Wednesday, January 04, 2006

Xuk.Riyaale Ma Dilaalisda Dhulka, Soo-iibinta Tvga, Qalabka Is-gaadhsiinta Iyo Baadhisda Batroolka Ayey Shaqo Ka Dhigateen?

Ku: GUDOOMIYAHA GUDIDA QANDARAASYADA;(i.e CHAIRMAN OF NATIONAL TENDER BOARD);

CC:Wasiirka Boosaha iyo Is-gaadhsiinta;

CC: Wasiirka Maaliyada;

CC: Wasiirka War-faafinta;

CC: Hanti-dhawraha Guud;CC: Xeer Ilaaliyaha Guud.

WASIIRADII Xuk.RIYAALE ma Dilaalisda Dulka, soo-iibinta TVGA, qalabka IS-GAADHSIINTA IYO baadhisda BATROOLKA ayey shaqo ka dhigateen?.

Hadii Wasiir waliba isago usoo iibiyo qalabka iyo Xirfada khubiirnimo ee wasaaradiiso ama Hayadiiso u baahato, ganacsatadii ruqsada waaweyn lahayd miyaanay dareemayn in shaqadoodii lagu cidhiidhyey.

Sida la wada ogsoon Gooni-isu taaga Somaliland wuxu hirgalay 18/05/1991. Mudadaas waxa la go’aansaday in waxala wixii sharci u ahaa Jamhuuriyadii Somalia waqtigii ka horeeyey 21/10/1969 ee marnaba ka hor-imanayn gooni-isu-taaga Somaliland loo ANSIXIYEY inay sharci u noqdaan Jamhuuriyada Somaliland ilaa waqtiga la garto in la badalo.

Waaxda dhaqaalaha waxa ka mid ah sharciyada la ansixiyey kuwa hoos ku xusan:-

1. Sharciga iyo xeerka Maamulka maaliyada Dalka (Financial Rules & Regulations of the State);

2. Nidaamka xisaabaadka Hayadaha Qaranka( Accounting Procedures of the state);

3. Nidaamka iyo sharciga lagu maamulo Hantida ma-guurtada ah iyo ta guur-guurta iyo Nidaamka xukuma sifaha xukuumadu waxna kusoo iibsan karto, waxna ku iibin karto ( store regulations and procurement procedures);

4. Sharcig Ganacsiga;

5. Sharciga Bangiga Dhexe;

6. Sharciga Baangiyada Ganacsiga ee dawladu leedahay ;

7. Sharciga Baangiyada Ganacsiga een Dawli ahayn ma sameesna;

8. Sharciga maalgalinta Dalka;

9. Sharciga Ganacsiga;

10. Sharciga Hayadaha Ganacsiga ee waaweyn…etc…etc

11. Sharciga ceemiska;12. Sharciga shaqaalaha iyo xeerka muruq-maalka (staff rules and regulatioins and labour code).

Xukuumadu markay wax soo iibsaneeso amase iyado wax iibineeso waxa lagu maamulaa sida u farayo nidaamka kor ku xusan. Sharciga lambar sadex ee kor ku xusan wuxu ina farayaa in Gudi la yidhaa GUDIDA QANDRAASYADA (i.e Tender Board) ee u xilsaaran yihiin inay ku naadiyaan War-baahinta Dalka wixii alaab ama khibrad ah ee dawladu iibsaneeso ama iibineeso oo dhan hadii qiimaheego ka bato $1000.00 . Naadintaasi waxa soo bandhigtaa shuruudaha laga doonayo Ganacsatada rabtay inay ka qayb-gasho qandaraaskaas, tayada alaabta, nooca alaabta la rabo, khabiirada la rabo takhasuskooda iyo inaan Waaxda Macaashal-macaashku ku lahayn cashuur aan la bixin. Sharcigo wuxu farayaa Xukuumada inay sanad walba Wasiirka Maaliyadu Magacaabo Gudida Qandaraasyada isaga oo ku salaynaya sifaha sharcigo tilmaamayo. Inta badan qandraasyada waxa ku guuleesda cidii u qiima jabnaata, marmar waxa lagusoo xulaa tayada. Cida ku guuleesan kartaa qandraasyada Xukuumada waa inu heesdaa Ruqsada u weyn ee Ganacsatada (holder of whole license) ama wakiil u yahay Ganacsada ajnabi ah , waana inuusan wax danbi ah ka galin Dalka, wax macaashal-macaashna lagu layn. Wixii qalab ah amase Khibrad aan reer Somaliland khibrad u lahayn waxa lagu maamuli-doona sifaha ay go’aansadaan gudida qandraaska maamushaa iyagoo adeegsanaya khabiir takhasus u leh arrimahaas raadraacayana farsamo sharciga waafaqsan.

War-baahinta reer Somaliland ee daneesa horumarka dalka iyo XEER ILAALIYAHA GUUD waxa laga codsanayaa inay si hufan u hubiyaan in WASAARADAHA kor ku xusani inay wadada toosan u mareen iyo inkale soo iibintaa qalabka maqaalkani kor ku xusay. Qalabkaas waa inuusan noqon wax duuga oo laga soo iibiyey Banana Republic, waa in qolada laga soo iibiyey keentaa damaanad tayada ka marag fur u ah, ugu yaraana shaqeyn doonto mudo aan ka yareen 5 sano, waana inay kharashka rakibaada iyagu xanbaaraan. Shicibweynaha waa in loo soo bandhigaa waraaqaha lagusoo iibsaday iyo kuwii lagu keenay dalka. Qandaraasyada Xukuumadu la gasho qanacsatada farsamadaas ayey tahay in lagu maaamulo, wixii farsamadaas ka baxsan waa qardajeex iyo xeer-jajab.

Nidaamkan dawladah badankooda ayaa isticmaala, sababta u weyn ee loo isticmaalaana waxa weeyo in tartankaasi keeno qiimo wanaagsan, tayo lagu kalsoon yahay iyo sifihii loo tartansiinayey Ganacsatada oo si cad-cad loo soo bandhigo. Laakinse maxaa lasoo bandhigi mar hadii Madaxdii Dalko diidan yihiin ku shaqeenta Sharciyada Dalka.

Allaa mahad leh.

Waa Qalinkii: Mr Axmed Muse Geedi (sanjab)

Xoghaya Guud ee Xisbiga UCID.

No comments: