Friday, July 02, 2010

Kulmiye oo ku guulaystay doorashaddii madaxweynaha

(Waridaad)-Xisbiga Kulmiye iyo musharaxiintiisa ayaa ku guulaystay doorashaddii ka dhacday dalka June 26, 2010, taasoo ay ku kala guulaysteen Madaxweyne Axmed Maxmed Maxamuud Siilaanyo jagadda Madaxweynaha shanta sanadood ee soo socota, halka uu isna ku guulaysta Madaxweyne ku xigeen Cabdiraxman Saylici.

Xisbiga Kulmiye waxuu helay 49.59% halka Udubna ay heshay 33%, Ucidna ay heshay 17%.

Waxaa isna xalay hambalyeey madaxweynaha cusub mudane Faysal Cali Waraabe, waxaa isna maanta hambalyeeyey madaxweynaha cusub, mudane Daahir Riyaale Kaahin oo cadeeyey inuu si xarag leh ku wareejin doono xilka.

Waxaa madaxweyne Siilaanyo mar saxaafaddu ay ku booqatay hoteel Mansuur oo ay hadda ku jiraan labada masuul uu sheegay in sharciga degdega ah la lalin doono, isagoo xusay in xeerka argagixsadda uu sidiisa ahaan doono, fariin u diray cida ay khusayso in ay ooda ka rogaan cidii aan wax danbi ah lagu haysan marka laga reebo inta u xidhan arrimo argagaxnimo.

Waxaa maanta oo jimce ah ay tahay ummadda reer Soomaaliland ku cibaadaysanayaan masaajidada dalka iyagoo ilaahay ugu mahad naqaya si fiican ee doorashadu ugu dhamaatay iyo isu hambalyanta ka soo yeedhay labada musharx ee kale.

Dhinaca kale wararka caalamka ka imanaya ayaa sheegaya in doorashada ka qabsoomtay Soomaaliland ay tahay mid caalamku u qushuucay noqonaysona mid u horseeda Soomaaliland inay himilooyinkooda jawaab fiicaan ka bixin doonta, caalamkuna aanu maanta indhaha ka qarsan doonin.

Waxaa iyana ah fariin 26kii June oo ahayd maalintii Soomaaliland ka qaadatay Ingiriiska, kuna beegeen doorashadii madaxweynaha Soomaalinad kuna dhawaaqeen 1dii July oo ahayd maalintii Soomaaliland calankeedii u qaaday koonfur, iyagoo doortay madaxweyne cusub oo ku yimi rabitaan shacab, dhambaal u ah cid kasta oo gooni isu taaga Soomaaliland muran gelisay.


Axmed Quick

Hargaysa, Somaliland

Wednesday, June 30, 2010

Natiijooyinkii madaxtooyadda oo goor dhow lagu dhawaaqaayo

(Waridaad) - Wasaaradda Daakhilaga ayaa xalay ilaa maanta ku hortaagnayd sanaaduuqdii, Garadag iyo Awdal iyagoo u soo socda xarunta guud ee komishinka.

Waxaa gudoomiyaha doorashooyinka mudane, Ciise Xamari la hadlay taliyaha ciidanka poliska qaranka isagoo waydiiyey sababta ay u xayireen sanaaduuqdaa, kuna jawaabay inay wasaaradda daakhiligu amarkaas xanibaada bixisay, isagoo ka cudur daartay inuu sii daayo, una janjeediyey eedaa wasiirka daakhiliga.

Gudoomiyaha oo arrintaa daba socdaana la xidhiidhay wasiirka daakhilga taasoo wasiirku qaban waayey telephonkiisa, taasoo ka cadhaysiisay gudidda doorashooyinka una sheegay inay cododka dalka oo dhan ay hayaan, haday sii dayn waayeen iyo haddii kalena aanay habsami u socda waxba u yeelayn, haystaana natiijooyinka dalka ka soo baxay oo dhan.

Haddaba sida warwar u dhawdhaw ay sheegayaan waxaa lagu dhawaaqayaa natiijada ka ma danbaysta ah maanta oo ay tahay Arbaca.

Halkan kala soco wixii soo kordha.

Axmed Quick

Hargaysa, Somaliland

Friday, January 15, 2010

Gudoomiyahii Guurtida oo maanta ku soo laabtay dalkii hooyo

(Waridaad)-Waxaa maanta oo Jimce ah ku soo laabtay dalka, Gudoomiye, Saleebaan Nuur iyadoo maalinta sabtida ay ku simayaashiisu u balansan yahiin wax kabadalka gudi hoosaayadda si loo fudeedeeyo bedelista gudoomiyaha, uguna hawl fududaato mashruuca Riyaale ee mudo kordhineed ee loo xil saaray Fure iyo ku xigeenadiisa.

Arrinkan ayaa dadweynahu aad u soo dhaweeyeen, kuna noqotay afkla qaad, Udub iyo kaaliyaashooda guurtida u dhex fadhiya.


Waridaad media centre

Sunday, January 10, 2010

BAAQ KU WAJAHAN SHIRGUDOONKA GOLAHA GUURTIDA.

(Waridaad)- BAAQ KU WAJAHAN SHIRGUDOONKA GOLAHA GUURTIDA.
 
 
KU: Gudoomiye kuxigeenka koowaad iyo labaad ee
Golaha guurtida; sheekh Axmed Nuux Furre iyo Siciid Jaamac Cali.
 
KA. Golaha qurba jooga S/land ee Yurub iyo Waqooyiga America
.
 
Iyadoo Somaliland sanadihii u danbeeyeyba ay shicibkoodu la tacaalayeen , lana kacaa kufayeen horumar la’aanta dhinacyada; dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo guud ahaan adeegyada bulshada, ayaa waxaa labadii sano ee u danbeeyeyna dalka gil-gilay khilaafka siyaasadeed iyo mudo kordhin aan dastuuri ahayn oo golaha guurtidu xukuumadda Riyaale ugu Kordhiyeen Mudo dhawr jeer ah.

Heshiiskii ka koobnaa lixda qodob ee sodonkii bishii September lagu kala saxeexday maxadtooyada Somaliland ,ayaa ahaa midkii lagu soo afjaray khilaafkaa ka dhashay mudo kordhinta iyo dibu dhaca mudada doorashada, kaasi oo soo afjaray;

1- Doodii maamuus ka xayuubinta Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee ka socotay golaha wakiilada.

2- Mooshinkii xukuumaddu dabada ka waday ee mudo kordhinta oo isna yaakay golaha guurtida, kaasoo ay isku maan dhaafsanaayey xubnaha golaha ku jiraa, shicibkuna kaga soo horjeesteen isu soo bax ay ku sameeyeen golaha guurtida hortiisa.

3- Go’aankii labada xisbi mucaarid ee ku salaysanaa in marka la gaadho sagaal iyo labaatanka October labada kun iyo sagaalka aanay jiri doonin xukuumad uu Madaxwe
yne ka yahay Daahir Riyaale.

Hadaba haddii aanu nahay xubnaha hoos ku xusan, kuna bahoobay golaha qurba jooga S/land, waxaanu u aragnaa muranka ka soo cusboonaaday golaha guurtidu inuu dib u abuurayo khilaafkii siyaasadeed, carqaladna galinayo hawlaha doorashada ee hadda gacanta lagu hayo, iyadoon wakhtigan xaadirka ah loo baahnayn xeer iyo gudi wax laga badalo.
 
Waxaanu ugu baaqaynaa gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha guurtida Sheekh Axmed Nuux Furre, ahna sii hayaha jagada gudoomiyenimo ee golaha guurtida iyo ku xigeenkiisa Siciid Jaamac Cali, inay ka fogaadaan wixii dalka iyo dadkaba ku keenaya khilaad hor leh, khilaafkaasoo aan dalka iyo dadkaba dan u ahayn dulqaad danbana aan loo lahayn.

Waxa kale oo aanu halkan hanbalyo ugu soo jeedinaynaa gudida komishanka qaranka oo ka hawl galay deminta khilaafkaa cusub ee golaha guurtida, una arkay mid lagu waxyeelaynayo hawlaha doorasho ee ay hadda gacanta ku hayaan.

1- Maxamuud Caydiid Lafcanbe.
2- Cali Aadan Cawaale.
3- Cabdirisaaq Ibrahim ( Alpho ).
4-Xaaji cumar Cismaan.
5- Xaaji Yusuf Xasan Umal.
6- Maxmuud xasan ( Nugidoon )
7- Xasan Axmed Geedi ( Hunbus )
8- C/llaahi M. Saleebaan.
9- Max’d Cismaan Axmed.
10-Mukhtaar Xaaji Aadan.
11- C/risaaq Xuseen Balayax.
12- Maxamed cusmaan.
13- Xuseen Axmed Caydiid
14- M. M. Muumin
15- Cumar Xaaji Aadan.
16- Yaasiin Xasan Xaaji Aadan
17- sarmad Sheekh Culujoog.
18-Fu’aad Yusuf Maxamed.
19- Ismaaciil Ducaale Cilmi.
20 Maxamed Xaashi Bacado.
21- Yusuf Xirsi Axmed xariir
22- C/raxmaan Iiman war same
23- Axmed xasan Cunaaye.
24- Khadra Ibrahim Warsame
25- Maryan Maxamuud Cali.
26- Jaamac cabdi Badhaadhe.
27-Cabdi cabdillaahi jannaale.
28- Mubaarig Yusuf ( Bidhi ).
29- Bashe A. Cumar.
30- Cali Maxamuud Jaamac
31- Axmed Xasan Axmed ( Quick )
32- Cabdoo Aayir.
33- Maxamuud Nuur ( Xariif )
34- Maxamed Baashe Aw Cali.
35- Xasan Xaaji.
36- Maxamed Axmed Madar.
37- Faysal Axmed Caydiid.
38 Cabdillaahi Sellin
39- Suldaan Siciid Kabadhe ( Sulaan Kabadhe ).

Friday, December 04, 2009

WAA TAHAY WADAAD SHARIIF MAANTANA MAXAAD TIDHI….?

(Waridaad)-
WAA TAHAY WADAAD SHARIIF MAANTANA MAXAAD TIDHI….?
Bani Aadamka Ilaahay abuuray tasarufaatkiisa waxbaa xakameeya: Hanoqota mid Diineed, mid dhaqan, mid dadnimo oo damiirku ka xishood waxyaabaha qaarkood. Ma haddiise Aadamaha joojiyuhu u fakado wax la xeeriyaaba ma jirto. Hab dhaqanka siyaasiyiinta Soomaali konfureed ayaa manta ka dhigan moodhikaar injiinkii u fakaday. Wadaad Shariif iyo ina Cabdirashiid, kuwii ka horeeyey, iyo kuwa ka dambeeyaba xaaloodu waa siduu Ilaahay Qura’anka Kariimka ku sheegay: “ Man kaana fii haadihii acmaa fa huwa fil aakhirati acmaa wa adalu sabiilaa.” Ragga tamartoodii dhaafiweydey in ay adduunka ka dhowteystaan oo ay kiish kunta ka daloola hadba meel ula cararaan oo ay gacmaha hoose hoorsadaan ajnebi. Weli ma dareensana magacii xumaa ee la kowsaday dowladdii lagu hungoobay ee lixdankii dhalatay eek u caanbaxday qabrigii qaraamaadka addunka. Wadaad Shariif iyo ina Rashiidoow ummadda reer Somaliland indinka iyo qeyrkiin midna wax ka sugimeyso dibna wax ula wadaagimeysoe, samir iyo iimaan Ilaahay ha idinka siiyo midnimo Soomaaliyeed oo dib loosoo yagleelo.

Wuxuu yidhi: Maandeeq markay curatay ay laba mataanaysay eed midig ka Haaneeday, markayaal markaad heemiseen ee maataadii qadisey, maantana midaad soo waddaa sow macaac ma ? aha//: Waa taan isniintii dhoweyd awrta kuu raraye, maantana maxaa I kaa ag dhigay sow arbaca ma aha? Nin indho la’ oo dhego la’ oo hadba dhinac u rooraya wuxu halis u yahay in uu aakhirataanka haadaan ka shalwado. Hore waxa loo yidhi waano dhalan baa ka adage miciin ha moodo kub aan daalin, kubo an dhergin, iyo kas aan garan. Wanaag iyo walaatinimo hore ayey Walaweyn u deeqi weydeye ilaa inta suurtii yumal qiyaamaha la afuufayo midnimo Soomaaliyeed weligiinba ku eedaama, taasi u ka dhian siduu Qur’aan sheegay: “ Kamaa ya’isal kufaaru min asxaabil qubuur” ama “Xattaa yalujal jemelu fii simmil khayaad.” Nin hoggaan siyaasadeed u hanqal taagay seddex hal in uu ku sifoobo waa xaraan: Ma quuste, ma qabsoome, iyo ma qaderiye! Wax yaab noqotay labaatankan sannadood ee u dambeeyey siyaasiyiintii koonfureed seddexdaa hal ayey ka masoobeen. Nin kaa tashaday oo dalkoodii dhistay wax idin kulmiyaaba jirin waxaad u daba gebleysaaba waa gardaro. Marka hore Soomaali koonfureed ha is weydiiso waxa looga tegey. Markay Soomaali koonfureed teeda meel dhigto tu cid kale haka hadasho.

CULIMADII SHALAY IYO KU MAANTA?

Werdi iyo kitaab, wacdi iyo wax sheeg intii la xidhiidha Diinta Islaamka waxa lagu ogaa wadaad caalim ah oo bulshada ka mudan qaderin, sharaf, maamuus, iyo karaamo gaar ah oo salka ku haysa xadiiska odhanaya, “ Culimaa’u ummati ka anbiyaa bani Israaiil.” Oo macnihiisu yahay culimada ummadeydu waxay la midyihiin nebiyadii reer Israaiil.

Marka aynu is barbar dhigno culimadii hore ee Soomaaliyeed iyo kuwomaantajooga ayaa faraq weyni u dhexeeyaa. Hirdanka culimadii hore iyo kuwa manta ayaa salka ku haya dagaal qadhaadh oo dibadda laga soo maamulayo looguna talo galay in ummadda Soomaaliyeed caqiidadeedi shaki la geliyo hilfahana loogu laabo Madhabtii Shaaficiyada ee boqolaalka sannadood aynu ku soo dhaqmayney. Aaafadan ayaa si gaar ah ugu habsatay Soomaali Konfureed ka dib markay hadhaagii Siyaad Barre ay qori u adeegsadeen Kitaabkii Ilaahay.

Waa masiibadii bilowga boqol guurada shan iyo tobnaad ee tariikhdii Hijradii Nebi Muxamed Sallalaahu Calayhi wa Salam, oo lagu tijaabinayo deegaanada Soomaalida dhammaantood.

RAADRAACKOOBAN TAARIIKHDII ISLAAMKA

Hadaba marka aynu bilowga taariikhda Islaamka dib u raacno, ayaa waxa jirta in markasta oo ay boqol guuro buuxsantaba in fitno aan hore loo arag lana maqalini dhacdo. Tii ugu dambeyseyna waatan riiqdeedii sii qoyantahay(1399H). Bal hada aynu dib u raadraacno siddeedii boqol ee sannadood ee taariikhda Islaamka u horesey iyo waxyaabihii dhacay:

Masiibadii u horessey: Waxa dhacday fidmadii Xujjaaj Bin Yuusuf Al Thaqafi, waa tii uu masaajid kaga khudbadeeyey, “ Yaa Ah-lal Ciraaq, yaa Ahlal-kurfi wal-nifaaqi waash-shirki, innii araa ru’uusan qad aynacat wa xaana waqtu qidaafuhaa; la tacrifuunii mattaa adicu cimaamati..”=” Reer Ciraaqoow, waxa la bahaowdeen Gaalnimo, munaaqnimo, iyo Ilaahay oo cid kale ku lammaaneyseen; waxa ii muuqda madaxyo bislaaday oo xiligii la goyn lahaa gaadhay; waxay dun I garan markaan cimaamadda dhigto..” Xujjaaj hadalkiisii wuu kaga dhabeeye oo ummad farabadan ayuu dilay.

Tii labaadna: Waxay la kowsatay dagaal ba’an oo dhexmaray Ma’muun [Cabdallah Abu Al-Cabbas ibn Rashiid] iyo walaalkiis oo uu si foolxun u dilay. Waxa kale oo taa ka darneyd in Ma’muun ummaddii ula shir yimaado wax aan hore loo maqal ooo ahayd in Qur’aanka Kariimka ah la abuuray- Sumxaan Allaah min Ma’muun.

Tii Seddexaadna: Waxa soo baxay nin la yidhaa Alqurmudi iyo wixii ka dhacay caleemo saarkii Al-Muqtadir Billaah Abu Al Fadl Jacfar Ibn Muctadad Ibn Al-Muwafaq Dalxa Ibn Mutawakil Ibn Al-Muctassim Ibn Rashiid,wakhti yar ka dib xilkii ayaa Muqtadir laga xayuubiyey, waxana lagu bedeley Ibn Ul-Muctas Billah Muxamed Abu Cabdallah Ibn Mutawakil Ibn Muctasim Ibn Rashid. Ibn Ul-Muctas isna xilkii ayaa laga xayuubiyey, khilaafadiina waxa dib loogu caleemo saaray Al-Muqtadir, isna markiiba wuxu ku dhaqaaqay in uu gowraco Qaadigii iyo Culimo kale oo fara badan, dil, dhac, boob, iyo tacadiyo kale ayaa dowladdii Islaamka hadheeyey.

Tii Afraadna: Waxa yahayd Fidmadi Al Xaakim Bi-Amrillah[Abu A- Cabbaaas Axmed bn Abi Cali Al-Xasan Ibn Abi Bakr Ibn Al Xasan Ibn Cali Al-Qubi Ibn Al-Khaliifah Al-Mustarshid Bilah Ibn Al-Mustadhir Bilah] iyadana sheekadeeda. Halkan laguma soo koobi karo.

Tii Shanaadna: Waxay dhacday markay Saliibiyiintu la wareegeen Beit Ul-Muqadas iyo dhulkii la odhan jirey Sham.

Ta Lixaadna waxa dhacay sicir barar aan hore loogu ilaa sebenkii Nebi Yuusuf
Ta todobaadna waxay ahayd weeraradii Tataarku ku soo qaadeen dowladdii Islaamka oo dad aad u tiro badani ku nafwaayeen oo dhiig badani ku daatay.
Ta Siddeedaadna wa dagaaladii dhexmaray Islaamka iyo Tamerlane.

HADALADA KOOXDA WADAAD SHARIIF

Intaa haddiii aan ku dhaafo hordhacii tusmadan, waxan jecelahay in aan waxooga ka idhaado hadalo aad u macno daran oo had iyo jeer ka soo yeedhay hadba ciddii loo cumaamado talada Soomaali koonfureed oo ay ugu dambeysey tan wadaad Shariifka Muqdusho lahaa Somaliland annaga ayey sugeysaa inta aanu xasileyno ee xiska iyo maanku dib noogu soo noqonayaan. Waxaad aad moodaa in tubtii uu kii u horeeyey maray in kuwa dambena ku raadjoogo oo ay taxliil wada cabeen. Aadamaha sidiisaba waxa uu hadalku ku habooyahay in uu marka hore u meeldayo oo aanu ka noqon waran isaga dib ugu soo noqda. Waxa dunidii waakeeyey wadaad werdigii, wacdigii, weysadii, iyo Kitaabkii lagu ogaa intuu xooray yidhi siyaasad ayaan u xuubsiibtay oo anna wey kan. Isla markiiba waxa ka barbar oogsaday kuwo aan Kitaab iyo Diintoona ehel u ahayn oo Kitaabkii Ilaahay ka dhigtay wadkii Soomaali dabargoynayey. Wadaad Shariif iyo kooxda uu horboodayaa marka ay maareeyaan halaaga ay ummadoodii u horseedeen ka dib arrimo kale ha ka hadlaan. Gaar ahaan wadaadka waxa la gudboon marka u horeysa in uu isku dayo bal in uu midigtiisa iyo bidixdiisa mattaaneeyo oo meel isugu keeno inkastoo aanya taasi marnaba u suurto geleyn.

WADAAD IYO DOWLADNIMADII LIXDANKII?

Ilaa intii ka dambeysey gobanimadii lixdankii koleyba wadaada waxbaa laga urinayey oo haddii aynu tilmaan u soo qaadano berigii[1961] loo codeynayey Distoorkii/Xeerkii Israaca waxay kaba caddu ku balweyn jirtey:

Waa tahay wadaad wadadii cadeyd naga weecise; Waa tahay wadad wan dambood cuntaa waa kaa wallee.

Isla wakhtiyadaa ayaa Webi Shabeele iyo Juuba dulkii konfureed ku fataheen oo dad iyo xoolaba galaafteen. Addun weynaha ayaa soo gurmaday oo deeqo raashin iyo daawooyin isugu jira deg deg u soo gaadhsiiyey. Waxay kale oo jirtey in dowladdii Soomaaliyeed ee xiligaa jirtey dadkii hormoodka ka ahaa in ay ku taliyeen in mucaawinooyinka laga soo dejiyo Boosaaso! Weynu qiyaasi karnaa goobta dadku ku tabaaloobay iyo halka wax laga so dejinayaa inta ay isu jiraan. Fikradda noocan ihi waa mid soo jirtey tan iyo maalintii wixii la isku odhan jirey Jamhuuraddii Soomaaliyeed iskeed u haligantay. Tusaalo kale haddii aynu soo qaadano waxa tan hore la mid ah wersheddii sibidhka ee Berbera laga dhisay muddo shan iyo tan sannadood ah ayaa la hadal hayey oo waxa dhacday golihii kacaanka oo maalin arrinta ka hadlaya in nin madasha fadhiyey soo jeediyey in dhagaxa Berbera baabuur lagu soo qaado wersheddana laga dhiso Buur Xakaba! Tani waxa markhaati ka ah mashaariicdii Soomaaliya laga hirgeliyey mudadii dhexeysey 1985-1990 oo qiimahoodu ku kacay US$4.3605 Billion, waxa Somaliland ka soo gaadhay US$142.00

Million, oo US$68.00 Million oo ka mid ihi ku baxday wersheddii sibidhka.
Dhalinyaro iyo waayeel meesha wax isdhaamaba kuma dhaqnee ma dhambal ayaa caqliga loogu shubay. Berigaa webiyadu fataheena dhalinyaradii kaba cadda la odhan jirey waxay ku heeseen:
Ilaahii Walaweynta webiga ku rogoow waraabahan shacabka rooraayiyo weeggan naga qabo wadaadada.

Toloow berigaana xagay wax ka qaloocdeen ee culimada laga raacay? Waa su’aal iswediin mudan.

SOOMAALI KONFUREED MAXAY KU HIRDAMAYSAA?

