Friday, July 01, 2005

Cabdillahi Yusuf & Ku-xigeenkiisa Gedi oo ay sii lumayso taageeradii beesha caalamka ay ka sugaayeen



Cabdillahi Yussuf iyo Cali Maxamed Geedi ayaa ka cabanaaya qaar ka mida dalalka beesha caalamka oo ay sheegeen in ay qayb ka yihiin khilaafka dhex oogan dowladda ay hogaaminayaan ee labada garab u kala jabtay iyaga oo yidhi, dalalkaasi waxay taageerayaan labada garab mid ka mid ah.
Cabdillahi Yussuf ayaa dhowaan ka sheegay magaalada Sanca in ay xaaladda Soomaaliya faraha ku la jiraan oo aanay doonaynin wadamadaas shisheeye in aanay Soomaaliya ka bixin fawdada, laakiinse Odaygu wuu ka gaabsaday in uu Magacaabo dalalkaasi.
Warar diblomaasiyadeed ayaa ku waramaya in madaxweynaha Yeman Cali Cabdalla Saalax farriimo u kala gudbiyey Cabdillahi Yussuf iyo dawladda Mareykanka, Fariimahaas oo ku saabsanaa cabasho uu Cabdillahi kaga cabanaayo sida Mareykanku arrimaha Soomaaliya uga hadlo iyo taageerada uu siinaayo qaybta Muqdisho oo Odaygu uu yidhi wey sii xoojinaysaa khilaafkayaga.
Mr. Geedi ayaa isna si cad u sheegay shalay in dalalka ka mida beesha caalamka ay abuureen khilaafka u dhaxeeya dowladdiisa iyaga oo taageeraaya qaybta ka soo horjeeda isaga iyo Cabdillahi, dhinaca kale Maxamed Dheere oo ah Qabqable dagaal oo aad ugu dhow Geedi ayaa eedeyn ba’an u jeediyay dalka Eriteria.
Geedi oo waliba calaacalaaya ayaa canaan uu ku muujinaayo taageero la’aanta iyo hagrashada kaga timi dalalka Carabta ku sheegay mid aan la qaadan karin, waxaana muuqata in Xulifada Caddillahi iyo Geedi ay sii luminayaan taageeradii beesha caalamka ay ka sugaayeen.


By: Osman Abdillahi Sool......Freelance Journalist.

No comments: