
Warsaxaafadeedkaa oo dhameys Tirana waxa uu u qornaa sidan:
“Xukuumada Somaliland kuma camal fail doonto go’aanadii shalay golaha wakiilada ka soo baxay ee ku wajahnaa Hay’ada Care iyo qof shisheeye oo dalka laga eryayo waxayna u aragtaa xilkii dastuur ahaan fulintu inuu lahaa oo ay qabteen golaha wakiiladu.
Qodobka 53aad ee dastuurka qaranka oo ku saabsan awooda iyo waajibaadka golaha wakiiladu ma jiro meel ay kaga jirto shaqada xukuumadu ay leedahay waxa la wareegaya golaha wakiilada, maxaa yeelay waxa uu leeyahay awoodda dawladeed ee Jamhuuriyada Somaliland waxay u kala qaybsan tahay sadex hay’adood oo kala ah:
1-Golaha Fulinta.
2-Kan Xeer Dejinta.
3-iyo Garsoorka.
Wuxuuna cadeynayaa Hay’aduhu inay xilkooda u kala madax banaan yihiin oo midna mid xilkeeda la wareegi karin.
Sidaasi awgeed maroorsiga iyo faro gelinta waaxda fulinta ay leedahay waxay ku xad gudbaysa Dastuurka Qarankan xilkiisa kala hagaya, sidaa awgeed wakiiladu markay go’aansadaan xilkii fulintu lahayd ayaanu qabanaynaa kama suurto gasho xukuumadu inay ogolaato maxaa yeelay waxa markaa wadanku noqonayaa mid fawdo ah oo habka Aduunku ku macaamilo aan ku dhaqmin taas oo macnaheedu noqonayo ma nihin qaran jira.
Sidaa awgeed xukuumadu waxay u aragtaa go’aankii shalay ee golaha wakiilada qodobo ka mida xilkeeda oo ay golaha wakiiladu la wareegayaan taasi oo ku xad gudbaysa dastuurka, sidaa daraadeed ayayna u ogolaan karin.
Xukuumada Somaliland ma ogolaan karto muwaadinka Somaliland xuquuqdiisa in lagu xad gudbo waana waajib muwaadin kasta xukuumadu inay camal u raadiso kamana suurtowdo inay iska hortaagto, ilaa hadana ma jirto wax dacwad ah oo ay muwaadinadaasi u soo gudbisay xukuumadan ,sidaa awgeed cida arintaasi ka soo jeediyay golaha waxa loo qaadanayaa xildhibaanadu inay fulinayaan dan gaara oo leeyihiin anagaa ka wakiila, waxa loo qaadanayaa dan gaara.
Waxa mashruuc sharci noqon kara wixii dastuurku u banaynayo golaha wakiilada mase noqon karo mashruuc sharci xilkii dastuurku u kala xadeeyay sadexda hay’adood ayaanu la wareegaynaa.sidaa awgeed golaha wakiiladu waa inay ka fiirsadaan wixii aan xilkooda ahayn ee lagu marin habaabinayo.
Waxaanu codsanaynaa mudanayaasha sharafta lihi inaan xilkooda ay tahay inay ka ogaadaan dastuurka qaranka aanay uga marin habaabin si aanay u lumin karaamadii lagu soo doortay ,hore waxa u dhacday arrintii Cisbitaalka Hargeysa ka dhacday oo xukuumadu wixii kaga aadanaa ay dhamays tirtay oo weliba M/weyne ku xigeenka oo xilkii M/weynaha sii hayey uu hawshaasi raali gelinteedii iyo wixii waajibaada u dhameeyay hadana dib loo cusboonaysiiyo go’aano laga soo saaray.
Xukuumadu way ku shaqaysay waana ku shaqaynaysaa iskaashiga iyo wada shaqaynta golaha wakiilada inta waajib uu kaga dhigayo dastuurka qaranku laakiin marna ma ogolaanayso in shaqadeeda cid kale qaadato sida talaabo laga qaadayo hay’ad iyo qof shisheeye ah.
Waxaynu xusuusinaynaa golaha wakiilada in xeerkii shaqada(Lober Code) arrintani ay khusayso uu hor yaalo golaha wakiilada loogana baahan yahay ansixintiisa si xukuumadu u gudato waajibaadkiisa..
Waxaanu ka codsanaynaa xildhibaanada sharafta leh iyo shirgudoonkaba inaanay afduubin kooxo dan gaara wadata taasoo wax yeelaynaysa jiritaanka iyo midnimada caalamiga ah ee aynu doonayno caalamka inaynu aqoonsi kaga helo. NB (fiiro Garr ah):
Waxa kale oo jirta muwaadinku waxa uu u dacwoon karaa waaxda garsoorka oo xilkeedu yahay dacwad qaadida mana aha xilka wakiilada ee galista dacwadaha muwaadiniinta ee madaniga oo wax ka qabashadeeda iyo fulinteedana ay leedahay xukuumadu,hadii wakiiladu ay arintaa qaataana waxay ku xad gudbayaan xilka garsoorka iyo fulinta waxayna luminaysaa shaqadoodii xeer dejinta.” Ayuu ku soo xidhay warsaxaafadeedka wasiirka warfaafinta C/laahi Maxamed Ducaale.
Dhinaca kale ku simaha gudoomiyaha golaha wakiilada ahna gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaa Mudane C/casiis Maxamed samaale oo shabakada wararka ee SomalilandToday la xidhiidhay sida uu u arko warsaxaafadeedkaa uu soo saaray wasiirka warfaafinta C/laahi Maxamed Ducaale ayaa sheegay in aanu wakhtigan jawaab ka bixinayn waayo ma aha go'aan wasiirka ka soo baxay ee waa go'aan xukuumadeed sidaasi darteed kama hadlayo,balse waa arrin shirguddonka iyo gudiga joogtada ah ee goluhu iska arki doono waxanuna ka hadlaynaa maalinta sabtida ee soo socota marka aanu iska waragno.
Liibaan Maaweel Shire
Somaliland Today Correspondent
Hargeisa, Somaliland.
No comments:
Post a Comment