Monday, January 09, 2006

KULMIYE oo shir ballaadhan ku qabtay magaalada London

(London, 09 January 2006) Xisbiga Nabadda, Midnimada iyo Horumarka Somaliland ee KULMIYE ayaa shirku qabtay galbeedka magaalada London ee carriga Ingiriiska maalintii Axadda ee 08 January 2006. Shirkan oo ay soo abuubuleen guddida KULMIYE ee London waxaa kasoo qayb galay xubno ka kala yimid xafiisyada laamaha KULMIYE ee UK oo ay kamid yihiin Bristol, Birmingham, East London, West London, North London iyo South East.

Shirkaas uu guddoominaayey guddoomiyaha KULMIYE ee UK Mr. Maxamed Yoonis ayaa wuxuu ugu horrayntiiba sheegay inuu ku faraxsanayahay in guddoomiyihii KULMIYE Mr. Ahmed Maxamed Siilanyo uu hadda London ku sugan yahay oo uu salaan uga sido masuuliyiinta iyo dhammaan taageerayaasha KULMIYE ee UK. Waxaanu sheegay in guddoomiyuhu dhakhso ula kulmi doono masuuliyiinta , taageerayaasha KULMIYE ee UK iyo shacbiga reer Somalilandba. Mr. Maxamed Yoonis oo ka warramay ujeedooyinka shirka wuxuu tibaaxay in guddida KULMIYE la aasaasay December 2002, muddadaas ay jiraana ay soo qabteen hawlo fara badan oo wax ku ool ah. Waxaana Mr. Mohamed Yoonis sheegay in loo baahan yahay in dibuqiimayn lagu sameeyo waxyaabihii inoo soo qabsoomay muddadaas iyo waxyaabaha qabyada ah. Waxaanu guddoomiyaha halkaas ku tibaaxay waxyaabo badan oo muddadaas qabsoomay.

Mr. Maxamed Yoonis wuxuu sheegay in UK ay joogaan taageerayaasha ugu badan ee qurbajooga ahi xisbigana ilaa muddadii uu jiray xubnaha UK ay ka gaysteen taageero la taaban karo. Waxaanu Mr. Moxamed Yoonis u mahadnaqay dhammaan masuulooyinka xisbiga ee UK iyo taageerayaashiisa oo uu sheegay inay yihiin udub dhexaadka xisbigu ku socdo la’aantoodna aanu xisbigu soo hooyeen guulaha badan ee maanta gaadhay. Mr. Maxamed Yoonis wuxuu sheegay inaan shaki ku jirin in KULMIYE ku guulaysan doono doorashooyinka soo socda ee degaanka iyo ta madaxweynahaba. Waxaa isna halkaas ka hadlay Muse Cali Xirsi( Buurdhaab) oo ah xoghaya xisbiga ee UK. Mr. Muse Buurdhaab wuxuu isna xusay waxyaabihii u qabsoomay guddidaas xilka haysa waxaanu u mahadnaqay taageerayaasha xisbiga ee UK oo uu sheegay in la’aantood aanay guddidu gudan Karteen xilkooda.

Mr. Muse Buurdhaab wuxuu kaloo xusay waxyaabo qabyo ah oo loo baahan yahay in la dhamaystiro. Waxaanu sheegay inay habboontahay in la qabto shirweyne lagu samaynaayo dibuqiimayn isla markaasna lagu dejinaayo siyaasadda xisbiga ee sannadkan. Waxaa halkaas hadalo kooban kasoo jeediyey Maxamed Dahir Khayre iyo Cabdiqani Sabban oo ka tirsan guddida fulinta ee UK. Waxaa kale oo shirka ka hadlay Maxamud Maxamed Mumin oo ka mayimid Bristol, Maxamud Raage Ibrahim oo kayimid Birmingham, Ahmed Yussuf ( Cabdi dheere) oo kayimid South East, iyoYasin Jama oo ka yimid East London.

Shirkan oo lagu lafoguray sidii hawlaha xisbiga ee KULMIYE ee UK oo loo dar darin lahaa taasoo aad moodo in guddida KULMIYE ee UK ay fasax galeen intii laga faraxashay doorashadii dhawayd ee Golaha Wakiilada, waxaana laysla gartay in nasashadii doorashadii ka dib la galay hadda ay dhammaatay ee xafiiska KULMIYE ee UK dib u dar dar gelin doono hawlihii xisbiga. Waxaa guddida fulinta ee UK iyo xubnhii kale ee shirka kasoo qayb galay aad ugu celceliyeen in xisbiga KULMIYE oo katirsan saddexda xisbi qaran isagu dhiirigelinaayo hanaqaadka dimoqraadiyadda Somaliland oo ay sheegeen in doorashadii dhawayd ee Baarlamaanku ay dhamaystirtay oo lagu guulaystay. Waxaana xubnihii halkaas ka hadlay sheegeen in hadda loo baahan yahay in midhaheeda laga iibiyo caalamka waxaana laysku dhiirigeliyey in KULMIYE hormuud ka noqdo sidii Somaliland u heli lahayd istiraaf caalami ah waxaana ay xuseen kulanadii guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Ahmed Maxamed Siilaanyo la yeeshay madaxda Itoobiya, madaxda Ururka Midowga Afrika iyo dibloomasiyiinta reer galbeedka ee uu kula kulmay Itoobiya ay qayb ka tahay dadaalka KULMIYE ugu jiro inuu adduunyada ka iibiyo qaddiyadda Somaliland.

Waxaana ay sheegeen in guddoomiyaha KULMIYE Mr. Siilaanyo oo hadda London ku suguni intuu Ingiriiska joogo la kulmi doono madaxda dalka Ingiriiska si uu uga soo dhirin dhiriyo ictiraafka Somaliland. Waxaa kale oo iyana halkaas lagu xusay inay habboontahay in la xoojiyo wadashaqaynta iyo midnimada bulshada dadka reer Somaliland ee qurbajooga ah si loo gaadho yoolka aan hiigsanayno.

Waxaana la xusay in la xoojiyo wadashaqaynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo KULMIYE oo la sheegay in iskaashigooda ay dani ugu jirto dhammaan bulshada reer Somaliland. Ugu danbayna waxaa shirkaas lagu go’aansaday in la qabto shirweyne lagu qiimeeyo waxqabadkii xisbiga ee muddadii lasoo dhaafay sidoo kalena lagu sameeyo siyaasadda xisbiga ee UK ee sannadka cusub 2006. Waxaan halkaas lagu magacaabay guddi ka kooban sagaal qof oo soo qabanqaabisa shirqweynaha KULMIYE ee UK. Guddidan oo madaxbannaan oo wadashaqayn la yeelan doonta guddida fulinta iyo UK waxaa loo qabtay inay shirweyne kusoo qabtaan muddo 45 cisho gudahood ah.

Waa mahadsantihiin,

Cabdi Cabdillahi Xasan,

London, UK

No comments: