
Axmed Xaabsade waxa uu dhawrkii bilood ee ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, waxana uu qaybweyn ka qaatay guusha ciidamada Somaliland kula wareegeen magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool iyo dagaalkii ciidanku kaga saaray deegaankaas maleeshiyada Puntland 15 Oct. 2007, kadib markii ay muddo 5 sannadood ah ka talinayeen. Axmed Cabdi Xaabsade oo ay weheliyeen Wasiirro ay ka mid yihiin Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland, Siciid Sulub Axmed oo madax u wefti ka socda xukuumadda Somaliland oo joogey magaalada Laascaanood, Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Yaasiin Ducaale Casayr, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, Qaasim Sh. Yuusuf iyo xildhibaanno ka tirsan golayaasha Baarlamaanka, waxay ka soo ambabaxeen magaalada Laascaanood shalay, waxayna xalay ku soo hakadeen magaalada Burco.

Axmed Xaabsade oo la weydiiyey ujeeddada socdaalkiisa wakhtigan, waxa uu sheegay inuu yimi gurigiisii.
Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo ka mid ahaa wasiirradii soo dhoweeyey Axmed Cabdi Xaabsade ayaa martiqaadkaa qadada ah kadib, hadal kooban oo soo dhoweyn ah oo uu halkaa ka jeediyey in Xaabsade uu muddo joogi doono Hargeysa, wakhtina la isu heli doono, balse, maanta uu nasanayo.
“Waxaa farxad weyn noo ah maanta inuu halkan inala joogo oo uu inoogu yimi Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Somaliland, Axmed Cabdi Xaabsade iyo hawlwadeenno kale oo isugu jira Wasiirro iyo xildhibaanno uu hoggaaminayo Mudane Siciid Sulub, horta aad iyo aad baanu idiin soo dhoweynaynaa, waadna aragtaan farxadda ka dhacday meesha,” ayuu yidhi Cabdillaahi Maxamed Ducaale.Axmed Cabdi Xaabsade, oo guddoomiye u noqday Golihii u horreeyey ee Wakiillada Somaliland ee lagu soo dhisay Shirkii Boorame ee 1993, waxa goluhu u qaaday cod si lama filaan ah xilka looga tuuray dabaqayaaqadii 1996, taas oo ka dambeysey khilaafaad siyaasadeed oo soo dhexgalay isaga iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland, marxuum Cigaal, kadibna waxa uu ka qaybqaatay dhismaha maamulgoboleedka Puntland oo uu ka ahaa wasiir awood badan 1998 ilaa badhtamihii sannadkan oo Cadde Muuse ka qaaday xilkii Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamul-goboleedka, taas oo keentay in Xaabsade uu yimaaddo magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, halkaas oo xukuumadda Somaliland xidhiidh kula samaysay, isla markaana ay ku guulaysatey inuu kala shaqeeyo in maamulka Puntland iyo maleeshiyadooda laga saaro gobolkaas.
C/risaaq M. Dubbad,
Somaliland.org, Hargeysa.
No comments:
Post a Comment