Friday, March 24, 2006

Gudiga Jaamacad Burco Oo Ka Cabatay korodhka Miisaaniyada Laga Reebay


Xubnaha Golaha Wakiilada Kaga Jira G.Togdheer Oo Looga Yeedhay Burco”

Burco, March 23, 2006 (Somaliland Today)- Guddiga Jaamacada Burco ayaa cabasho ka muujiyay korodhka miisaaniyada, ka dib markii jaamacada Burco noqotay jaamacada keliya ee aan loo kordhin miisaaniyada.Warsaxaafadeed shalay ay soo saareen oo arrintaa kaga hadlayaan guddiga jaamacada Burco waxa uu u qornaa sidan:-

“Ka dib markii guddiga Jaamacada Burco ay shir degdeg ah ka yeesheen 22-kii bishan oo ah shalay, wixii laga yeeli lahaa go’aanka lama-filaanka ahaa ee golaha Baarlamaanku ku ansixiyay miisaaniyada Jamhuuriyada Somaliland, taasoo ay jaamacadda Burco noqotay jaamacadda keliya ee laga reebay korodhkii miisaaniyada shirkaasi oo ka dhacay hoolka shirarka ee jaamacadda Burco, waxay guddiga jaamacada Burco go’aansatay qodobadan: In guddigu qabtaan shirjaraa’id si ay dareen uga muujiyaan sida arrinkaasi meel ka dhaca ugu yahay gobolka Togdheer.

Waxay guddigu u aqoonsatay go’aankaas mid gef ku ah Jaamacadda Burco.
In guddigu u qabto shir dadweynaha gobolka oo ay hogaaminayaan salaadiinta, cuqaasha, culumaa’diinka, ururada bulshada iyo dhamaanba waxgaradka oo lagaga doodi doono iyo waxa laga yeeli doono, waxaana shirkaa lagu qaban doonaa xarunta jaamacada taariikhdu markay tahay 28/03/2006 maalinta Salaasada, saacaddu markay tahay 9:00 subaxnimo.
Waxay guddigu ka codsanaysaa dhamaan xildhibaanada golaha wakiilada ee laga soo doortay gobolka Togdheer inay ka soo qayb galaan shirkaa, waana in uu jawaab cad ka bixiyo gefkaa dhacay golaha wakiiladu”.

Xubnaha guddiga Jaamacadda Burco:

1-Faarax Yuusuf Xadhigle Gudoomiye.
2-Maxamed Xuseen Aadan Qasnaji.
3-Dr Ciise Nuur Liibaan Xoghayn.
4-Aar Saxardiid Ismaaciil Xubin.
5-Maxamed Faarax Aadan xubin.
6-Axmed Gaariye Xubin.
7-Xirsi Maxamed Cilmi Xubin
8-C/laahi Baashe Xubin.
9-Xasan Caalin Xubin.
10-Cali Jaamac Xaad Xubin. Iyo shan xubnood oo kale.

Liibaan Maaweel Shire

Somaliland Today Correspondent

Hargeisa, Somaliland.

No comments: