Hargeysa.November 15, 2006 (Somaliland Today)- Munaasibada loogu ducaynayo isla markaana laga waramayo taariikh nololeedkii Mujaahid Cismaan Aadan Dool “Quule” ayaa manta lagu qabtay guriga Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ahaa Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland isla mar ahaantaana ka mid ahaa saraakiishii xoogagii SNM. Munaasiabad oo ay ka soo qayb galeen dad aad u tiro badan oo ay ka mid ahaayeen Abwaan Al-Mujaahid Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”,Muj Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax,Mujaahid Ibraahim Xuseen Cabdilaahi “Dhega Weyne”,Muj Xasan Guure,Muj Xuseen Axmed Caydiid,Muj Cali Siciid Ismaaciil “Cali Geenyo” iyo Abwaan Jaamac Gaashaan Cade,waxa kale oo iyaguna munaasibadaasi goob jog ka ahaa laba wiil oo uu dhalay Marxuum Al-Mujaahid Cismaan Aadan Dool “Quule’.
Muj Xuseen Aaxmed Caydiid iyo Mujaahid Cali Geenyo ayaa si qoto dheer uga waramay taariikhdii marxuumka.
Taariikh nololeedkaasa oo ay soo ururiyeen labadaasi Mujaahid waxay u qornayd sidan:
“Rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyee Cismaan Aadan Dool wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1940kii. Laba jir ayuu ahaa markii aabbihii Aadan Dool Ibraahin geeriyooday.
1946kii ayuu adeerkii Xirsi Madadaal Ibraahin la wareegey kuna daray malcaamaddii quraanka, 1949kiina waxa uu ku daray Dugsigii Hoose ee Fisher ee magaalada tan Hargeysa. 1953kii waxa Marxuumku galay Dugsigii dhexe ee Camuud. Muddadii dheerayd ee uu shaqaalaha ahaa Marxuumku wuxuu qaatey tabarro kala duwan.
1959kii waxa Marxuumku ka bilaabay shaqadii u horreysey karraani ahaan rayid ah ciidankii milateriga ee (Somaliland Scouts);
1962kii waxa lagu wareejiyey Alle ha naxariistee Waaxdii (Statistics)ka ee Hargeysa.
1964kii wuxuu ka mid ahaa Komishan Gargaar (Relief Commission) oo ka hawlgalay Borame;
1967kii ayuu Rabbi naxariistiisa ha siiyee guursadey xaaskiisa weyn Marwo Xaali Muxumed Cabdillaahi (Xaali Jicsin);
1967-1975kii wuxuu kaga soo shaqeeyey Gobollada Waqooyi Galbeed iyo Ex-Waqooyi Bari xoghaye Dawlad Hoose iyo xoghaye Gobol-kaba;
1975kii ayuu ka tegey shaqadii dawladda una dhoofay dalka Sacuudiga;
1975-77kii wuxuu Marxuumku dalka Sacuudiga waxa uu ka soo shaqeeyey shirkado kala duwan, isagoo ku shaqeynayey xilka sarkaalka iibka.
1978ka horraantiisii ayuu Marxuumku dalka dib ugu soo noqday;
1979kii ayuu Alle ha u naxariistee dib ugu noqday shaqadii dawladda waxaanu markan ka bilaabay isagoo noqday Madaxii xafiiskii Iskaa Wax-u-qabso ee Gobolka Waqooyi Galbeed; muddadaa uu Marxuumku madaxda ka ahaa xafiiskaa wuxuu rikoodh fiican ka sameeyey lacagtii dadweynaha reer Hargeysa xisaabtaa ku soo shuban jireen ee dheeraadka ka ahayd cashuurtii laga qaadi jirey iyo sidii ka duwaneyd u jeeddadii ay ku bixin jireen ee ay u isticmaali jireen Guddoomiyayaashii Gobolka isaga danbeeyey oo ahaa kuwa keliya ee awoodda kharash-garaynta xisaabtaa lahaa.
1981-82kii wuxuu Marxuumku ahaa xoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera. Waxyaabaha lagu xasuusto Marxuumka muddadaa uu Berbera ka shaqeynayey waxa ka mid ahaa isagoo garoonkii kubbadda cagta ee ku yaalley magaalada dhexdeeda oo dad badan oo madax ahaa aan gobolladan u dhalan Xamar waraaqo looga soo qoray odhanaya (baloodho ahaan ha loo siiyo) ayuu Marxuumku - isagoo la kaashaday Duqii Magaalada Xaaji Cabdi Jaamac (Bursade) iyo Axmed Maxamuud Faarax (ina Laxwas) oo xubin ka ahaa Golihii Sare ee Kacaanka (saddexdoodaba Allah ha u naxariistee) - ka dhisay Dugsigii Sare ee u horreeyey ee magaalada Berbera ay yeelato.
1979-83kii wuxuu Marxuumku si firfircoon uga soo hawlgalay dhaqdhaqaaqii gudaha ee xumaan-diidka ahaa ee aakhirkii dhaliyey tallawgii Guutadii 4aad ee Mujaahid Maxamed-Cali la tallaabay iyo saraakiishii ciidammada ee ka daba tegey ee uu ka unkamay garabkii milateriga ee Jabhaddii SNM. Ka-sokow abaabul dheeraa oo uu wax ka galay, waxa si gaar ah looga xusuusan karaa halgankii gudaha ee Marxuumka geesinnimadii uu u yeeshay inuu marxaladdaa gurigiisa u dhigo halganka hub magaalada debedda laga soo geliyey, arrintaas oo Marxuumka iyo xaaskiisa labaad Marwo Deeqa Cismaan Madar oo uu guursadey 1980kii uu ka soo gaadhay xadhig. Ka-dib hawlgalkii fashilmay ee lagu khaarajin lahaa Sarreeye Guuto Maxamed Xaashi Gaani 1982kii ee nimankii hawshaa fulinayey iyo qaar ka mid ahaa kuwii caawinayeyba lagu qabqabtay, waxa NSS-tii heshay war ku saabsanaa hub la dhigay 11 guri oo Hargeysa ah oo Guriga Marxuumku ka mid ahaa. Markii guryihii la baadhay isla habeennimadii maalintaa hawlgalku fashilmay, gurigii Marxuumka mooyaane 10kii kaleba waxa laga helay hubkii; nasiib wanaag saacado yar ka hor markii ciidanku yimi guriga, ayuu Marxuumku ka qaaday hubkii guriga, waxa se ay rumaysan weydey NSS-tii inay beenawdo tilmaanta laga soo siiyey guriga iyo Marxuumka kol haddii warkii sidaasoo kale looga bixiyey 10ka guri ee kaleba uu xaqiiq noqday. Sidaa darteed Marxuumka iyo xaaskiisaasba waa la xidhay muddo laba bilood ah ayaana la maraan-marayey. Aakhirkii waa la soo daayey isla maalintii labaadna waxa la amray in dib loo soo xidho, markuu se Marxuumku warkaa helay magaalada gudaheeda ayuu dhuumasho ku galay. Muddo dhawr cisho ah markii la la’aa ayaa amarkii dib-u-soo qabashada lagu laalay cafis guud oo uu Maxamed Siyaad Barre oo Hargeysa booqasho ku yimi bixiyey.
1983kii ayuu Marxuumku u tallaabay dhinaca Itoobiya isagoo ku biiray garabkii wadey dagaalka muuqda (overt operations) ee halganka.
1983-91kii wuxuu Marxuumku soo ahaa xubin Golahii Dhexe iyo Guddigii Fulinta ee SNM ah isagoo soo qabtay xilalkan:
Febarweri-Diisambar 1987kii wuxuu Marxuumku ahaa Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golihii Dhexe ee SNM;
Diisambar 1987-1988ka dhammaadkiisii waxa Allah ha naxariistee uu ahaa Xoghayaha Maaliyadda ee SNM;
Oktoobar 1989kii- Maarij 1990kii wuxuu ahaa Guddoomiyihii Guddigii Qabanqaabada ee Shirweynihii SNM ee u dambeeyey ee 1990kii;
Maarij-Mey 1990 wuxuu Allah ha u naxariistee ka mid ahaa ergooyinkii xilka ay hayeen darteed sida tooska ah ergeynimada Shirweynaha u lahaa, waxaana Shirweynahaa looga sharaxay Guddoomiye-Ku-Xigeenka Ururkii SNM;
Mey 1990kii-Marij 1993kii wuxuu Marxuumku ahaa xubin Golihii Dhexe ee SNM ah ee 18kii Mey 1991kii magaalada Burco ku ansixiyey dib-ula-soo noqoshada madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland;
1991kii markii la dhisay xukuumaddii u horreysey ee Somaliland , wuxuu Rabbii ha u naxariistee noqday Wasiirkii Warfaafinta xilkaasoo uu hayey ilaa Noofambar 1991kii; muddadaa uu Marxuumku ahaa Wasiirka Warfaafinta waxa dalka ka unkamay saxaafadda xorta ah, qalabka iyo tayada waraaqaha ay wax ku daabici jireen haba tayo hooseeyo e;
Horraantii 1992kii- Maarij 1993kii wuxuu Marxuumku xubin firfircoon ka soo ahaa Garabkii Badbaadinta SNM;
Febarweri-Mey 1993kii wuxuu Marxuumku ka mid ahaa siyaasiyiintii ka midha-dhaliyey Shirweynihii Beelaha ee Borame;
Juun 1993kii markii la dhisay xukuumaddii u horreysey ee Marxuum Maxamed X. Ibraahin Cigaal, wuxuu Allah ha u naxariistee noqday Wasiirka Boosta iyo Isgaadhsiinta, xilkaasoo uu iska casilay horraantii 1995kii; muddadaa uu Marxuumku hayey xilka Wasaaraddan wuxuu meelmariyey oo si wanaagsan u hanaqaaday shirkado isgaadhsiineed oo gaar-ahaaneed (private companies) oo muwaadiniinta Somaliland ay markii ugu horreysey sameeyaan;
Badhtamihii 1995kii-2001dii wuxuu hormood ka ahaa dhaqdhaqaaqii aakhirkii la magac-baxay Dib-u-Habaynta SNMta, kaasoo ahaa mucaaridka keli ah ee jirey intaan la furin ururradii siyaasadda;
2002dii ka-dib markii la furay ururradii siyaasadda wuxuu Allah ha u naxariistee ka mid ahaa aasaasayaashii ururkii ASAD iyo Guddigiisii Fulinta;
Marxuum Cismaan Aadan Dool (Quulle) wuxuu Allah ha u naxariistee geeriyoodey casarkii maalintii Jimce ee ay taariikhdu ahayd 10ka bisha Noofambar 2006.
Marxuumku wuxuu ifka kaga tegey laba xaas iyo afar wiil oo lababa bah tahay iyo laba wiil iyo inan (gabadh) uu wiilkiisa curad dhalay.
Intaa ka dib waxa iyaguna munaasibadaa hadalo kooban oo ka waramaya sifooyinkii lagu yiqiin Marxuum Mujaahid Quule ka sheegay Abwaan Hadraawi, Muj Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Mujaahid Dhega Weyne iyo Muj Xasan Guur, kuwaas oo dhamaantood arimo doora ka taataabtay.
“Marxuum Quule maanta isagu wax gurmada ah inoogama baahna laakiin waxa u baahan in la caawiyo dadkii uu ka tagey markaa waxaan leeyahay xukuumada ahaan,ganacsato iyo dhamaan shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba waa in la caawiyaa agoontaa uu ka tagey Marxuum Mujaahid Quule” wedhahaasi waxay ka mid ahaayeen erayo talo iyo dardaaran ah oo Abwaan Hadraawi u soo jeediyay shacbiga Somaliland gudo iyo debadba iyo Xukuumad ahaanba oo uu ku dhiiri gelinayay sidii loo caawin lahaa agoontii uu ka tegay Mujaahid Quule.
Waxa soo diyaariyey:
Xuseen Axmed Caydiid, iyo Ali Siciid Saleebaan ( Cali Geenyo)”
No comments:
Post a Comment