Wednesday, January 11, 2006

SIILAANYO OO KA QAYB GALAY SHIR-WEYN OO XALAY KA DHACAY AQALKA BAARLAMAANKA INGIRIISKA

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xalay ka qayb galay shir ka dhacay aqalka looga taliyo boqortooyada Ingiriiska ee Westminster oo lagu soo bandhigay warbixintii goob-joogayaasha doorasahdii Baarlamaanka Somaliland
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Siilaanyo ayaa shirkaas ka jeediyey hadal si weyn u soo jiirtay ka qayb-galayaashii shirka, ugu horraynna waxa uu si weyn ugu mahad celiyey goob-joogayaashii caalamiga ahaa iyo saaxiibada Somaliland ee ka soo qayb galay shirkan sida Alun Michael, hawl-wadeenada ururka Progressio iyo marti sharaftii kale ee shirka ka soo qayb galay.
Mudane Siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay taariikhda dimuqraadiyadda Somaliland iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay. sidoo kale waxa uu difaacay qaar ka mid ah dhaliilihii ay halkaas ka soo jeediyeen goob joogayaasha caalamiga ah sida xaddididda xisbiyada, isaga oo sheegay in xeerkan xaddidida la sameeyey xisbiyada ka hor, iyada oo lagu saleeyey cabsidii xisbiyadii badnaa ee Soomaaliya soo maray doorashadii 1968kii oo ahaa buu yidhi 82 xisbi.
Guddoomiyaha KULMIYE waxa kale oo uu ka hadlay sida uu xisbigiisu ugu qanacsan yahay doorashooyinkii Baarlamaanka ee dalka ka dhacay 29kii September, isaga oo sheegay in kasta oo aan la odhan karin wax waliba 100% ayay sax ahaayeen haddana in uu qirayo in ay doorashadaasi u dhacday si xor ah oo xalaal ah. sidoo kale wuxu Guddoomiyuhu wax ka taabtay doorashooyinka soo socda ee Golaha Guurtida oo uu si adag u difaacay in golahaasi yahay mid loo baahan yahay, lagama maar-maanna ay tahay in loo sameeyo sharciyaddii lagu soo dooran lahaa.

Ugu dambayn Mudane Siilaanyo wuxu ka codsaday dowladda Ingiriiska in ay hor-qaaddo ama ay horseed ka noqoto aqoonsiga Somaliland oo uu ku tilmaamay baahida koowaad ee Somaliland. isaga oo arrintaas ka hadlayana wuxu yidhi “ Waan idiinka mahad celinyaa, taageeradiina, dhiiri-gelintiinna iyo is bar-bar taaggii aad is kaaya bar-bar taagteen xiligii doorashooyinka, laakiin waxa aannu u baahan nahay waa Aqoonsi, waxan idinka codsanayaa in aad ku dhiirataan gacan gelinta aqoonsiga Somaliland”.

No comments: