Tuesday, July 05, 2005

Diyaarado Shixnado Hub Ah ku Rogay Boosaaso iyo Dareenka Cabsida Leh ee ka Dhashay


Boosaaso (Haatuf) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maalintii saddexaad ku sugan magaalada Boosaasoo ee Gobolka Bari ayaa maanta kormeer ku tegay dekadda magaalada Boosaaso. Waxaana kormeerka ku wehliyay Madaxweynaha dowlada Goboleedka Puntland Cadde Muuse Xersi iyo xubno kale, waxayna soo eegeen xaaladda Dekaada iyagoo ka dibna dib ugu laabtay hotelka ay ka degan yihin ee magaalada, waxaana jira warar ka soo baxay ilo ku dhow dhow C/laahi Yuusuf oo sheegaya in dekadda Boosaasoo uu dhowaan ku soo xidhan doono markab taageero Milateri u sida dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale odayasha iyo Isimada gobolka Bari ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha, waxaana ay wararku sheegeen inay ka wada hadleen xaaladda dalka iyo qorshaha dowladda cusub ee Soomaaliya, waxayna odayaashu ugu baaqeen C/llaahi Yuusuf in aanu Soomaaliya marna khilaafka jira uga sii darin, isla markaana lagu waantoobo colaad kale oo dalka ka dhacda.
Dhinaca kale wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee laga soo xigtay dad goob joog ah ayaa sheegay in 3dii maalmood ee ugu dambeysay amaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada boosaaso si aad ah loo adkeeyey, iyadoo la sheegaayo in halkasi uu si is daba jooga ah ay diyaarado uga dejinayaan shixnado hub ah oo la sheegay in laga soo daad gureynayo dalka Yemen oo iyagu deris la ah. Waxaana ay arrintani ku soo beegantay iyadoo uu maalintii afraad ku sugan yahay halkaa Madaxweynaha dawlada Embegaati C/laahi Yuusuf oo sida la sheegay arrintaasi darteed halkaasi u jooga.

Wararku waxay intaa ku dareen in masuuliyiinta magaalada Boosaaso gaar ahaanna ciidamada boolisku ay aad u adkeeyeen garoonka tan iyo intii ay ka bilaabatay halkaas in lagu soo daad gureeyo hubkan ay dowladda Yemen ugu deeqday Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed. Sida uu kusoo weriyay weriyaha Haatuf ee Muqdisho Yaasin Maxamed Canjeex arrintan darteed ayey qaar ka mid ah xubnaha Wasiirrada noqday ee hoggaamiyaasha Muqdisho ay qeylo dhaan ka soo saareen, iyagoo si weyn u cambaareeyey dowladaha Talyaaniga, Yemen iyo Itoobiya oo ay sheegeen inay fara gelin ku hayaan arrimaah gudaha ee Soomaaliya, waxayna ku baaqeen in bannaan bax ka dhan ah arrintaasi Muqdisho lagu qabto.

Dhinaca kale wararka laga helayo magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in ciidaamo gaaraya 400 oo ay leeyihiin maamulka Puntland haatan loogu uruurinayo Madaxweyne C/laahi Yuusuf halka lagu magacaabo Aqable oo u dhexeysa Garoowe iyo Galakacayo, kuwaas oo la shegay inuu horey uga dalbaday Madaxweyne C/laahi Yuusuf maamul goboleedka Puntland oo ay gacan saar wanaagsan leeyihiin. Ciidamada ayaa la sheegayaa inay Madaxweynuhu marka uu ka soo ambabaxayo maamul goboleedka Puntland ay soo galbin doonaan iyagoo ay wehelin doonaan ciidamo kale oo haatan ku sugan gudaha dalka Itoobiya.

No comments: