Saturday, October 15, 2005

Magacyada Xildhibaanada Somaliland Oo Dhamaystiran waa kuwan 82 Xildhibaan ee Baro


Waxaanu idiin soo gudbinaynaa magacyada xildhibaanada Gollaha Wakiilada ee Somaliland ee ku soo baxay doorashii ay shacbiga Somaliland u dareereen. Xildhibaanadaas oo ah kuwo ay qoortooda saaran tahay waajib iyo masuuliyad weyni, haboon tahayna in laga bilaabi maanta ay shacbiga kula xisaabtamaan waxay ummada u qabtaan iyo sida ay shacbiga soo doortay u difaacaan, ogaadaana in ay yihiin gollaha sharci dejineed ee Somaliland, kana qabyo tiraan shacbiga Distoorka qaybaha qabyada ah, ayaanu jecelnahay in aanu magacyadooda idiin soo gudbino laba iyo sideetankaa xubnood.

Fadlan waakuwan ee jaleec oo akhri.

UDUB

1. Aadan Tarabi Oogle
2. Maxamed Dhunkaal Guutaale
3. Xariir Siciid Bullaale
4. Maxamed Axmed Dhakool
5. Saleebaan Yuusuf Cali Koore
6. Cabdiraxmaan Muuse Jaamac
7. Farxaan Maxmed Cali
8. C/casiis Ismaaciil Ducaale (in Du,ale Carbuun)
9. Cali Xaaji Max.med Nuur
10. Axmed Maxmed Nuur
11. Xasan Ismaaciil Yuusuf
12. Maxamed Saalax Cige Cali
13. Maxamed Cumar Jaamac Jabaabul
14. C/qaadir Jaamac Xaamud
15. Ibraahim Maxamed Xuseen
16. Baar Siciid Xaaji Faarax
17. Cabdi Maxamuud Jaamac (Gaagaale).
18. Axmed Barkhad Obsiiye (Abtiyo).
19. Maxamed Barkhad Miigane (Xamaal).
20. Mahdi Xaaji Xasan Sugal.
21. Cumar Nuur Cismaan (Aare)
22. Cali Sh.Ibrahim Aareye.
23.Axmed Maxamed Maxamud (Afweyne).
24.Aadan X. Diiriye Dirir (Sanqoole)
25. Maxamed Nuur Caraale (Duur)
26. Axmed Xasan Aadan (Waysa cadde)
27. Maxamed Jaamac Xaaji Cilmi (Dable)
28. Cali Obsiiye Diiriye (Cali Gebiley)
29. Cabdulqaadir X. Ismaaciil Jirde
30. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac
31. Aadan Muxumad Hoorri (Mataan)
32. Xasan Cawaale Caynaan
33. Cabdikariim Aw Cali Shabeel

Kulmiye

1. Ibraahim Axmed Reygal
2. Axmed Ducaale Bullaale
3.Baashe Maxamed Faarax
4. Maxamed Jaamac Cabdi
5. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan)
6. Pro, Maxamed Cumar Jiir
7. Maxamed Cali Xirsi (Maxamed Cali)
8. Cumar Axmed Saleeban (Ina Sanweyne)
9. Maxamed X Yuusuf Axmed (Waabeeyo)
10. Xamse Maxamed Gaadaweyne
11..Dr Cabdi Raxman Yuusuf Cartan
12. Ibraahim Jaamac Cali (Rayte)
13. Yuusuf Maxamed Cali Xayd
14. Cismaan Maxamed Xasan (Bulqaas)
15 .Cali Maxamed Aadan (Cali Bare)
16 Abiib Cabdi Good
17. Mahdi Xuseen Cadar(Gees)
18. Ikraan Xaaji Daauud Warsame
19. Siciid Cilmi Rooble
20. Maxamed Xuseen Xaaji Cilmi
21. Dr. Cali Yuusuf Axmed Jaamac
22. Axmed Ibraahim Daahir (Axmed Weyne)
23. Dr. Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac)
24. Cabdulcasiis Maxamed Samaale
25. Dr. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe
26. Ibraahim Axmed Haybe Sh. Muuse
27. Maxamed X. Maxamuud Cumar Xaashi
28. Maxamuud Axmed Obsiiye Gaboobe

UCID

1 .Cabdirahmaan Maxamed Ciro
2. Axmed Maxamed Cali
3. Maxamed Faarax Qabile
4. Faarax Maxamed Cabdaulle
5. Saleebaan Cawad Bukhaari
6. Maxamed Cali Jibriil
7. Cabdiqaadir Askar Xasan
8. Siciid Maxamed Cilmi
9. Naasir Xaaji Cali Shire
10. Maxamed Jaamac Cali
11. Jaamac Xasan Aadan
12. Xuseen Maxamed Cige
13. Muuse Maxamed Ismaaciil ( Hoos u Jeed)
14. Mahdi Cabdilaahi Maxamuud
15. Axmed Cabid Ismaaciil.
16. Khadar Aadan Xuseen
17. Ibraahim Mahdi Buubaa
18.Cabdiraxmaan Cismaan Cali Shirwac
19. Bashiir Sh. Xuseen Tukaale
20. Xaashi Xuseen Caabi Xaashi
21. Maxamed Baaruud Shire Qama

Somalilandfuture Online

WADA-HADALLO HORLEH OO U BILAWDAY LABADA GUDDOOMIYE EE KULMIYE IYO UCID



Waxaa Maalintii shallaytoole Kulan Fool-ka Fool ah oo saacado badan qaatay isku hor-fadhiistay Labada Guddoomiye ee UCID iyo KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamoud (Siilaanyo) iyo Mudane Eng. Faysal Cali Waraabe, Kulankaasi oo ka dhacay Guriga Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo ayaa la ii xaqiijiyey in labada Guddoomiye ay ku wada afureen shallay Guriga Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Siilaanyo, Kulankani oo Muddo badan la sugaayey inuu qabsoomo, ayaa la ii sheegay inay soo qaban qaabiyeen Saraakiil labada Xisbi ka tirsan iyo weliba Musharaxiintii Labada Xisbi ee iyagu ku guulaystay Tartankii Golaha Wakiiladda, Labada Guddoomiye ayaa la ii sheegay inay gorfayn badan ka yeesheen Mustaqbalka Siyaasadeed ee Dalka Somaliland iyo weliba Natiijadani cakiran ee weli ka soo bixi la’a Koomishanka Doorashooyinka Qarranka Somaliland, iyo weliba sidii labada Xisbi KULMIYE iyo UCID ay iskaga kaashan lahaayeen soo xullidda Guddoomiyaha iyo labadiisa Guddoomiye Ku xigeen ee golaha Wakiiladdu yeelan doono.

Sarkaal sare oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo aan la xidhiidhay ka dib markii uu dhamaaday wada hadalkaasi ayaa ii xaqiijiyey in kulanku uu ku dhamaaday Guul balaadhan oo labada Xisbi isla gaadheen, waxaa kale oo uu ii sheegay in kulan labaad ay labada Guddoomiye Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Siilaanyo ay dhawaan ku wada yeelan doonan Guriga Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Mid ka mid ah Musharaxiinta Xisbiga UCID ee isagu doorashada ku guulaystay oo laga soo doortay Gobolka Togdheer ayaa ii sheegay in kulankani uu soo afjarayo tuhuno badan iyo hadallo warxuma tashiil badani ku faafin jiray Saxaafadda, waxaanu ii xaqiijiyey in Guddoomiyaha Wakiiladda iyo Xigeenadiisu ay ka iman doonaan Labada Xisbi Mucaaridka ah, wuxuuna intaasi ii raaciyey in taasi noqon doonto tallaabooyinka ay Mucaaridku ugu tallo galeen inay ku dabraan Xukuumaddan itaalka Darran.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
HARGEYSA, SOMALILAND
Mobile: 00-252-2-406745
Mobile: 00-252-2-381146

diridhaba2001@hotmail.com