Si kastaba wax ha u dhaceen dhibaatada loo caalwaayey ee Soomaali koonfurees ragaadisey waa mid ay iyagu gacmohooday ku abuureen ee dowladdii Siyaad Barre wixii ay Somaliland ka geysatey iyo mid u dhow toona koonfur kulamay kicin. Tii oo koonfuri fayowdahay ayuu Siyaad Bare ka tegay, dabadeedna Cali Mahdi iyo Maxamed Faarax Caydiid ayaa xukunkii isku qabsaday oo Magaaladii Muqdusho ayaa noqotay goob dagaal oo laba dhinac u kala saffan. Markii xigaeyna Cabdiqaasim-Qasbaaye ayaa Carta, Djibouti lagu soo caleemo saaray. Isna Cabdillaahi Yuusuf iyo xulafadiisii ayuu tab ka rogi waayey wakhtigiina sidaas ayuu kaga dhammaaday. Waxa xigay Cabdillaahi Yuusuf oo isna Embagathi lagu soo caleemoo saaray; isaga iyo gacan yarihiisii Cali Geedi waxa ka horyimid kooxdii labaxday Maxaakiimta. Xasuuqyadaii Xamar ka dhacay dunidu wey ogtahay oo halkan laguma soo koobi karo. Cabdillaahi ujeedadii u kala haa markuu gaadhay ayuu Yaman magangelyo siyaasadeed isku dhiibay. Isbahaysigii Maxakiimtuna wuxu u kala jabay laba kooxood oo iskasoo horjeeda: Kooxda Asmara iyo Kooxda uu horboodayo wadaad Shariif ee Djibouti lagu soo dhoobdhoobay oo hadda dagaal qadhaadhi ku dhexmarayo meelo badan oo koonfur ka mid ah. Waa tabtii ninkii Carbeed ee gabyey laha:
Acdatu lil shcaraa’I summan naaqican; fa asqaytu aakhirahum ka’asal aweli= Waxan gabayaagii u diyaarshay sun ay ku go’aan,Kii u dambeeyeyna waxan ku waraabshey koobkuu kii u horeeyey ku cabbay!

Suntaa lagu le’day waxa manta ka dhigan hoggaanka madaxtinimo ee Soomaali konfureed ku halaagantay. Dambarkii maadeeq laga lisay oo sun isu bedel ayaa hadba mid cumaad madaxweyne duubtay leeyahay anna aan dhadhamiyee markayga ii dhiiba.

Halkaa ha inoo joogto

Axmed Cali Ibrahim Sabeyse

Monday, November 30, 2009

War degdeg ah: Xafiiskii Idaacadda Horyaal ee Hargeysa oo gubtay

(Waridaad)-Xafiiskii Idaacadda Madaxa bannaan ee Horyaal ee Magaalada Hargeysa, ayaa gubtay ka dib markii sida la sheegay uu qabsaday Dab ka dhashay Korontada Xafiisku.
Sida uu Somaliland.Org u sheegay Agaasimaha Idaacaddaas Cabdirisaaq Maxamed Dubbad, Dabkan oo ka kacay guud ahaan dhismaha Xafiiska Idaacadda Horyaal duhurnimadii maanta, ayaa baabi’iyay qalab iyo hanti badan oo Idaacaddaasi lahayd. Hase ahaatee, ma jiro khasaare nafeed oo uu Dabkani sababay.

Agaasimuhu wuxuu intaa ku daray in Dabkani ka dhashay Korontada ama Laydhaka Guriga ku jirtay oo Shoodh qabsaday, taasina waxay keentay sida uu Cabdirisaaq sheegay in guud ahaan Xafiisku gubto. “Qalabkii iyo Hantidii Idaacadda badhkood way gubteen, balse markii dambe waxa lagu guulaystay in la bakhtiiyo” ayuu yidhi Cabdirisaaq Maxamed Dubbad.

Xigasho: somaliland.org

Friday, November 20, 2009

War Degdeg ah: Wasiir ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo geeriyooday

(Waridaad)-Wasiirkii Macdanta iyo Biyaha Somaliland Qaasim Sh. Yuusuf, ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Makka ee Sucuudiga.

Allaha u naxariistee sida uu sheegay Agaasimaha Wasaaradda Warfaafintu, Marxuum Qaasim Sheekh Yuusuf oo dalka Sucuudiga u tegay gudashada waajibaadka Xajka, ayaa halkaa ku geeriyooday.
Waridaad media centre