Thursday, February 23, 2006

Wasiirka Daakhliga Oo U Xadhko Xidhan Ilaa Dubai, Maayor Jaciir Oo Ticket Dibadeed U Go’anyahay Iyo Mudanayaal Badan Oo Miciyaha Lisanaya


Hargeisa (Somaliland.org) Wasiirka Daakhliga Somaliland Ismaaciil Aadan Cismaan iyo Maayorka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud (Jaciir) ayaa la filaya in todobaadka soo socda ay dalka ka ambabaxaan, Wasiirka daakhliga ayaa la sheegaya inuu usii jeedo dhinaca magaalada Dubai ee isku tegga emirateka carabta, halka maayorka caasimaddu la sheegaayo inuu usii jeedo Cariga Ingiriiska.

Todobaadkii hore ayaa Wasiirka Daakhligu Ismaaciil Aadan Cismaan wuxuu magacaabay Xoghaya Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa balse taasi waxaa hor istaagay oo diiday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, iyadoo warar isa soo taraaya oo ku dhex wareegaya magalooyinka Somaliland ay sheegayeen maalmahani in khilaaf horleh usoo kala dhex gallay Madaxweyne Rayaale iyo wasiirkiisa Daakhliga ka dib markii sida la sheegay uu dhawaan Madaxweynahu usoo jeediyey Wasiirka daakhliga Ismaaciil Aadan inuu ku wareego wasaarad kale balse wasiirku uu ku gacan saydhay soo jeedinta Madaxweynaha, wararka ayaa sheegaya in safarkani Wasiirku uu ku koobanyahay mid shakhsiyadeed, balse dareenada kale ee laga bixinaayo ayaan ka fogayn inay ku dhawdahay khilaafkani soo kala dhex gallay wasiirka iyo madaxweynahiisa.

Dhinaca kale ayaa la sheegaya in Maayorka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jaciir uu u xadhko xidhanyahay safar dibadeed isagoo la sheegayo inuu ku sii jeedo Dalka Ingiriiska, wararka ayaa sheegaya inuu maayorku ka gabanaayo gantaallo siyaasadeed oo la filaayo inay kaga yimaadaan Mudanayaal badan oo doonaya inay golaha deegaanka Caasimadda Horkeenaan mooshin ay xilka kaga qaadayaan maayorka Caasimadda.

17 Mudane oo ka tirsan Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa oo iyagu dhawaan qoraal wada jir ah u gudbiyey Maayorka Caasimadda Kana codsaday inuu maayorku ka tanaasulo Xilka Maayornimo ayaa xallay war murtiyeed kooban oo ay ka soo saareen magaalada Hargeysa ku sheegay inaanay ku qanacsanayn habayaraate dhoofitaanka maayorka iyagoo ku sababeeyey inuu maayorku ka baxsanaayo Mooshinka ay dhawaan doonayaan inay golaha horkeenaan, balse dhinaca kale ee golaha deegaanka ee aan iyagu ka tirsanayn 17 mudane ee is bahaystay ayaa u arka taasi mid ka duwan iyagoo ku fasilay safarka Maayorka mid caadi ah oo uu maayorku sannad kasta xilligani fasax u qaato dibadana ugu safro.

Si kasta ha ahaate Sharciga Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa u yaalla ayaan ogolaanayn ama fasaxayn iyadoo maayorku dalka ka maqanyahay inaan xilka laga qaadi Karin, taasina waxaa ta loo macnaysan karo haatan inuu maayorku ka gabanaayo xiisadaha siyaasadeed ee ragaadiyey golaha uu gadhhayeenka u yahay, dhinaca kale ayaa fadhi ku dirirka caasimadda Hargeysa iyo ra’yiga bulshadu ayaa si weyn u quudaraynaaya isbedelo laga filaayo dhinaca Madaxweynaha, iyadoo wasiiro badanna wadna farta ay ku hayaan, Mudanayaal door ah oo ka tirsan golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa ayaa iyagu ku tallinaya maadama oo xilligani laga dhur sugaayo isku shaandhaynta Madaxweyne Rayaale ee golahiisa Xukuumadda in la dammiyo dhammaanba xiisadaha golaha Deegaanka Caasimadda si markale fursad loogu helo sal dhigitaanka arrimaha ku geedaaman Golaha Deegaanka.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

SOMALILAND.ORG INFORMATION CENTER,

HARGEISASomaliland.org@gmail.com

No comments: