtigii ay lasoonoqotay xorriyadeeda.

Professor Abdi Yonis Ismail ayaa isaguna si cilmiyaysan oo waayo aragnimo ka muuqato dadkuna aad ugu riyaaqeen uga waramay heerarkii kala duwanaa ay soo martay dimoqradiyada Somaliland ilaa waqtigii gobanimada laga qaatay ingriiska ilaa maata iyo waxyaabaha loo bahanyay si losii horumariyo.

Hassan Jamac Bacad oo ka mid ahaa musharixiitii ku hadhay doorashada barlamanka ayaa ku dheeraaday sidii ay u dhacday doorashadu kuna hambalyeey intii ku soo baxday, cadeyayna sida ay diyaarka ugu yihiin inay lashaqeeyaan.

Intaa ka dib waxaa hadalkii lagu soo wareejiyay Dr. Mohamud Tani oo aad uga hadlay taariiqda xildhibaan Hussien Mohamed Cige , isagoo arrintaa Ka hadlayana waxa uu yidhi: xildhibaan Hussein Cige oo ah mudane inoogu jira barlamanka somalilanda hadii aynu nahay jaaliyadda Ottawa waxa uu qaybelibaax ka soo qaatay halgankii lagula jiray taliskii Siad Barre taas oo uu bilaabay xiligii uu ka shaqaynayay Safaradii ingriska ee Xamar, halkaana kasii waday ilaa intii halganka lagu jiray.

Isagoo halkaa kasii wada taariqda waxa uu Dr. Tani sheegay in kasakow halgakaa in Hussein Cige maalgelin balaadhan u ku samayay wadanka imikana uu ku soo baxay xildhibaan barlamaan si howsha uu halkaa uga sii wado. DR.Mohamud tani waxa kaloo u si qoto dheer uga waramay waxayaabaha ay qabatay jaaliyadda Somaliland ee Ottawa iyo kuwa ay ku talo jirto inay suurta geliso waqtiga dhow ee soo socda.

Xildhibaan Hussien Mohamed Cige ayaa isna halkaa ka jeediyey khudbad isugu jirtay warbixin wadankii ah, hawlaha baarlamaanku qabtay muddadii koobnayd ee uu jiray iyo hawlaha u yaalla, Waxa kaloo xildhibaanku uu si fahfahsan uga waramay gudihoosadyada uu ka koobamnyahay barlamaka iyo mid waliba masuuliyad ay u xilsaarantahay.Xildhibaan Hussein Mohamed Cige ayaa aad ugu adkeeyay dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan Ottawa iyo guud ahaan Canada inay idnimadooda ilaashadaan meelna kasoo wada jeestaan, Waxa kaloo uu kula dardaaramay inay sii xoojiyaaan maalgashiga dhulkii hooyo iyo inay xil iska saran sidii ay Somaliland uga dhaadhicin lahayeen dadyowga ay la noolyihiin , citiraafkana ay ug ololayn lahaayeen.

Intaa ka dib Xildhibaan Hussein Mohamed wuxuu dhamaan si saraaxad leh uga jawaabey sua\'alihi ay dadweynuhu weydiiyeen,Waxaa dhamaan hambalyo iyo mahad loo soo jeedinayaa jaaliyadda Somaliland ee soo qaban qaabisay Xaflada, gaar ahaan:

Ardaaga ottawasomalilanders E-group (Ahmed Quick),

Somaliland Community Association,

Iyo dhamaan intii si toosa ama si dadban uga qaybgashay.

diyaarinta Xaflada

Abdilqaadir Guleed iyo Ibrahin Kahin

No comments: