Sunday, January 01, 2006

KHUBARADA ISGAADHSIINTA OO SOMALILAND UGA DIGAY IN SIRTEEDA LA DHAGAYSTO

Laba Khabiir oo ku takhsusay Cilmiga Isgaadhsiinta(Telecommunication Engireeing) oo degen dalka Malaysia ayaa Xukuumadda Somaliland uga digay inay hirgeliso heshiiska ay dhawaan la gashay shirkadda Maraykanka ah ee loo yaqaan TDI, heshiiskaas oo Wasaaradaha Boosaha Somaliland qandaraas ku siisay shirkadan inay xarun dhexe u samayso shirkadaha Wadaniga ee Isgaadhsiinta iyo inay Somaliland u samayso fure gaar ah (Country Code).

Labadan Khabiir oo kala ah Prof.S.Khan iyo Cabdirisaaq Maxamed Jaamac, oo ah muwaadin reer Somaliland waxa la xidhiidhay Wargeyska Jamhuuriya si uu wax uga weydiiyo aragtidooda ku saabsan Heshiiskaas, waxa ay sheegeen inaan la aamini Karin shirkadda TDI.Prof.S.Khan, oo ka hadlaya aragtidisa ku waajahan haddii shirkadda TDI Somaliland u samayso Shantaraal kulmiya dhammaan shirkadaha Wadaniga ah waxa uu ka digay inaan shirkadda TDI la aamini Karin isaga oo sheegay in khadkeedu yahay mid sii maraya dalka Maraykanka, “Waayo” ayuu yidhi, “Si dhibyar ayaa loo dhagaysan karaa qofkii Handphone sitana si fudud ayaa loo ogaan karo goobta uu ku sugan yahay iyagoo isticmaalaya habka loo yaqaano GPS ( Global Position System) oo tilmaamaya qofku goobta uu ku sugan yahay.

”Khabiirku waxa uu sheegay in haddii heshiiskaasi hirgalo TDI noqon karto meel laga ogaado Sirta Bulshada Somaliland , amase lagu waxyeelayn karo Siyaasada Jamhuuriyada Somaliland, maadaama khadka TDI sii marayo meel kale, waxaana uu kula taliyay Xukuumadda Somaliland inay heshiiska shirkadda TDI ka fiirsadaan , isaga oo xusay in Caalamku hadda xor ka dhigay Isgaadhsiinta, “Haddiise laga maarmi waayo” ayuu yidhi Khabiirku, “Waa in Qandaraas lagu siiyo shirkadaha Wadaniga ah inay iyagu sameeyaan Shantaraal Shirkadaha Telefoonada kulmiya oo la tartansiiyo.”Ugu dambayn Prof. Khan, Waxa uu Shirkadaha gaarka loo leeyahay u soo jeediyay inay kor u qaadaan adeegooda si ay uga badbaadaan in cid kale hesho fursada ay iminka haystaanKhabiirka kale ee reer Somaliland Cabdirisaaq Maxamed Jaamac, oo hadda ah , Maareeyaha Guud ee Shirkada Somaliland Technology Centre ( Technology Consultation , Web hosting & Web designing Solutions) Oo xarunteedu tahay Kuala Lumpur , Malaysia, ayaa isna waxa uu tilmaamay in shirkadda TDI ee xukuumadu dhawaan la gashay heshiisku aanay awoodi karin inay Somaliland u samayso fure u gaar ah, isaga oo xusay in furaha wadan leeyahay ay bixiso Hay’ad Qaramada Midoobay u qaabilsan oo lagu magacaabo International Telecommunications Unit (ITU) waxaanu yidhi, “Marka u horaysa waxa iga afeef ah inaan dhex ka ahay khilaafka shirkadaha iyo Wasaaradda Boosaha, waxaanan eegayaa qawaaniinta Caalamka. ITU( International Telecommunications Unit) ayaa Dunnida ka masuul ah bixinta Furayaasha Telefoonada.ITU waxay ka duushaa qodobada u yaala Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa, oo ay ka qaateen qodobka ah “Dal walba oo xubin ka ah Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa waxa uu u xaq leeyahay inuu helo Fure Telefoon iyo Internet u gaar ah”Haddii aanan khaldanayn Dalkii aynu ka tirsanayn ee Somaaliya waxa uu ITU ka mid noqday Sannadkii 1962, markaa oo la go’aamiyay in dalkaasi yeesho furaha 252, waa is weydiinee haatan ma heli karnaa (Somaliland) Fure inoo gaar ah ?Anigu waxaan ahay muwaadin somalilander ah balse waxaan ka eegayaa xagga shuruucda Caalamka u taala , Jawaabtu waa maya , sababtuna waxa weeye ITU waxay ku shaqaysaa Shuruucda u yaala UN-ka.

Haddaba TDI ma inoo soo furi kartaa Fure u gaar ah Telefoonada Somaliland.TDI waa shirkad yar marka loo eego kuwa Maraykanka ka jira.TDI waa Shirkadaha nooca loo yaqaano “Resellers” amase Tafaariiqeeya hawlaha adeega Isgaadhsiinta.Waxay ka hoos shaqaysaa Shirkada weyn ee lagu magacaabo AT&T, oo iyadu Taariikh wanaagsan ku leh Isgaadhsiinta Caalamka.Haddaba Wasaarada Boosta iyo Is-gaadhsiinta Somaliland waxaan kula talinayaa inaan TDI aanay soo furi Karin Fure inoo gaar ah , balse cida go’aanka qaadanaysaa tahay ITU iyo UN-ka, markaa waxaa la gudboon inay si toos ah uga codsadaan ITU-da.”Cabdirisaaq Maxamed Jaamac, waxa uu sheegay in shirkadda TDI ku shaqayso habka loo yaqaan “ VoIP “( Voice over Internet Protocol), habkaas oo uu sheegay inuu yahay mid halistiisa leh, isaga oo Khabiir Cabdirasaaq arrimahaas sharaxayana waxa uu yidhi , “Sida ku xusan hawlaha TDI qabato ,Telefoonada TDI waxay ku shaqeeyaan habka loo yaqaano “ VoIP “( Voice over Internet Protocol).Waa maxay VoIP ? , VoIP waa qaab mudooyinkan dambe loo isticmaalo Telefoon dirista Gudaha iyo Dibedaba oo khadkiisu ku shaqeeyo Internet Protocol Back-bone , oo ah inaan khadkii telefoonku marayn Satellite sidii hore aynu u naqaanay.Faa’idada VoIP-gu waa isagoo qiimihiisu jaban yahay marka loo eego khadka Satellite-ka mara.Haddaynu dhinaca kale ka eegno VoIP-gu weli muu noqon ITU well certified.Taas oo macnaheedu tahay inaan weli lagu kalsoonayn qaabka uu VoIP-gu u shaqeeyo, sababtuna ay tahay dhinaca Security-ga oo inta badan aan aamin ahayn oo Maafiyada Internet-ku waxay sameeyaan wax loo yaqaano “IP hijacking” oo ah in la weecsado amase lagaa xawisho khadkaagii , kadibna si dhib yar loo isticmaalo , amase la dhagaysto ,laguugu soo dalaco lacag aadan isticmaalin sidoo kale la faafiyo sirtaadii.Maadaama TDI isticmaalayso VoIP , waxay nala noqotay inaan Dal dhami isku halayn Karin khad telefoon oo ku shaqaynaya VoIP, maadaama wadamo badan oo caalamka ahi ay mamnuuceen in si Public ah loo isticmaalo VoIP-ga sababaha aynu hore u soo sheegnay awgood.

”Source: Jamhuuriya.

No comments: