Saturday, January 28, 2006

Qaylo dhaanta Jiciir(Duqa Hargeysa) Qurbajoogu ma rumaystay?


Waxay dhawaan saxaafada Somaliland Baahisay, Baaq uu Duqa Hargeisa uu u soo jeediyey dhamaan qurbo jooga reer Somaliland , gaar ahaana kuwa ka soo jeeda Degmada Hargeysa , kaasi oo ku aadanaa dib u dhiska Beriijkii labaad ee Hargeysa.Markaan Dhegaystay Hadaladii Maayarka Hargeysa waxa aad ii damqay qaylo dhaanka Biriijka , waxayna maskaxdayda dib ugu noqotay sanadkii 1991 sidii dalku u burbur sanaa iyo rejadii umadda ee berigaasi iyo kala taganaanteeda maanta taagan.

Ilaa Maanta hadaad Booqoto Dalkana waxaad marwalba dareemaysaa Is xilqaan la,aan madaxdeena , oo aad arkayso inaan marna wixii adeega guud ahaa cidina iska xil saran, waxayna taasi i xasuusisay tix bari uu Muwaadin reer Somaliland ah yidhi “Duca qabaha aan doortaa, waa dawder liitoo, Duunyada ka guro uun Darejada u qaatee…………….”.

Hadaba Mayarka Hargeysa oo hada lagu tilmaamo Duqii ugu liitay ee caasimada soo mara, isagu laftiisuna ka tegay qurbaha, Miyaanu is waydiin in dadku ka dheregsanyihiin, musuqmaasuqa balaadhan ee Saameeyey dawlada Hoose ee xal u raadinteed dhaafe uu isagu qayb ka yahay.
Hadii aynu in yar dib u jaleecno dhacdooyinka ina soo maray dhawaanahan:-

Bilowgii sanadkii 2005 waxa magaalada Hargeysa shirjaraaid ku qabtay xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa oo shaaca ka qaaday Musuqmaasuqa baahay ee Jiciir(Duqa) iyo Ismaaciil Yare (wasiirka arimaha Gudaha) isu bahaysteen hantida ummada, Qayb badan oo Golaha Deegaanka ahina ay kula jiraan. Subaxii Xigayna ayuuna Duqu isagoo adeegsanaya Taliyaha CID,(oo Habro wadaagyihiin Duqa Hargeysa) isku dayey in xildhibaankaasi jeelka loo taxaabo, si ayna u dhicin cid danbe oo hantida umada ka hadhashaa.

Dhamaadkii sanadkii 2005 ayaa Wargeyska Madaxabanaan ee HAATUF, wuxuu daah furay qayb musuq maasuqii uu xildhibaanku tibaaxay ka mid ah waxay Daboolka ka rogeen:
1-Laaluush lagu tilmaamay guno oo ay qaataan, Dhamaan Hayadihii u xilsaarnaa Ilaalinta Hanitida Umada, sida Hanti dhawrka, Maxkamada, CID, IWM.

2- Wax is dhaaf dhaafin badan oo loo adeegsaday Deeq ururo caalami ahi ugu deeqeen Kawaanka xoolaha ee Caasimada, loona isticmaalay Lab account oo laga furay Dahabshiil.
Kalfadhigii 31naad ee Golaha Deegaanka ee Hargeysa aynuuna Maayarku ka qirtay inuu Guno ( Laaluush farsamaysan) siin jiray:

A.Taliyaha CID ahna Habar wadaagii,
B.Taliye Xigeenka CID,
C.Nin ka tirsan Hanti Dhawrka Qaranka oo ay isku Reeryihiin Duqa,
D.Nin ka tirsan Maxkamadaha,
E.Maamulaha Idaacada Hargeysa.

Waxaase wax lala yaabo ahayd sidii uu u difaacay markii intii badnayd ee golaha Deegaanku codsadeen in lacagtaasi la joojiyo, uuna tilmaamay inay ragaasi u qabtaan Hawlo mihiim ah Dawlada Hoose ee Hargeysa.

Qof ahaan anigoon ka soo horjeedin laakiinse taageersan in Qurba jooga Somaliland ka qayb qaataan dib u dhiska Dalka , hadana waxaan Duqa odhan lahaa , Ducaqabe Lacagta aad ku tagrifashay ama aad walaalkaa(Taliyaha CID) Gunada ugu Qortay miyaanay dhiseen Biriishka iyo waxyaale kale oo badan.

Marka la idinka arko inaad fikrad caafimaad qabta dalka ugu shaqaynaysaan ayaa Baaqyadiinunu loo dhegtaagi karaa!!!!

Gebgebadii Qurbo joog wuxuu yidhi: Maxaa nooga Damiin ah, inaan qaadhaanka qurbo jooga, Guno looga dhigin Taliyaha Booliska si uu walaalkaa (taliyaha CID) meesha ugu hayo.

Mohamed Ali

London, UK

No comments: