Thursday, June 30, 2005

Beenin Inuu Mudane Qaybe Ku Soo Biiray Xisbiga UCID


Nasir X Cali Shire — London, UK — 29 June, 2005
Waxaa maalamahan u dambeeyey saxaafadda qaar ku celceliyey in Mudane Qaybe oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland oo hadda ku sugan London ee Carriga UK uu ku soo biiray xisbiga UCID, una sharaxan yahay.

Haddaba waxaan saxaafadda madax bannaan u caddaynaynaa inaanu Mr. Qaybe ku soo biirin xisbiga UCID, kana mid ahayn musharaxiinta xisbiga ee doorashada golaha wakiilada ee dhacaysa 15-ka Sept. ee sannadkan 2005.

Waxaa jirta in xisbiga UCID ay xaq u leeyihiin dhammaan muwaadiniinta reer Somaliland ee buuxiyey shuruudaha xisbiga inuu xubin ka noqon karo xisbiga. Hase yeeshee Mr. Qaybe oo ka mid ah madaxda sare ee Somaliland illaa hadda umuu soo gudbin ka mid noqoshada xisbiga UCID, meel uu hore uga mid noqday ma jirto.

Sidaas darteed, waxaan si rasmiya halkan ugu beeninaynaa wararka sheegaya inuu Mr. Qaybe ku soo biiray xisbiga UCID, una sharaxan yahay.

Wa Billaahi Tawfiiq,
Nasir Xaaji Cali Shire
Af-hayeenka Xisbiga UCID.
Kuna sugan London-UK

No comments: