Thursday, June 30, 2005

Kiciddii Iyo Burburkii Aragtida Somaliweyn

(The Rise and Fall of Greater Somalia Theory)

Figradda Somaliweyn waxay xooggeedu soo ifbaxday badhtamihii Dagaalkii Labaad ee Adduunka (1939-1945 ) xilligaas oo ay bilaabmeen halgamadii siyaasiga ahaa ee gobonimadoonka Somaliyeed oo socday intii u dhaxaysay 1943-1960. Halgamadaas oo ay hormood ka kala ahaayeen Xisbigii SYL oo la aasaasay 1943 una halgamayey xornimada Gobolladii Koonfurta oo maanta ah Somalia iyo Xisbigii SNL oo la aasaasay 1947 una halgamayey xornimada Gobolladii Waqooyi oo maanta ah Somaliland. Halgamadaasu waxay dhammaantood ka midaysnaayeen aaminsanaanta Aragtida Somaliweyn oo ahayd in la xoreeyo, mideeyo, hal calan iyo hal dawladna la hooskeeno 5tii Somaliyeed ee Gumeysiga Reer Yurub u kala qaybiyey geyigii Somaliyeed, taas oo ahayd sidatan: Somaliland iyo Gobolka Somaliyeed ee Kenya waxaa saami ahaan u helay Ingiriiska (1884-85 ), dibna Ingiriisku ka siiyey Kenya Gobolka Waqooyi Bari ee Somaliyeed (1963 ), Koonfurta waxaa qaatay Talyaaniga (1889 ), Jabuuti waxay gacanta u gashay Faransiiska (1862-1885 ), Somali-Galbeedna waxa ku tuun-tuunsatay Itoobiya (1889 ), dibna Dhulka Hawd Ingiriisku ka siiyey Itoobiya (1954 ).


Somaliland waxay ahayd dalkii ugu horreeyey ee Somaliyeed oo gobonimada qaatay 26kii June, 1960, ummadda Somalilandna waxay ahayd dadkii ugu horreeyey ee kaga dhabeeya hirgelinta Aragtida Somaliweyn markii ay 1dii July 1960 la midoobeen Koonfurta (Somalia ) lana baxeen Jamhuuriyadda Somalia. Midowganu waxa uu yididiilo weyn ku abuuray dhammaan dadyowgii 5ta Somaliyeed waxaana rajo weyn laga qabay in dawladda cusub ee Israaca ay horseed u noqondoonto xoraynta iyo keenidda 3dii gobol ee kale si figradda Somaliweyn u dhabowdo loona abuuro jamhuuriyad weyn oo Somaliyeed kana dhalata Geeska Afrika.

Nasiibdarro, Aragtida Somaliweyn waxay figrad ahaan iyo ficil ahaanba u jirtay intii u dhaxaysay 1943-1960. Burburka midnimadii dhalatay iyo yididiiladii laga qabay Somaliweyn waxay la kowsatay Israacii 1960 kadib markii ay Somalia diiday inay ixtiraamto wadaagga dawladdii ka dhalatay midnimadii cusbayd si toos ahna u boobtay dawladnimadii ka dhaxaysay labada dal.

Is-raacii 1960 waxa uu dhexmaray laba dawladood oo cusub oo siman kana kala dhashay Maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland iyo Mustacmaraddii Talyaaniga ee Somalia kuwaas oo ay kala hoggaaminayeen Ra`iisal Wasaare Moxamed Xaaji Ibrahim Cigaal (Waqooyiga ) iyo Ra`iisal Wasaare Cabdullahi Ciise Moxamuud (Koonfurta ). Waxa la filayey in marba qolada madaxweynaha qaadata mooyee ay qolada kale qaadato ra`iisal wasaaraha, jagooyinka kale ee muhiimka ah ee dawladdana si caadil ah loo wada qaybsado. Ayaandarro, Waqooyiga waxa loola dhaqmay sida gobol ka tirsanaa Koonfur oo kale sida Mudug ama Banaadir,dadkiisiina waxa si cad looga duudsiyey qaybtii ay ku lahaayeen jamhuuriyaddii wadaagga ee cusbayd. Sidaasna Koonfurtu waxay markiiba ku fashilantay inay fahamto qiimaha midnimada. Markii Koonfurtu qaadatay madaxweynihii ugu horreeyey oo ahaa Aden Cabdulle Cosman (1960-1967 ), waxay ku darsatay ra`iisal wasaarihii oo noqday Cabdirasheed Cali Sharma`arke (1960-1964 ) iyo jagooyinkii ugu muhiimsanaa golaha wasiirada iyo ciidamada sida Cabdirizaaq Xaaji Xuseen: Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Cabdullahi Ciise Moxamuud: Wasiirkii Arrimaha Dibedda, Cosmaan Axmed Rooble: Wasiirkii Maaliyadda, General Daa`uud Xirsi: Taliyihii Xoogga Dalka Somaliyeed, General Moxamed Abshir Haamaan: Taliyihii Ciidanka Boliiska Qaranka iwm, barlamaankiina si xaqdarro ah ayey u bursatay Koonfurtu. Marlabaad ayaa koonfurtu qaadatay ra`iisal wasaarihii oo noqday Cabdirizaaq xaaji Xuseen(1964-1967 ) oo isla madaxweyne Aden Cabdulle Cosman magacaabay xilligiisii labaad. Wacadfurka, inkiraadda, iyo cadaaladarrada ay xukuumadihii rayidka ahaa ee Koonfurtu kula kaceen dadka Waqooyi intii u dhaxaysay 1960-1969 waxay muujisay sida dadka Koonfurtu jaahil uga ahaayeen qiimaha midnimada iyo fahmidda dawlad-wadaag ah.


Madaxweynihii labaad waxaa noqday Cabdirashiid Cali Sharma`arke (1967-1969 ) oo isna Koonfur ahaa. Duudsigaas foosha xun waxa uu keenay in dadka Waqooyigu isku-ciilkaambiyaan sidii fududayd ee ay dawladnimadoodii cusbayd ugu loogeen Koonfurta, waxayna kaga cadhaysiisay siyaasiyiinta, indheer-garatada, madax-dhaqameedka, ganacsatada iyo saraakiisha ciidamada. Cadhadaasu waxay keentay in qaar ka mid ah saraakiisha militariga ee Reer Waqooyiga ahaa uuna hoggaaminayey Xasan Kayd ay inqilaab dhicisoobay ka ridaan magaalada Hargeysa bishii Diisambar 10dii, 1961 si ummadda Waqooyi loogu soo cesho dawladnimadii laga duudsiyey iyo madaxbanaanidiiba. Halkii la dersilahaa sababta keentay gadoodka ciidanka lana bilaabilahaa dib-u-heshiisiin qaran, ayaa waxa uu madaxweyne Aden Cabdulle Cosman (1960-1967 ) ku dhaqaaqay tallaabooyin lagu sii cadaadinayo Reer Waqooyiga si loogu ciqaabo inqilaabka fashilmay loolana dhaqmo sida mustacmarad ay haysato Koonfurtu.Waxa uu isku-bedalay ciidamda, macallimiinta, iyo shaqalaaha dawladda, isagoo kuwii Koonfurta keenay Waqooyi, kuwii Waqooyigana geeyay Koonfur si loo wiiqo awoodda Reer Waqooyiga.


Siyaad Barre oo isna Koonfur ahaa kana faa'iideysanaya dilkii madaxweyne Cabdirasheed, oo lagu dilay magaalada Laas-caanood 15 kii Oktoobar 1969, ayaa afgembi milatari ku qabsaday dalkii 21 kii, 1969. Duudsigaas iyo boobkaas dawladnimada ee xidhiidhka ahaa kuna dhacay Reer Waqooyiga iyo dembiyadii cuslaa ee laga galay xilligii dagaallada sokeeye waxa uu noqday warankii ugu horreeyay ee lagu burburiyay midnimada labada gobol iyo Aragtida Somaliweyn.


Duudsigii ugu weynaa xagga dawladnimada waxa uu ku dhacay Gobolladii Waqooyi xilligii keli-taliyihii Siyaad Barre oo awoodda dalka oo dhan gacan bir ah ku haystay muddo 21 sano ah (1969- 1991), kana dhigay maqaar- saar madaxdii Reer Waqooyiga. Siyaad Barre oo asalkiisu ahaa askari booliis ah oo Talyaanigu u dallacsiiyay sarkaal sanadkii 1954, waxa uu ahaa qabiliiste ma naxe ah. Si uu dadka u cabbudhiyo loogana baqo xukunkiisa, waxa uu markiiba dhegta dhiigga u daray: Moxamed Caynaashe, Salaad Gabarrey iyo Cabdulqaadir Dheel sanadkii 1971. Waxa uu muddo yar kadib il-nacab ku eegay dadka Reer Waqooyiga, siiba Isaaqa, isagoo u arkayey inay markiiba fahmeen ajandihiisa qarsoon ee keli- talisnimada qabiilka ku dhisan, waxaanu ku bilaabay olole uu tartiib-tartiib uga nadiifinayo maamulka dawladda. Dadka Somaliland markii ay arkeen sida loo duudsiyey qaybtii ay ku lahaayeen dawladnimada, boqolaal kun oo qaxooti ahna siyaasad ahaan loo soo dejiyey dhulkoodii la tashi la'aan, muddo dheerna dheg loo dhigiwaayey tabashadooda, loona diiday inay si nabadgelyo ah ku muujiyaan dhibaatooyinkii haystay, ayaa waxay go`aansadeen inay halgan hubaysan kala hortagaan halistii weynayd ee soo foodsaartay, taas oo ahayd iyada oo qarka loo saarnaa dhaxal-wareeg dal iyo qaran - guur ummad. Go' aankaas waxaa lagu abuuray Ururkii SNM ee xaq u dirirka ahaa sanadkii 1981, waxaana markiiba dagaal hubaysan oo aan kala go' lahayn lagu qaaday huwantii sida cadawtinimada leh isugu bahaysatay dadka iyo dalka, kuwaas oo kala ahaa: Ciidamadii Koonfurta (Somalia), Jabhaddii Somali- Galbeed iyo Jabhaddii Abooga.


Dagaalkaas oo ahaa kii ugu dheeraa uguna dhibaatada badnaa ee soo mara Gobolladii Waqooyi, waxa uu xoogiisu socdey intii u dhaxaysey 1982-1990. Bishii May 1988, ayaa Ururka SNM duullaankii ugu weynaa ku qaaday huwantii Taliskii Siyaad, uguna galay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Duullaankaas oo aad u wiiqay una burburiyey awooddii is-bahaysatadii Moqadisho, waxa Siyaad Barre ugu jawaabay inuu diyaaradaha dagaalka, taangiyada iyo madaafiicda goobta ku gummaado dadweynihii Isaaqa, ku burburiyo magaalooyinka waaweyn, kuna barakiciyo hambadii dadka oo u qaxday Itoobiya. Hujuumkaas SNM oo Siyaad Barre ku waayey awooddii ciidamadiisa iyo jabhadihii ka garab dagaallamayey, waxa uu markiiba ku dhaqaaqay hubaynta iyo dagaal-gelinta xeryihii qaxootiga Absamaha iyo qaybo ka mid ah beelihii Waqooyi wax ka deganaa.

Bishii July 17, 1989, 46 qof oo rayid ah oo Reer Waqooyi ah ayaa saqdhexe lagu gawracay Xeebta Gasiira ee duleedka Mogadisho, dad aad u fara badanna loo taxaabay xabsiyadii Xamar, sanadkaas oo dadweynihii Xamar u bixiyey "Sannadkii Isaaq Boobka."

Dembiyadaas culus ee laga galay dadka u badan Somaliland, waxaa amridooda ka ma'suul ahaa: Siyaad Barre, Cali Samatar, Adan Gabyow, Moxamed Gaani Xaashi iyo Moxamed Saciid Morgan. Halgankii hubaysnaa ee Ururka SNM, oo shacabkiisu hiil iyo hooba heegan ula ahaa, waxa uu dadka dhaxal-wareeg dal iyo qaran-guur ummad, isla markiibana qaxootiyadii Somali Galbeed ka eryay dalka oo dhan. Kadib markii Ururkii SNM naafeeyey awooddii milateri ee Ta1iskii Siyaad Barre, ciidan iyo qalabba, intii u dhaxaysey 1982-89, ayaa waxa u suurtogashay Hawiyaha inay asaasaan Ururkii hubaysnaa ee USC sannadkii 1989, dabadeedna si fudud cagta u mariyaan Taliskii Siyaad ee sii dhacayey, kana eryaan Siyaad Barre Xamar January 26, 1991. Maalmo yar kadib, Cali Mahdi, oo aan ka muuqan halgamadii hubaysnaa, ayaa xukunkii dalka oo dhan boobay Feb.1991, sheegtayna madaxweyne isagoon la tashan Reer Waqooyiga ama Koonfur inteeda kale.


Dadka reer woqooyiga oo ka koobnaa beelaha Somaliland oo dhan, markii ay arkeen duudsigii, dulmigii iyo dembiyadii cuslaa ee laga galay 30kii sano ee Israaca (1960-1990), haddana Koonfurtu si kas ah u boobtay madaxweynihii dhiciddii Siyaad ka dib, ayaa waxay magaalada Burco ku go'aansadeen bishii May 1991 inay gobonimadoodii iyo awladnimadoodii kala soo noqdaan Somalia (Koonfurta) lana baxaan Jamhuuriyadda Somaliland.


Ummadda Jabuuti oo xorrowday June 27, 1977, waxay go'aan ku gaadhay inay gooni isu taagto ka dib markii ay aragtay duudsiga iyo dulmiga lagu sameeyey Reer Waqooyiga intii u dhaxaysey 1960-1977. Go' aankaas Jabuutina waxa uu noqday warankii labaad ee ku dhaca Aragtida Somaliweyn. Haddaba, sidaas ayey taariikhda ugu caddahay in Somalia (Koonfurta) iyo Somali-Galbeed toos uga mas' uul ahaayeen burburinta midnimadii Jamhuuriyadii Somalia, didinta Jabuuti iyo kufinta Aragtida Somaliweyn. Cadawga kowaad ee loo adeegsaday burburinta Aragtida Somaliweyn waxa uu ahaa qabyaalad.


Maantana, waa yaabe, waxaa midnimo iyo Somaliweyn u qaylinaya Somalia (Koonfurta) iyo Somali-Galbeed oo ah
labadii burburiyay midnimadii labada gobol isla markaana fashiliyay Aragtida Somaliweyn ee ahayd in 5ta Somaliyeed la wada hoos keeno hal calan. Midnimo jacayl kama aha maanta oo waxay u hiilinlahaayeen markii la xasuuqayay dadka Reer Waqooyiga, magaalooyinkoodana la burburinayay. Maalintaas ayay u ekayd inay midnimo qiimeeyaan oo badbaadiyaan. Waxay maanta raadinayaan inay helaan fursad labaad oo ay ku xukumaan kuna boobaan dal iyo dad aanay u dhalan (Somaliland) wayse ku hungoobeen. Somali Galbeed maxay dad kula midoobaysa illeen xorba ma ahee? Waxaa halkaas ka cad in damaaci dabada ka wado ay rabto inay ku degto kuna xukunto dad iyo dal aanay lahayn sida xilligii Siyaad Barre.


Dad badan oo Somaliyeed ayaa waxay aaminsanyihiin figradda khaldan ee ah in 5ta Somaliyeed aan la kala xigin oo qofka Somaliyeed marba midda uu rabo dego waxna ka xukumo maadaama Somalidu wadaagto: dhaqan,diin, af iyo midab. Figraddan waxba kama jiraan, waana arrin halis ku ah qaranimada iyo dawladnimada dal kasta oo Somaliyeed, waayo waxay horseedaysaa sumad la'aan qaran iyo astaan la' aan dal, waana fawdadii jirijirtay intii u dhaxeysey 1970-1990. Waa figraddii u suurtogelisay Siyaad Barre in qaxootigii Somali Galbeed, siiba Ogaadeeanka, uu ka dhigo wadani, wadanigiina uu ka dhigo qaxooti arrintaas oo ku salaysanayd qabyaalad. Qaxootigaas oo laga dhigay xubno baarlamaan, gole dhexe, wasiirro, guddoomiyaal gobollo iyo degmooyin, maamulayaal, janano, taliyayaal ciidan iwm waxaa markii dambe loo adeegsaday dagaalladii Waqooyi qayb weynna waxay ka qaateen xasuuqii dadka, dhacii hantida, iyo burburintii magaalooyinka. Tusaale waxa loo soo qaadankaraa: Col. Moxamed Cumar Jees (Reer DHagaxbuur ) oo xubin ka ahaa wixii lagu magacaabijiray Golihii Sare ee Kacaanka, General Moxamed Cumar Cosman (DHagaxbuur ) oo ahaa taliyihii Ciidanka Badda, General Bile Rafle Guuleed (Wardheer ) oo guddoomiye ka kala noqday Mudug,Togdheer, iyo gobolkii W/Galbeed, Cabdiraxmaan Afar Jeeble (Qabridaharre ) oo guddoomiye ka ahaa gobolkii W/Galbeed marna ka ahaa danjire dalka Imaaraadka, General Cabdiwahaab Moxamed Xuseen (Qabridaharre ) oo ahaa taliyihii Ciidanka Guulwadayaasha, General Siyaad Daa`uud (DHagaxbuur ) oo ahaa taliyihii Qaybta 26 aad. Intaas iyo kuwo kale oo badan waxay ka mid ahaayeen qaxootigii Ogaadeen ee ka yimid Somali Galbeed oo inta lagu taxay jagooyinkii iyo darajadii laga boobay dadkii waddanka lahaa (Jamhuuriyaddii la odhanjiray Somalia) markii dambe loo adeegsaday iyaga.


Mar haddii Somalidu ku fashilantay inay si caddaalad ah wax u wada qaybsato, midnimadiina Somaliland ka dhaxashay xasuuq, dhac, iyo burburweyn oo ilaa maanta aanay qirsanayn Somalia, waxaa markaas habboon inay kala maqnaato si ay u kala badbaado. Somalidu kama duwana 18 ka dal ee Carbeed kuna kala dhaqan Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe ee wadaaga: dhaqan, diin, taariikh, af iyo midab, laakiin mid kastaba dawladnimadeedu iyo calankeedu u gaar yahay,
dadkooduna aanay ku xad- gudbin dawladnimada iyo dhulka kuwa kale.


Jamhuuriyadda Somaliland waa dal xor ah oo leh qaran u gaar ah iyo xuduud caalami ah waxaana leh dadka taariikh ahaan ka soo jeeda dhulka Somaliland isla markaana deganaa xornimo-qaadashadii 1960. Xuquuqda muwaadinimada waxaa leh dadka Somaliland oo qudha. Dadka ka yimaada Somalia, Jabuuti, Somali Galbeed, Waqooyi Bari Kenya ama adduunka kaleba waa inay sharci ku soo galaan, joogaan, isla markaana kaga baxaan Somaliland hawl kastaba haw yimaadeen marka laga reebo dadka deggan Hawdka ee ka soo jeeda beelaha dega dalka Somaliland. Sugidda nabadgelyada, deganaanshaha, iyo madaxbanaanida Somaliland waxay faraysaa in si joogto ah loola socdo dhaqdhaqaaqa ajanebiga dalka jooga, ciddii ku xad-gudubtana tallaabo sharci ah laga qaado. Maamulka, matalaadda, xukunka, difaaca, iyo dheefta Somaliland waxaa leh Ummadda Somaliland oo qudha, waxaana Somalida kale ka dhaxeeya xidhiidh wanaagsan oo walaaltinimo iyo iskaashi.

Qore: Ibrahim Hassan Gagale
Email: Ibrahim_hg@yahoo.com

No comments: