

Dhinaca kale, warar aanu ka helayno xubno ka mid ah hogaanka sare ee UDUB oo dalbaday inaan la magacaabin ayaa sheegaya in Madaxweyne Rayale ka go’an tahay inuu dib isu soo sharaxo Madaxweynenimada doorashada 2008. Hase yeeshee ilahaasi waxay intaa ku dareen in murashaxnimada Dahir Rayale khilaaf badan ka taagan yahay oo xubno badan oo ka tirsan xisbiga xukuumiga ee UDUB aanay ku kalsoonayn in mar danbe Madaxweyne Rayale dib isu soo sharaxo. Xubnahaas oo u ka mid yahay gudoomiyaha golaha Guurtida Md Saleban Maxamud iyo xubno badan oo mucaarid ah oo uu hogaamiyo ayaa waxa sanadkii ina dhaafay badhtamahisi ay isku dayeen inay qabtaan shir weynahii xisbiga UDUB, taasoo uu Madaxweyne Rayale iska hor taagay.
Sababta iska hortaagista shirkaas aya la sheegaya in Madaxweyne Rayale ka warhelay in mucaridad aad u fara badan ka dhex jirto xisbigiisa UDUB kuwaaso ka biyo diidsan burburka iyo waxyeeladda Md Rayale u geystay Somaliliand intii uu talada dalka hayay, go'aansadayna inaan intaa wax ka badan sii socon.
Waxa jira wakhtigan xaadirka ah dhaq dhaqaaq xoogan oo xisbiga UDUB gudahiisa ah, iyada oo dhinac uu Madaxweyne ku xigeenku ku dagaalamyo sidii uu mar kale kursiga ugu soo noqon lahaa, halka Madaxweyne Rayale ku dagalamayo sidi u mucaaridida gudahisa ah isaga demin laha.
ISW: Somaliiland.Org
No comments:
Post a Comment