Saturday, October 15, 2005

WADA-HADALLO HORLEH OO U BILAWDAY LABADA GUDDOOMIYE EE KULMIYE IYO UCID



Waxaa Maalintii shallaytoole Kulan Fool-ka Fool ah oo saacado badan qaatay isku hor-fadhiistay Labada Guddoomiye ee UCID iyo KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamoud (Siilaanyo) iyo Mudane Eng. Faysal Cali Waraabe, Kulankaasi oo ka dhacay Guriga Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo ayaa la ii xaqiijiyey in labada Guddoomiye ay ku wada afureen shallay Guriga Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Siilaanyo, Kulankani oo Muddo badan la sugaayey inuu qabsoomo, ayaa la ii sheegay inay soo qaban qaabiyeen Saraakiil labada Xisbi ka tirsan iyo weliba Musharaxiintii Labada Xisbi ee iyagu ku guulaystay Tartankii Golaha Wakiiladda, Labada Guddoomiye ayaa la ii sheegay inay gorfayn badan ka yeesheen Mustaqbalka Siyaasadeed ee Dalka Somaliland iyo weliba Natiijadani cakiran ee weli ka soo bixi la’a Koomishanka Doorashooyinka Qarranka Somaliland, iyo weliba sidii labada Xisbi KULMIYE iyo UCID ay iskaga kaashan lahaayeen soo xullidda Guddoomiyaha iyo labadiisa Guddoomiye Ku xigeen ee golaha Wakiiladdu yeelan doono.

Sarkaal sare oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo aan la xidhiidhay ka dib markii uu dhamaaday wada hadalkaasi ayaa ii xaqiijiyey in kulanku uu ku dhamaaday Guul balaadhan oo labada Xisbi isla gaadheen, waxaa kale oo uu ii sheegay in kulan labaad ay labada Guddoomiye Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Siilaanyo ay dhawaan ku wada yeelan doonan Guriga Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Mid ka mid ah Musharaxiinta Xisbiga UCID ee isagu doorashada ku guulaystay oo laga soo doortay Gobolka Togdheer ayaa ii sheegay in kulankani uu soo afjarayo tuhuno badan iyo hadallo warxuma tashiil badani ku faafin jiray Saxaafadda, waxaanu ii xaqiijiyey in Guddoomiyaha Wakiiladda iyo Xigeenadiisu ay ka iman doonaan Labada Xisbi Mucaaridka ah, wuxuuna intaasi ii raaciyey in taasi noqon doonto tallaabooyinka ay Mucaaridku ugu tallo galeen inay ku dabraan Xukuumaddan itaalka Darran.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
HARGEYSA, SOMALILAND
Mobile: 00-252-2-406745
Mobile: 00-252-2-381146

diridhaba2001@hotmail.com

No comments: