Saturday, January 07, 2006

INAA LILAA WA INAA ILLAYHI RAAJACUUN.

Anigoo ku hadlaaya magaca jaaliyadda Somaliland ee Cardiff , magaca reer Carwo iyo magaca xaaskayga Amaal Cumar Carte waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelka iyo qaraabada reer Cumar Xaashi iyo Reer Ismaaciil Baasarce, si gaar ah tafiirta ay ka geeriyootay hooyo Basra Ismaaciil Baasarce oo uu ugu horeeyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi. Hooyo Basra Ismaaciil, waxaan u rajeynayaa dambe dhaaf iyo naxariista Eebbe, ehelka iyo qaraabadana, samir iyo iimaan.

Hooyo Basri waxay maanta oo Jimce ah ku geeriyootay magaalada London. Alle ha u naxariistee waxay ahyd ruux weyn oo cibaado badan, ehlu kheyr ah oo naxariis iyo ehel jacayl lagu yaqaanay.

Waxaan Illaahay uga baryayaa dambi dhaaf iyo naxariis, iyo inuu ka dhigo kuwa dhaxla jannatul- fardoos.Aamiin.


Axmed Carwo
Guddoomiyaha
Jaaliyadda Somaliland ee Cardiff,
Wales

No comments: