Sunday, March 26, 2006

Madaxii CARE oo Qarsoodi kaga dhoofay Hargeysa

Hargeysa (Jam) – Madixii shaqada iyo shaqaalaha ee xafiiska hay’adda CARE ku leedahay magaalada Hargeysa ayaa shalay si qarsoodi ah dalka uga dhoofay, lama oga ujeedada socdaalka iyo halka uu ku aadan yahay.

Madaxa hay’adda CARE oo abaara 10:00 ilaa 10:30-kii barqanimo ka raacay madaarka Cigaal International Airport diyaarad ay leedahay UN-tu oo la yidhaahdo UNCAS, waxa si dhuumasho ah gaadhi Landcrusier ah lagaga soo qaaday xafiiska, iyada oo laga ilaalinayay inay la kulmaan koox wariyayaal ah oo halkaa u tegay inay wax ka weydiiyaan masuulka iyo saraakiisha kale ee hay’addaba ujeedada safarkiisa iyo sida ay u arkaan go’aankii shir guddoonka golaha wakiiladu ku wargeliyeen madaxa xafiiska CARE ee Nairobi Mr. Lex Khamiistii toddobaadkii hore, kadib markii ay soo if baxeen warar sheegaya in masuuliyiinta CARE ku baddaleen hawlwadeenkan oo u dhashay dalka Kiiniya, Aamina Sh. Maxamed (Aamina-waris) oo hore ugu guuleysatay tartan ay isaga iyo dad kale u galeen buuxinta jagadan oo ay hay’addu soo bandhigtay buuxinteeda. Ma jiraan wax war ah oo arrintaa ku saabsan oo ka soo baxay dhinaca hay’adda, isla markaana lama garan karo halka uu ku tagi doono safarkiisa, balse sida ay tibaaxeen ilo xoggo gaal ah oo ku dhaw hay’adda CARE, waxa safarkiisu ku lug leeyahay sidii uu masuuliyiinta xafiiska Nairobi ugala soo tashan lahaa, in uu ka sii shaqeeyo iyo in kale Hargeysa.

Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in shirguddoonka golaha wakiiladu maanta kulan arrintaa kala yeelan doonaan wasiirka qorsheynta qaranka iyo guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha, isla markaana ay wax ka weydiin doonaan arrintan.

Iyadoo ay hore jireen warar sheegaya in wasiirka qorsheyntu lahaa amarka shaqada lagagala noqday Aamina-waris.

Marwo Aamina oo ah Afada guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa hore u sheegtay in aanay ku qanci doonin arrintaas oo ay ku tilmaamtay mid sharci darro ah oo wax loogu dhimayo xuquuqdeedii muwaadinimo ee ay ku lahayd dalkeeda.

Jamhuuriya Online

No comments: