Thursday, August 18, 2005

Waxa Aanu Si Cad Uga Soo Horjeednaa In Dhul Ka Tirsanaa Hargeysa Awood Madaxweyne Lagu Raaciyo Awdal" Suldaan Xasan


Haatuf — Hargeisa, Somaliland — 17 August, 2005

Hargeysa (Haatuf) "Go'aanka ay xukumaddu ku racinayso dhul ka tirsanaa Hargeysa gobolka Awdal waa dastuur jebin, dhul boob, gardarro iyo inaan wax tixgelin ah la siinin salaadiinta iyo waxgaradka aanu metelno". Sidaa waxa yidhi Suldaan Xasan Suldaan Nuur Askar oo na soo gaadhsiiyey bayaan arrintaa ku saabsan isaga oo tixraacaya bayaan ay hore u soo saareen salaadiinta beesha deegaankaasi 29-kii bihsii 3-aad 2004.

Bayaanka uu na soo gaadhsiiyey oo dhamaystiranina wuxuu u qornaa sidan:
"Marka ugu horeysa waxa aan halkan idiniku cadaynayaa inay Salaadiinta iyo waxgaradka beelaha galbeedka iyo waqooyiga Hargeysi ay si cad u diidan yihiin in dhulkii deegaanka beelahaasi ee waqooyiga ka xigay tuulada Cali Xaydh sida Ceel Sheekh, Garba-Dadar, Cabdi Geedi, Waraqa Dhigta iyo Fardo lagu xidh in gobolka Awdal awooda Madaxweynaha lagu raaciyo, waxaanu leenahay dhulkani waxa uu ka tirsan yahay xuduudihii degmada Hargeysa lahayd 1960-kii.

Sida uu sheegayo qodobka 109 ee dastuurka Somaliland, isla markaana uu dhigayo qodobka 9aad ee xeerka doorashooyinku dhulkaasi Hargeysa ayuu ka tirsan yahay, go'aanka ay Xukuumadu ku raacinayso Awdal-na waa Dastuur jebin dhul boob, gardarro iyo inaan wax tixgelin ah la siinin salaadiinta iyo waxgaradka beelaha aanu metelno, kuwaasi oo bayaanka hoos ku xusan wada gaadhsiiyey hay'adaha uu ku socdo dhmaaantood, markii ay soo saareen sannadkii hore, waxaanay beeshu bayaankeeda dhulkaasi ugu muujisay kulano ay kala yeelatay dawladda, iyadoo weliba wasiirka daakhiligu ugu balan qaaday salaadiinta iyo waxgaradka beelahaasi hortooda in inta uu wasiirka yahay aanu dhulkoodu Awdal raaci doonin, balse haatan waxa noo muuqata inuu u badheedhay dastuur jebin xeer jebin iyo balan ka bax uu ku balan furey odyaashii.

Waxaanu layaabanahay caqliyadda madaxda sare ay ku doonayaan inay sohdinta gobolka Awdal inta ay jiidaan oo ay Gebiley soo jiidhsiyaan oo ay Hargeysa jiidhsiyaan ay Saaxil oo bariga Hargeysa ka xiga jaar kala dhigaan. Awdal oo Hargeysa galbeed ka xigta, waa yaab iyo amakaag ay caqliyada caadiga ahi diidayso, qof masuul ahi inuu ku kacana aan laga filaynin. Haddaba beeshu waxay arrintasi isku hortagaaysaa si cad, waxayna dhalinyaro, duqay, waxgarad, madax dhaqameed iyo siyaasiyiinba ku diyaar garoobayaan horjoogsashada dhul boobkaasi lagu soo qaaday. Waxaanu u aragnaa qorshahaasi dhul boobka ah ee ay xukuumadda gaar ahaana Madaxweynuhu uu wado inay tahay mid uu ku horjgoosanayo doorashada wakiilada ee la filayo".

Bayaanka hore oo ay ku saxeexnaayeen Suldaan Maxamed Suldaan Diiriye, Suldaan Xasan Suldaan Nuur, Suldaan Axmed Daahir Muuse, Suldaan Xuseen Ismaacil Geelle waxa uu u qornaa sidan. "Mudanayaal anaga oo ah salaadiinta magacyadoodu hoos ku saxeexan yihiin waxa aanu xusaynaa baaqi iyo soo jeedintii ku taarikhaysnaa 28/02/04, ee ay soo saareen odayaasha deegaanka gobolka Hargeysa, kuna saabsanaa sugida sohdimaha gobolka Hargeysa iyo saamiga gobolka ee kuraasta golaha wakilada inta aan la guda gelin doorashada baarlamaanka.

Waxa aanu ku adkaynayna Madaxweynaah Jamhuuriyada Somaliland, iyo ku xigeenkaba, golaha, xukuumadda, golayasha baarlmaanka iyo dhamaan hay'adaha kale ee qaranka ee ay khusayso inay iska saaran xil dheeraad ah sidii loo soo afjari lahaa arrintaa muddadda dheer soo jiitamaysay ee xuduudaha gobolka Hargeysa, iyadoo la raacayo xeerarka iyo qawaaninta arrintaasi loo dejiyay iyo heshiisyadii iyo go'aamadii ummaddu hore u wada gashay una wada qaadatay iyo balamihii la isku ogaa.

Waxa kale oo iyana waajib ah in ahmiyadda ay leedahay la siiyo arrinta labaad ee ay odayashu ay bayaankooda kaga hadleen ee ku saabsan samai qaybsiga gobolka Hargeysa ee xubnaha golayaasha baarlamanaka. Taasoo ujeedadeedu tahay in aanu dadweynuhu had iyo jeer ku kelifnaanin inay u doodaan una dacwiyaan beel ahaan, laakiin ay helaan tiro wakiilo ah oo ku salyasan cadaalad, oo ay ku qanci karto cid waliba, tasoo laf dhabar u ah degenaashaha dalkeena iyo iskaashiga ummadeena.

Waxaanu ku talo bixinaynaa in doorashoyinka inagu soo fool leh dastuurka qaranka, xeerka doorashooyinka iyo xeerka kala xadaynta gobolada iyo deegaamada Xeer No. 23/2002, iyada oo la tixraacayo doorashoyinka hore uga dhacay wadanka, laga bilaabo lixdankii, waxa aanu iyadana ku talinaynaa in si niyadsami iyo ka fiirsi dheeraad ah iyo qaderin wadanimo arrintan loo waajaho. Waxa aanu rajaynaynaa in lanagu waafaqi doono arrimahaa aanu soo sheegnay, lana qaadi doono talaaboyinka ku haboon sidii loo xaqiijin lahaa."

No comments: