
Waxan shicibweynaha reer Somaliland ee u halgama danaha Dalka u sheegayaa inaanan HABA YARAATEE WAX LA YIDHAA war-saxaafadeed la qaban qaaabin Websiteka la yidhaa QARANNEWS shaly iyo xalay-toona, kalana sheekeesan wariyayaashooda wax ku saabsan DEGAANADA LAGA XAKAMEEYEY INAY XUQUUQDOODII WADANINIMO GUTAAN. Arrintani waa been la iga sameeyey EE HA LA SAXO.
Aniga oo ka wakiil ah taageerayaasha xisbiga UCID waxan Gudoomiyaha Xafiiska Doorashooyinka ka codsanayaa inu go’aanka ay gaadheen dib uga fiirsadaan, iyagoo Maxkamada Sare ka codsanaya inay baadhitaan ku sameeyaan cadeemaha degaanado hor keenayn Wasaaradda Arrimaha Guddaha. Inta ka horeesa Baadhitaanka Maxkamada waa inay Muwaadiniinta Degaanadaasi gutaan xuquuqdooda oo ah cod-bixinta oo Distuuri ah.
Muwaadiniintaasi CIDNA MARTI UGA NOQON MAAYAAN INAY CODKOODA BIXIYAAN. Maa daama doorashadan lagu salayey raadadkii 1960, waxa ka marag furi kara shan oday oo 65-85 jir ah oo kitaabka lagu dhaariyo kana soo jeeda labada gobo lee arrintan ku muransan oo ka midyihiin Mudane Cumar Carte Qaalib, Cabdillah Jamac Muxumad, Cali Cabdillahi (Ina doob ilkoole), Xaashi Abiib) oo intuba kasoo shaqeeyeen ADEEGA BULSHADA EE QABATO WASAARADDA GUDDUHU lixdamadii iyo kuwa kale oo la mid ah ( ARRINTAN WAXA LAGU XALILI KARAA MUDO AAN KA BADNEEN 48SACADOOD).
Xafiiska Doorashada waa ka XAARAAN AH inay ku shaqeeyaan go’aan aan hufneen oo laga soo gudbiyey wasaarada ku shaqeenaysa siyaasad xisbiyeesan OON WALI GARAN IN DANTA GUUD LOO OGMADAYA, TAASNA LAGULA XISAABTAMI-DOONO. Weeno wada ognahay in wasaaradaas ay hogaamiyaan madax ku XAJIIMOOTA CADAALADDA. HUFNAANTA IYO HORUMARKA SOMALILAND.
Waxaan aniga iyo Taageerayaasha ucid KU BOORINEENAA Xaffiska Doorashooyinka inay ka noqdaan go’aankooda, Madaxda Qarannews waxan ka codsanayaa inay beeniyaan BEENTA LA IGA FAAFIYEY, cida arrintaa fashena talaabada ku haboon laga qaado. Allaa mahad leh.
Waa qalinkii** Mudane Axmed Muse Geedi (sanjab).
Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID.
No comments:
Post a Comment