Wednesday, March 01, 2006

Shir Caalami ah oo lagu Casuumay Xildhibaan Ikraan X. Daauud


Shir Caalami ah oo lagu Casuumay Xildhibaan Ikraan X. Daa’uud

HARGEYSA, 1 March 2006(Jam)--Mac-hadka caalamiga ah ee International Republican Institute (IRI) oo xaruntiisu tahay magaalada Washington ee carriga Maraykanka, ayaa marti qaad u fidiyey xildhibaan Ikraan X. Daauud oo ka mid ah golaha wakiilada ee Somaliland.
Shirkaa caalamiga ah oo u jeedadiisu tahay isku xidhka dimuqraaddiyadda ee haweenka adduunka oo lagu qaban doono magaalada Washington DC.

Shirkaa oo ay ka soo qayb gali doonaan haweenka hogaamiyeyaasha Afrika, Aasiya, Yurub, Laatiin Ameerika iyo Bariga Dhexe, waxa kale oo ka soo qayb galaya shirkaa haweenka hogaamiyeyaasha madaxda Maraykanka iyo kuwa madaxda ka ah hawlaha ganacsiga sid lagu sheegay qoraalka casuumaddaa ee loo soo diray xildhibaan Ikraan X. Daa’uud waxa uu mac-hadkaasi ku yidhi; “inaad ka soo qayb gasho shirweynahan waxa uu muhiim u yahay in ay guulaysto qorshaha isku xidhka haweenka dimuqraadiyadda iyo awoodda ay u yeelanayaan ka qayb qaadashada hogaanka dunida”.

Xidhibaan Ikraan oo shalay ka dhooftay madaarka Hargeysa iyada oo u sii jeeda madasha uu shirkaasi ka dhacayo ee dalka Maraykanka ayaa Jumhuuriyo u sheegtay inay ku faraxsan tahay inay noqoto xubintii ugu horeysay ee ka socota wakiilada ee marti qaado kulan caalami ah. Waxayna tidhi; “hadaynu nahay Somaliland waynu buuxinay shuruudihii qarannimo, dooroshooyinkii dimuqraaddiga ahaana tii ugu dambaysay waynu samaynay, waxaanan halkaa ka sheegi doonaa guulaha ay Somaliland gaadhay iyo sida ay u xaqiijisay hirgallinta nidaamka dimuqraadiga ah”.

Xildhibaan Ikraan X. Daa’uud oo ka mid ah xubnaha xisbiga KULMIYE ee laga soo doortay gobalka Awdal.

Mac-hadka shirkan qaban qaabinaya ee IRI waxa uu ka shaqeeyaa horumarrinta dimuqraaddiyadda, wuxuuna ka qayb qaatay doorashooyinkii kala duwanaan ee Somaliland ka dhacay, isaga oo haweenka iyo raggaba siiya tababaro iyo mashaariic kale oo lagu hormarrinayo nidaamka dimuqraaddiga ah ee dalalkooda.

Jamhuuriya Online

Halkan ka daymood mareegta IRI ee soo casuuntay Xildhibaan Ikraam

http://www.iri.org/countries.asp?id=7534298612

No comments: