Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka soo degey gegida diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, isaga oo ka soo kicitimay dalka Ingiriiska oo uu ku maqnaa muddo laba bilood ka badan.
Axmed Siilaanyo oo saaka barqadii soo gaadhey dalka, waxa ku soo dhoweeyey madaarka masuuliyiin sarsare oo ka tirsan xisbiga, mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiillada, siyaasiyiin iyaguna ka tirsan xisbiga UCID iyo dad kale oo ka tirsan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE. Waxana uu si ballaadhan ugu mahadnaqay masuuliyiintii iyo dadweynihii soo dhoweeyey, isaga oo Ilaahay ugu mahadnaqay in uu ku soo nabadnoqday dalkiisa oo nabad ah, dadkiisuna uu wanaagsan yahay.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Gurigiisa, magaalada Hargeysa, mahadnaqaa kadib, Axmed Siilaanyo waxa uu ka warramay arrimo dhawr ah oo wakhtigan ka taagan dalka iyo socdaalkiisa uu kaga soo noqday dibadda. Waxana uu sheegay in muddadii uu dalka ka maqnaa uu ku sugnaa dalka Boqortooyada Ingiriiska, halkaas oo uu u joogey hawlo iyo dano khaas ah iyo hawlo caam ah oo qaranku leeyahay iyo kuwa xisbiga.
Waxa uu sheegay in muddadii uu joogey Ingiriiska uu ka qaybgalay kulamo badan oo dalkaas gudihiisa lagu qabtay, kuwaas oo uu sheegay qaarkood inuu kala qaybgalay xubnaha shirguddoonka markii ay socdaalka ku marayeen Yurub iyo kulamo xisbiga KULMIYE yeeshay. Waxa kale oo uu sheegay in uu marar kala duwan la kulmay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, Aqalka Odayaasha (House of Lords) iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska, ayna ka wadahadleen arrinta Somaliland iyo sidii dowladda Ingiriisku gacan uga geysan lahayd, waxana uu xusay in shir ka dhashay kulamadii uu la yeeshay masuuliyiinta Ingiriiska maanta lagu qabanayo Baarlamaanka Ingiriiska. Isaga oo shirkaas faahfaahinayana, waxa uu yidhi,
“Maantada aan halkan joogo anigu oo ugu dambeysey, codsi aan anigu markii hore soo jeediyey ayaa shir lagu qabanayaa maanta Baarlamaanka Ingiriiska gudihiisa oo uu imanayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska u qaabilsan Afrika, Lord Triesman oo codsi aan anigu sameeyey ku qabanayey shirkaas. Shirkaasi maaha mid aniga ama xisbiga ku kooban, wuxuu ahaa shir waxgaradka iyo waayeelka UK deggan ee reer Somaliland dad laga soo xulay oo xisbiyada iyo qarankaba ka tirsan ay isugu imanayaan”.
Hase yeeshee, waxa uu sheegay Guddoomiyuhu in isaga ay u suurageli weydey inuu u negaado kulankaas, sababo la xidhiidha hawlo uu sheegay inuu halkan ugu soo degdegayey iyo arrimo kale. Waxase uu sheegay in odayaasha iyo waxgaradku ay ku filan yihiin inay arrinta Somaliland, heerka ay marayso iyo mawqifka dadka reer Somaliland ka taagan yihiin qaddiyadda Goonni-isu-taagga iyo madax bannaanida Somaliland.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in la qabanqaabinayo bannaanbaxyo daba jooga kuwii dalka ka dhacay ee dadka reer Somaliland ay ku soo bandhigeen mawqifkooda iyo sida ay ugu adagyihiin goonni-isu-taaggooda.
Dhinaca kale, Axmed Siilaanyo waxa uu ka hadlay arrimo dhawr ah oo hadda ka taagan dalka, inkasta oo uu sheegay in aanu weli xogwaraysi la yeelan xisbiga.
“Arrimo dhawr ah oo dalka ka socdey ama kuwa wakhtigoodii taagan yahay maanta ayaan jecelahay inaan mawqifka aan ka qabo wax ka caddeeyo, ” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.
Ugu horrayna waxa uu ka hadlay xadhigga Suxufiyiinta wargeyska Haatuf, kaas oo uu ku tilmaamay mid xaqdarro iyo dulmi ah. Waxana uu sheegay in cabudhinta noocan ah oo hore u dhici jirtey uu xadhiggani yahay mid si cad u xaqiijinaya mawqifka xukuumadda Madaxweyne Riyaale ka taagan yahay madax bannaanida saxaafadda, xorriyatul-qawlka iyo xuquuqda aasaasiga ah ee dadka.
“Taas [xadhiggaas] oo aan hubo inay ceeb weyn maanta ku tahay geeddi-socodka dimoqraadiyadda iyo dadnimadeenna iyo qaranimadeennaba, ” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.
Waxana uu raaciyey isaga oo sharraxaya sida xadhigga suxufiyiinta Haatuf u waxyeelanayso Somaliland, “Innaga oo maanta higsanayna oo dunida u bandhigayna oo ku faanayna inaynu nahay qaran madax bannaan oo doonaya dunidu inay ictiraafto oo doonaya dunida inuu u bandhigo wax aynu qabsanay, geeddi socodka dimoqraadiyadda, xurmaynta aynu xurmaynayno sharafta uu qofku leeyahay, madax bannaanida saxaafadda, xorriyatulqawlka, sharciyadda, distoorka, inaynu maanta tallaabooyin caynkaas oo kale ah qaadno waxaan u arkaa inay aad iyo aad ay inoo waxyeelaynayso indhaha caalamka”.
Waxa uu xusay in xadhigga suxufiyiinta Haatuf uu cambaareeyey ururka caalamiga ah ee Amnesty International. Waxa kale oo uu sheegay in Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Madaxweyne Jimmy Charter uu u soo diray Somaliland warqad uu ku cambaaraynayo xadhiga suxufiyiinta Haatuf, kuna baaqay in xorriyadooda loo soo celiyo suxufiyiintaas.
“Waxa kale oo ka mid ah arrimaha noocaas oo kale ah, xurmo darrida lagula kac
ayo dadkan acyaantiisii iyo waxgaradkiisii iyo salaaddiintiisii iyo ummaddiisii intii qiimaha lahayd, ” ayuu raaciyey Axmed Siilaanyo. Waxana uu xusay xadhiggii lagula kacay Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar iyo xubno kale oo laga soo xidhay magaalada Burco iyo sidoo kale, markab shidaal ganacsi ah u sidey Shirkadda Alxarbi oo loo diidey inuu ku soo xidho dekedda Berbera.
“Waxyaabahaas oo dhami waxay wada muujinayaan dhammaantood dalku maanta halka uu marayo iyo halka aynu higsanayno ee qaranimada aynu ka raadinaynaa in aanay wax isleh ahayn, ” ayuu yidhi.
Waxa kale oo uu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo ka hadlay dhismaha Komishanka cusub ee Doorashooyinka Qaranka.
Guddidaas oo ka kooban 7 xubnood ayaa 6 ah ay magacaabeen Madaxweynaha, Golaha Guurtida iyo xisbiga UCID, iyada oo xubinta kalena laga sugayo xisbiga KULMIYE.
Isaga oo arrintaas ka hadlaya, Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in loo baahnaa dhismaha Guddida Doorashooyinka in ay ka wadatashadaan xisbiyada siyaasaddu, maadaama ayuu yidhi ay yihiin “Shiidhi-walayaasha” doorashooyinka, cidda doorashooyinku khuseeyaana ay tahay axsaabta, isaga oo sheegay in Komishankii hore ee hadda wakhtigiisu dhammaaday la magacaabay xili aanay axsaabtu jirin, sidoo kalena, wakhtigii la sameeyey xeerka guddidaasi ku dhisan tahay aanay axsaabtu jirin. Sidaa darteed, waxa uu sheegay in loo baahnaa in laga wadatashado dhismaha guddida, isaga oo xusay in labada xisbi ee mucaaridka ahi ay labadii sannadood ee u dambeeyey ka wadatashanayeen dhismaha guddida doorashooyinka, isla markaana uu jirey hindise ay isla qaateen oo ah in guddida lagu kordhiyo 2 xubnood oo xisbiyada mucaaridka ahi ay soo magacaabaan, halka iminka xeerku siiyey midkiiba xubin keliya.
Axmed Siilaanyo, isaga oo iftiiminaya sida looga gudbi karo caqabadda sharci ee hortaalla hindisahooda wax ka beddelka Komishanka, waxa uu sheegay in doorashooyinkii dalka ka dhacay ay wax badan suurageliyeen wadatashi ay lahaayeen Komishanka iyo Axsaabtu, waxana uu tusaale u soo qaatay qodob waajibinayey in la diiwaangeliyo Codbixiyayaasha oo ku jirey xeerkii Doorashada Golaha wakiillada, kaas oo caqabad ku noqanayey doorashada, balse xisbiyada iyo Komishanku ay heshiis ka gaadheen, kadibna la iska dhaafay.
Waxa kale oo uu duray qaabka hadda loo soo magacaabay guddida Doorashooyinka, kaas oo uu sheegay in aan cid lagaga darin Guddidii hore ee Doorashooyinka oo uu sheegay in aan laga maarmi karin waayo-aragnimadii ay ka heleen doorashooyinkii dhacay, inaan la tixgelin deegaamada Somaliland oo dhan inay ka dhexmuuqdaan iyo in aan lagu darin haweenka, isaga oo ammaanay gabadhii keli ahayd eek u jirtey Komishanka wakhtigiisu dhammaaday, marwo Shukri Baandare.
“Sharcigeenna iyo dastuurkeennu wuxuu ku fadhiyaa in arrimaha muhiimka ah had iyo goor wadatashi laga yeesho, ” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.
“Maantana waxay ahayd in xataa haddii waxyaabaha qaarkood yimaaddeen in aakhirtu dee wadatashi meeshii yimaaddo oo la is weydiiyo – haddii meeshii qaranimo jirto, haddii daacadnimo jirto, haddii meeshii uu jiro iimaan lagu qabo nidaamka aynu qaadanay – oo la yidhaahdo wakhtigii waa waakan oo wuu ka dhammaaday qoladii hore’e maxaynu yeellaa…” ayuu yidhi isaga oo tilmaamaya sida uu u arkayo.
Axmed Siilaanyo, waxa uu ugu dambayntii sheegay in wakhtigan loo baahnaa in Somaliland la timaaddo wax ay ku soo jiidato indhaha beesha Caalamka, isaga oo xusay hadalada ka soo yeedhaya dunida iyo gobolka oo xaaladi ka aloosan tahay hadda, inay muujinayaan in aanay jirin wax loo ogol yahay Somaliland. Waxana uu calaamatu-su’aal saaray ujeedadda tallaabooyinkan xukuumaddu qaaday oo sheegay inay yihiin kuwo ku lid ah wixii keli ahaa ee Somaliland iibinaysey.
“Haddana, wixii keli ahaa ee aynu dunida ka iibinayney ee ahaa madax bannaanideenna, haddaynu nidhaahno dadkii halganka soo galay baynu xidhxidhaynaa, haddaynu nidhaahdo saxaafaddii baynu xidhxidhaynaa, haddaynu nidhaahno doorashooyinkii baynu suuldaaraynaa … taa maxaa loo qaadan karaa? Ma garasho la’aan baa, mise waa badheedh loo badheedhayo oo la doonayo inaan ummadda shaag u rogmin?” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.
Waxana uu sheegay in su’aashaa jawaabteeda uu u dhaafayo dadweynaha reer Somaliland?
C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.
No comments:
Post a Comment