Tuesday, January 03, 2006

Golaha Wakiiladda Oo Maanta Ansixiyey Xeerarka Guddi Hoosaadyada Iyo Qodobo Kale.

Hargeisa (Somaliland.org) Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Maanta Aqlabiyad waxay ku meel mariyeen Xeer Hoosaadyada Golaha Wakiiladdu yeelan doono, Kulan balaadhan oo Maanta uga qabsoomay Golaha Wakiiladda Xaruntooda Magaalada Hargeysa ayna ka soo qayb galeen dhammaanba 82 Mudane ee Golaha Wakiiladdu ka koobanyahay ayaa lagu meel mariyey in ka badan 40 Qodob oo noqon doona Xeer Hoosaadka Golahu yeelan doono.
Fadhigani Maanta oo uu Guddoominaayey Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa waxaa dood socotay Muddo dhawr todobaad ah ka dib wuxuu golahu isla waafaqay ansixinta Qodobadani.

qodobadani uu Golahu ansixiyey oo aanu idiinku soo tabin doono sida ugu dhakhsaha badanleh iyagoo dhamaystiran kuwa ugu muhiimsana waxaa ka mid ahaa Maanta Qodobka Doorashada Shir Guddoonka Golaha Wakiiladda oo ahaa Qodobkii dhaliyey Muranka markii uu furmay Golahani 29 November, Golahu wuxuu Mad Madawga ka saaray Qodobkaasi wuxuuna bildhaamiyey in Maalinta ugu horaysa ee Golaha uu madaxweynahu uu isku yeedho ka dibna Guddoomiyaha Maxkamadda sare dhaariyo Xubnaha Golaha, ka dibna uu xulo Xubinta ugu da'da weyn uu isla markaaba Golahu gudo gelaayo doorashada Shir Guddoonka Cusub, taasina waxay meesha ka saartay mad madawgii hore ee qodobka dastuurka ee dhaliyey Muranka markii xubintii ugu da'da weynayd ay xidhay golaha furitaankii golahani hadda.

Sidoo kale Qodobada la ansixiyey waxaa ka mid ah in aan habayaraate Madasha ama gudaha Dhismaha Baarlamaanka inta fadhiyadu ay socdaan aan sigaar lagu cabi karin, cuntooyinka kala nooca ah wax kasta oo ay ahaadaana lagu cuni karin, qodobkani oo xubno badani dood ka dhaliyeen, balse maanta lagu ansixiyey fadhigani, Golahu wuxuu kale oo ansixiyey in uu yeelan doono 8 Guddi hoosaadyo ah oo si deg deg ah loogu dhawaaqi doono.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

SOMALILAND.ORG INFORMATION CENTER, HARGEISA

Somaliland.org@gmail.com

No comments: