Monday, July 11, 2005

Taarikh Nololeedkii Marxuum Suldaan Sh. Muuse Jaamac Goodaad


London (Jam)- Allah ha u naxariisteen waxa bisha 10-keedii ku geeriyooday magaalada Jabuuti Xaaji Muuse Goodaad ka mid ahaa odaayaasha waaweyn ee Gollaha Guurtida Somaliland haddaba waxa taariikh nololeedkiisii oo kooban magaalada Hargeysa nooga soo diray xoghayaha Guurtida C/llaahi Habane.

Marxuum Sh. Muuse Jaamac Goodaad waxa uu ku dhashay Magaalada Boorama 1932, waxa u Quraanka ku bartay Miyiga & dalka Ethiopia oo uu ku soo dhamaystay. 1949kii cilmi barasho waxa uu u tagay Jabuuti ilaa 1956kii.

ü 1956 waxa laga doortay Jabuuti, waxana loo caleemo saaray Suldaanimo. 1958kii waxa uu ka mid ahaa ragii ka qayb qaatay Gobonimo doonkii. 1959kiina wuxu noqday Xoghayihi Xisbigii USP-Borama. 1960 waxa uu noqday Xoghayihii Xisbiga ee Hanuuninta ee USP Hargeisa, isla sanadkaas 1960kiina waxa uu noqday Xoghayihii Guud ee Xisbiga USP ilaa isku darkii labada xisbi ee SNL & USP oo uu ka noqday Xoghayaha Hanuuninta.

ü 1967kii waxa uu noqday Ganacsade.

ü 1968-1971 waxa uu noqday Shaqaale dowlo, waxaanu noqday Maamulaha Wakaaladii ONAT ee Gabiley

ü 1972-1973 waxa uu ka ahaa Isu duwe ONAT ee Gobolada Waqooyi.

ü 1976 Xarunti dhexe ee ONAT ayuu Mareeye ku xigeen waaxeed ka noqday.

ü 1978kiina wuxu noqday Maareeyaha Waaxda Cagaf-cagafta ee Wakaalada ONAT Xamar. Ilaa laga soo gaadhayay 1991, isaga oo Mas’uuliyadaas maamul haya waxa u weheliyay Xilka Suldaanimo oo uu mar walba ku shaqaynayay.


ü Marxuum Sh. Muuse Jaamac Goodaad & Duqay kaleba waxay bilaabeen hawlo nabadeed oo Bulshada dhex marta, lana gaadhsiyay ilaa hoos, waxanu abaabulay kana qayb qaatay shirkii Nabadeed ee la baxay Guul Alla kuna qabsoomay Boorama 28February 1991- 3March 1991, shirkaas oo ah Shir taariikhi ah marka laga hadlayo Beelaha Reer Somaliland- Marxuumku wuxu qayb weyn ka ahaa Abaabulkii Shirweynihii Guurtida Beelaha Somaliland 27April 1991-18May 1991 shirweynahaas oo dib loogula soo noqday Madax-banaanidii Reer Somaliland, wuxuna ka mid ahaa Xubnihii Doorka ugu weyn ku lahaa ama horseedka kaba lahaa Go’aamadii lagu gaadhay Burco.


ü February 1992, wuxu soo hogaamiyay Ergo Nabadeed oo ka soo kicitintay Boorama kana qayb qaadatay Nabadayntii iska hor imaadkii ugu horeeyay ee Burco ka dhacay, dhex marayna Beelaha wada dagan halkaasi.

ü 12April 1992-16April 1992, wuxu hormuud ka ahaa shirkii wada tashi ka ahaa Beelaha Deegaanka Gobolka Awdal Gaar ahaana Beelaha Degan Borama, shirkaas oo lagu gorfeeynayay Mowqifka Beesha ee ku aadan Somaliland & kaalinta gurmad ahaan laga gali karo dagaaladii sokeeye ee ka socday Berbera wakhtigaas.

ü September 23 1992, waxa uu soo hogaamiyay Ergo Gurmad Nabadeed ah oo ka soo kicitintay Borama, waxana ka qayb qaadatay Ergadaasi oo ay Dhamaystirtay Khilaafkii & Colaadii Lagaga Arinsanayay Kulankii la baxay Nabada. Mar la wareeysanayay Suldaanka oo ay Saxaafadu waydiinaysay Ujeedada Weftiga uu hogaaminayay Suldaanka waxa Erayadiisii ka mid ahaa “Waxaan halkan Hargeysa u nimidnay gurmad nabadeed & baadi-goob Somaliland”

ü 20 October 1992-15November 1992 waxa uu ka mid ahaa oo uu hogaaminayay Guurtidii Gobolka Awdal ee ka qayb qashay Heshiisiintii labada Beelood ee Sheekh lana Baxay Towfiiq. Shirkaas oo ay ka soo baxeen Go’aamadii Guud ee Dhinaca Nabad-gelyada, isla markaasna lagu odorosay Shir-weynihi Boorama.

