Tuesday, June 14, 2005

Bulshada reer Ottawa oo noqotay Sac la maalo.

Warar lagu kalsoonyahay oo na soo gaadhay dhawaan, ka dib markii uu yimi iska horimaad adag oo ka dhax aloosmay kooxo ka mid ah bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada madaxda kanada ee Ottawa. Murankan & khalkhalkan oo uu ka danbeeyey ka dib markii laysku maandaafay sidii loo soo abaabulilahaa xuskii la soo noqodkii xornimada Somaliland ee 26 June, 1960.

Hadaba akhristoow, waxaa jira warar fara badan oo soo shaac baxay ka dib markii ay timi in laysku maandhaafo, habkii loo soo agaasimi lahaa xuska 26/June, kaasoo sida hadda dad fara badan qabaan ay leeyihiin waxaa ka danbaysa balanqaado loogu balanqaaday labada dhinac ee isku maandhaafay dhinac inay heli doonaan maal-gelin laga soo maal galinayo ilo ku lug leh xukuumada Somaliland, haddii ay la yimaadaan cadaysimo inay yihiin kuwa matela Ardaaga Bulsha-Weynta reer Somaliland ee ku dhaqan Ottawa.

Balamahaa oo dadku badankoodu war u hayn, hase ahaatee ay in isku mabdi ahi wadatay oo ay qorshaysatay inay sameeyaan sidii ay ku hanti lahaayeen kursiga ugu sareeya ee Ardaaga Somaliland ee Ottawa oo hadda loogu jiro sidii loo yagleeli lahaa. kooxdaa oo ujeedooyin gaara wadatay isla markaana rabtay inay ku kacsadaan awrkooda sidii ay u heli lahaayeen wax yar oo dhuunigooda mara.

Haddaba arimahan & qorshooyino kale oo qarsoodi ahaa isla markaan mujtamaca reer Somaliland ay daacad ka ahaayeen ayaa iminka soo if baxay.

Sababahaa iyo qaar la mid ah ayaa u horseeday in la helo meel ka turjubaanta danaha bulshada reer Somaliland, isla markaana Ardaa daacad ku dhisan kuna hana-qaada ay u helaan. Sidaa daraadeed waxaa dhawaan laysagu yeedhi doona sidii bulshada ay iyagu u dooran cidii maamulkooda ay u dhiiban lahaayeen, arimaahaas oo ay isku soo duba ridi doonaan Odeyyaasha iyo wax gardka oo loo igmaday sidii ay isugu soo yeedhi lahaayeen bulsha weynta una soo cayimi lahaayeen wakhtiga iyo fagaaraha lagu kulmi doono.

No comments: