Tuesday, January 31, 2006

INAA LILAA WA INAA ILLAYHI RAAJACUUN.

Anigoo ku hadlaaya magaca jaaliyadda Somaliland ee Cardiff , waxaan tacsi u dirayaa Dhammaan qoyska, ubadka, waalidka, qaraabada iyo ehelka kale, asxaabta iyo inta taqaan Abwaanka weyn ee marxuum Ibraahim Gadhle oo ku geeriyooday magaalada Jabuuti.

Ibraahim Sulayman waxuu ka mid ahaa inta yar ee abwaanada ka tirsan ee aanu xidhin xad dawladeed, mid gobal iyo mid qabiil tooni. Waa nin ay tabi doonaan dhammaan inta af-Somaliga ku hadasha, qurbe iyo gudaba.Waxa u ahaa nin qayb weyn dhinaca suugaanta ka qaatay la-dagaalankii xukunkii askariga ahaa. Waa nin ka tegay murti iyo suugaan dhaxal gal ah oo ay mahadin doonaan faca mustaqbalku. .

Tacsi gaar ah waxaan u dirayaa abwaanada Soomaaliyeed meel kasta ooy joogaanba, halgamayaashii SNM oo uu ku kaaliyey suugaan dab ka kulul, iyo si gaar ah shacbiga iyo dawladda Jabuuti oo uu si gaar ah uga baxay.

Waxaan Illaahay uga baryayaa marxuumka, dambi dhaaf iyo naxariis, iyo inuu ka mid noqdo kuwa dhaxla jannatul- fardoos.Aamiin.

Inaa lila wa inaa illayhi raajacuun.

Axmed Carwo
Guddoomiyaha
Jaaliyadda Somaliland ee Cardiff,
Wales

ahmed_arwo@yahoo.co.uk

No comments: