Tuesday, September 27, 2005

Caalwaaga Cabdilqadir Jirde Iyo Miciindoonka Wasiir Edna Aden Khadar Dahir


Hargeisa, Somaliland — 26 September, 2005

Waxaan saaka subaxnimadii aniga oo dhexmaaxaya mareegaha Somaliland la kulmay maqaal lagu soo daabacay mareegta Hadhwanaag News oo sheegaya Wasiirka Arimaha Dibeda ee Somaliland oo uga yaboohaysa Mudane Cabdolaqadir Jirde, magaalada Tog Wajaale.
Warkaas mar waan ku farxay oo waxaan is idhi dadkii hore ayuu u maray oo waa laga gudbay xuduudihii qabiilka. Marna waan ku qoslay oo waxaan la yaabay siday inantu inanka u buunbuunisay, marna waa ka naxay oo Inankii awoodaynu ogayn lahaa oo maanta Edna Aden Dhakhtar uga yaboohayso Tog Wajaale.

Dhalinyarada iyo dadweynaha reer Tog wajaale ee baahada cod-bixinta la waydiisanay xor ayay u yihiin inay codkooda siiyaan cidii ay doonan laakiin waxaa haboon in aad codkaaga u meel daydo. Sidii horeba loo yidhi CODKAAGU YAANU CADAW KUGU NOQON.

Murashaxu wuxuu ahaa gudoomiye ku xigeenka kawaad ee Golaha Baarlamanka mudo faro badan. Muxuu idiin qabtay hadii aad tihiin reer Tog Wajaale amd degmagda Gabilay guud ahaanba. U malayn maayo inaad hore u aragteen iyo wasiirka la socdaba oo waxaan filayaa inay maanta oo cod l;a doonayo idiinku horayso.

Waa kuma Murashaxu:
1. Mudanahu waa ninkii dhawaan dhawaan xidhay aqalka wakiilada ee fasaxa qasabka ah siiyaywakiilada, iskana hortaagay mudanayasha inay furtaan xafiiskooda si aan looga doodin mooshino ay soo jeediyeen qaar ka mid ah mudanayashu.

2. waa ninkii odayaasha dhaq-dhaqaajiyay isaga oo iska dhigaya inuu yahay dhexdhexaad, laakin dhan ah oo u codeeyay UDUB sida uu isagu qirtay, markii la isku qabsaday Natiijadii doorashada Madaxwaynaha.

3. waa ninkii ka shaqeeyay in la laalo xeerkii golaha baarlamanku ansixiyeen ee ku salysnaa in tirokoob la sameeyo iyo "one man one vote". Hadii aanu arintaa isagu ka shaqayn maanta Gobolka Hargaysa la iskuma haysteen labaatan kursi oo kaliya ee waxaa kasoo bixi laha tiro intaa ka badan.

4. waa ninkii aflagaaddii iyo isir caygii la ogaa ku kacay markay isku dheceen Maxamed Xashi.

5. waa nin ka qaawan oo aan waxba ku lahayn taariikhda halgankii qadhaadha ee la soo maray. Inkastoo uu yahay Sarkaal ku takhasusay miinada, oo aqoontiisa aad loogu baahnaa, hadana lama arag ee waxaa inoogu horaysay markii dalka la xoreeyay.

6. waa ninkii dib u ansixiyay wasiiradii barlamaanku diiday ee uu ka mid ahaa wasiirlka warfaafintu. Arintaas oo ahayd shaci daro badheedh ah oo ka baxsan dastuurka qaranka.

7. waa ninkii diiday in Gabilay Gobol laga dhigo. Waa ninkii diiday in degmanimada Farawayne, Alaybaday, Darasalam, Sabawanaag iyo degmooyin kale oo badan ay yeeshan awooda codaynta, laakiin ansixiyay BALLIGUBADLE iyo SALAXLAY.

8. Waa ninkii ansixiyay inuuu Madaxweynaha Somaliland noqdo ka ugu mushahr badan marka loo eego madaxda dunida. Waa ninka in ansixiyay inuu madaxweynu qaato sanadkii lacag gaadhaysa $500.000 ( Shan Boqol oo kun oo dolarka USA ah). Madaxweyne xigeenkanga $250,000 (laba boqol iyo konton kun oo dollar). Bal qiyaasa lacagaasi waxa ay dalka u qaban karto. Lacagtu waa cashuurta la idinka qaado ee meel kale kama iman.

9. Inantu waxay Inanka ku sheegtay nin aqoon leh oo karti badan. Waa run oo wuxuu karti iyo aqoonba u leeyahay danahiisa gaarka ah, cadaalad darada, sharci jabinta iyo ku tumashada Dastuurka ay Edna sheegatay inuu mudanhu wax ka sameeya.

Anigu Cabdilqaadir Jirde ugama soo horjeedo shaqsi ahaan maqaalkan igama shaqsi weerar. Waxaanan runtii ka mia haa raga Cabdilqaadir Madaxa ku sitay ee u hanweyna una arkayay inuu yahay nin Qaran sida ay Edna u sheegaty. In badan oo uuu qurbaha noogu yimidna waanu kulanay.

Laakiin waxaan ku qiimaynaya shqada uu qaranka u hayay oo aan u arku inuu ku guuldaraysay oo uu waliba ku darsaday astaamo dheerad ah oo aan loogu dulqaadan karin inuu golaha Wakiilada dib ugu soo noqdo.

Murashaxiinta UDUB iyo Wasiirada Xukuumada ee u ololaynayaba waa kuwa talada haya ee aynu soo aragnay waxqabadkooda. Isma bedelayaan oo waa sidii horeba loo yidhi:
BAHAL CAYDHIIN MA DAAYO NINA CAADADII MA BAAJO.

Sidaa darteed u codeeya murashaxa KULMIYE Tog Wajale uga sharaxn ee doonaya inuu cashuuraha la idinka qaado ka soo celiyo kuwa jeebka shubta oo wax loogu qabto deegaanka WAJALE iyo guud ahaanba Degamada GABILAY.

CODKAAGU YAANU CADAW KUGU NOQON
Khadar Dahir
London UK
Waryuugle@yahoo.co.uk

1 comment:

Anonymous said...

WOW!!Thank you for Writting me!!yup!!I do appreciate my fans out there!!yes i do receives emails sometimes but not always do!!Yes i always did though about it do!!We Could be even soo well inside of us!!Yes i always did though what i won1t for sure do!!Yes!!Thank you!!Where did i shot my movie El Cantante, i shot it nearly in New York City where it was like a beautifuls placers do!!Well not even do!!Alright!!WOW!!Thank you for Writting me!! P.s Keep Writting me!! Sincerlly!!DinaMariaKaronzoupouplos xxxxx