ü 15 November 1992 - January 1993 waxa uu horumood ka ahaa Nabadayntii Deegaankii Hargeisa.

ü 24kii January – 25 May 1993 isaga oo ahaa Marxuumku Guddoomiyihii Guurtida Reer Awdal wuxu ka mid ahaa Ragii abaabulay Suurto galiyayna in uu shir-weynihii labaad ee Guurtiyada Beelaha Somaliland ku qabsoomo Magaalada Boorama, Shirweynahaasi oo ay ka soo baxeen Axdigii Nabad-gelyada & Axdigii Qaranka & Xukuumadii uu Madaxda ka noqday Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal.

ü 1993 Marxuumku wuxu ka mid noqday Xubnihii Golaha Guurtida JSL. Wuxuna ku lahaa Door fir-fircoon.

ü 15 October 1994- October 1996 Wuxu marxuumku ka mid ahaa Xubnihii Golaha Guurtida ee ku Dadaalayay in la dhamaystiro Iska hor imaadkii & khilaafaadkii Siyaasiga ahaa ee sababay Dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Dalka kana Bilowday Madaarka Hargeysa.

ü 1995 Marxuumku wuxu abaabulay kana qayb qaatay Shirkii Nabadda ee Geerisa dhex marayna Beelaha Gobolka Awdal.

ü 1995 Marxuumku wuxu ka qayb galay Ergadii Guurtida ee Nabadaynta u taagtay Magaalada Xarshin

ü 1996/1997 Marxuumku wuxu ka mid ahaa Xubnihii ka qayb qaatay Abaabulkii shirweynihii Guurtiyada Beelaha Somaliland ee ka qabsoomay Hargeysa, shirkaas oo ahaa kii lagu Guddoonsatay Distoorka lagu bedelay Calanka, mar labaadna lagu doortay Xukuumadii Sadexaad ee Madaxda ka ahaa Marxuum Cigaal.

ü 1997 Aakhirkeedii – 1998 Marxuumku wuxu Guddoominayay Ergadii Golaha Guurtida ka tirsanayad ee Nabadaynta loogu diray Gobolka Togdheer, siiba Magaalo-madaxda Burco. Waxa xusuus mudan doorkii uu ku lahaa Nabadaynti Magaalada Burco oo taariikhdu si faah-faahsan u sheegi doonto, kana midka ah waxyaabaha lagu xusuusan doono ama dhacdooyinka raadka weyn ku yeelan doonta Taariikhdiisa.


ü Marxuumku Hawl kasta oo ay Guurti qabatay ha ahaato mid yar ama mid weynba, ha ahaato mid nabadeed & mid xalin khilaafaad siyaasadeedba wuxu ka mid ahaa horumuudyada iyo hogaamiyedba, wuxuna ka mid ahaa hal-abuurayaashi hawl-galadaasi & Xubnihii doorka fir-fircoon iyo si muddo karnimo leh kaga qayb qaatay dhidib u taagiddii Somaliland.


ü Gabagabadii, Marxuumka oo ilaa maanta ka mid ahaa Golaha Guurtida, waxa lagu xusuusan doona oo qof kasta oo Reer Somaliland ah maskaxdiisa ku jiri doonta Kaalintii Halganka, Nabad-gelyada Iyo dhismihii Dawladnimo uu ku lahaa & Go’aan qaadashadiisii geesinimada lahayd ee isku kalsoonaantu ku jirtay, waxa lagu xusuusan doona aqoontiisi Dhaqan iyo diineedba ay wehelisay Garashadu iyo dhaqankiisii hogaamineed, kuna dheehnayd codkarnimadu, waddaninimo iyo xilkasnimo.


ü Noloshiisii iyo Muuqaalkiisiiba waxay Golahani iyo Guud ahaanba Qarankaba u ahayd wax weyn, ala ha u naxariistee Naxariistii janana Eebe ha siiye wuxu ifka kaga tagay Sadex Xaas iyo Laba iyo toban Caruur ah, marka lagu daro waxay sii dhaleena waxay isku noqonayaan sodomeeye.


Allaa Mahad Leh


C/laahi Ibraahim Habane

Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida JSL.

No comments: