Monday, March 20, 2006

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Oo Dalka Ka Baxsaday Markii Golaha Wakiilada Looga Yeedhay

Hargeysa, March 19, 2006 (Somalilandtoday)- Wasiirka macdanta iyo biyaha Qaasim Sheekh Yuusuf ayaa si lama filaana dalka uga baxay dabayaaqadii todobaadkii hore, isla markana aan illaa hadda la ogayn halka uu ku sugan yahay, iyadoo aanu wasiirku iman illaa malintii khamiistii xafiiskiisa, isla markaan aanu gurigiisa joogin malmihii khamiisti iyo jimcihii. Sida uu qoray wargayiiska Haatuf cadadkiisii maanta wasiir Qaasin waxa la sheegay in ay u yeedheen in uu hor yimaado guddiga arrimaha gudaha ee golaha wakiilada Somaliland, kaa soo la filayey in uu hortago malintii khamiistii guddiga golaha wakiilada sidaana waxa wargayiiska Haatuf u xaqiijiyey Mudane Yuusuf Maxamed Ali (Tuke) waxaanu sheegay inay guddigoodu ugu yeedhen si ay su’aalo uga waydiiyaan arrimo la xidhidha heshiisyo la sheegay in uu la galay shirkado dalka ka baadhaya saliido.

Wargayiiska Haatuf isagoo sii wada qoralkiisa waxa uu sheegay sida ay ila xogogaali u sheegen wargayska ay mataana yihiin ee Somaliland Times in wasiirka Macdanta iyo Biyah Qasim uu ka duulay madaarka Hargaysa maalintii khamiisti , isaga oo u sii jeeda dhinaca Yurub isla markaana sii mari doona magaalad Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Safarka wasiirka waxa lagu sifeeyey in ay ujeedadisu tahay si uu uga muquurto in uu hortago guddi hoosadka arrimah dibadda ee golah wakiilad,, waxanay ila ka tirsan wasaradda Macdanta iyo Biyuhu sheegen in wasiirku booqan doono magalada London iyo dalka Norway, kadibna uu uu tagi doono Houston ee dalka Maraykanka.

Shirkada Rova Energy Cooperation oo ah shirkad hawlo saliid baadhined ka wadda Somaliland ayaa bixisay lacag dhan $75,000 oo lagu magacdaray xaqa taba baridda (training bonus) ee wasaarada Macdanta iyo Biyaa.

Waxa nasiibdaro lagu tilmamay in Qasin wadanka ka baxay iyadoo aanu wax fasaxa siinin M/weyn Riyaale. Waa masuulkii labaad ee kabaqsada in uu hortago golah wakiilada iyada oo uu hore uga baaqsaday hanti dhawraha guud ee qaranku in uu hortago golah wakiilada si wax loo ga waydiiyo arrimo la xidhidha miisaaniyad dawaldda ee hortaala golaha wakiilaada. Sidoo kale waxay wararku sheegen in Mr K V Sood oo ah ganacsade hindiya ah oo fasax loo siiyey in uu saliid ka baadho dhulka loo yaqano Block 32 oo ay hore saliid uga baadhay shirkad la odhan jiraya Chevron in uu yimado todobadkan Hargeysa lana kulmo M/weynah Somaliland, Daahir Riyalee. Dhinaca kale illaa hadda wax war ah oo arrintan ku saabsani kamuu soo bixin qasriga madax tooyada.

Liibaan Maaweel Shire

Somaliland Today Correspondent

Hargeisa, Somaliland.

No comments: