Wednesday, July 06, 2005

Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland, ayaa guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida hortagay

Hargeysa (jam)- Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland, Md. Cismaan Qaasim Qodax ayaa shalay guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida oo uu hortagay waxa uu xogwaran ka siiyey Qorshaha ay Wasaaraddiisu ugu talogashay in ay wax kaga qabato arrimaha Caafimaad ee Bulshada (Fayodhowrka), isaga oo tilmaamay in ay wax badan ka qabteen ururinta Qashin tuulan Magaalooyinka waaweyn ee dalka.


Md. Cismaan Qaasim oo Guddiga Golaha Guurtida u yeedhay si ay su’aalo uga weydiiyaan xaaladda guud ee caafimaadka dalka, gaar ahaan, dhinaca saxada Magaalada Hargeysa,iyaga oo ka dhigay khatar caafimaad darro oo ay sheegeen in ay ka soo socoto dooxa daami oo ku yaalla Bariga Hargeysa. Waxa uu bulshoweynta reer Somaliland ugu baaqay in ay gacan ku siiyaan howlaha Qashin ururinta.


“Waxa dadkeena u caado ah in ay qashinka iska daadiyaan oo reer walba gurigiisa hordhigo, isaga oo aan garanayn cidda uu ugu talogalay in ay ka qaadayso,” ayuu yidhi Wasiirku, isaga oo farta ku fiiqaya waxyaabaha keena caafimaad darrada bulshada, waxa uu intaa ku daray; “Dhulka kudaafada la dhigo waxa soo galaya biyo mareeno, sida iliiladaha ka shisheeya hotel Maansoor iyo dheemanka magaalada.”


Md. Cismaan Qaasim, waxa uu codsi ahaan ku soo jeediyey in la isgu yeedho dhammaan hay’addaha ku shaqada leh Caafimaadka si la isula meel dhigo qaabka looga hortagi karo waxyaabaha keeni kara saxo xumida iyo caafimaad darrada bulshada.


“Gacan ayaanu uga baahanahay golaha Guurtida iyo ciddii kale ee xilkas ah, waayo arrinkani waa arrin wax yeelaya caafimaadka bulshada, Hargeysa oo keliyana ma aha ee waa dalku inta uu le’eg yahay, meel kasta oo biyo qabatin leh sidaasi ayay dadkeenu qashinka u dhigaan,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku soo gebogabeeyay.

No comments: