
Si rasmi ah daboolka loogama qaadin wadahadaladaas iyo xidhiidhka kooxdaasi la samaysay Xisbiga UCID. Hase yeeshee, ilo ku dhowdhow xisbigaas ayaa sheegaya in xubno ka mid ah taageerayaasha waaweyn ee Cabdiraxmaan Aw Cali ay la kulmeen Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Mr. Faysal Cali Waraabe, isla markaana ay weydiisteen in uu Musharraxa Madaxweynekuxigeenka xisbigaas siiyo Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, kooxdiisa oo dhamina ay ku biirayaan xisbigaas.
Sida ay sheegeen wararkaasi, Faysal Cali Waraabe ma aqbalin codsigaas, mana diidin, balse, waxa uu ugu jawaabey marka hore inay ku biiraan xisbigiisa.
Dhinaca kale, Kooxda Cabdiraxmaan Aw Cali ayaa la sheegay inay labadii habeen ee ugu dambeeyey ka wadahadlayeen waxa ay yeelayaan, inay ka sii mid ahaanayaan xisbiga KULMIYE iyo inay jirto meel kale oo ay uga diga roganayaan.
Somaliland.org, News Desk
No comments:
Post a Comment