Saturday, April 29, 2006

Duqa Hargeysa Oo Mar Kale Dab Ka Hurinaya Dunbuluq

Duqa Caasimada Hargeysa Xuseen Maxamuud Jiciir oo 12 April 2006, ka soo laabtay Safar uu ku tegay London, kaasi oo uu kaga gabanayey Mooshin la rabay in xilka lagaga qaado, dhacadadii 4 februari ee Inji awgeed. Maayar Jiciir oo ka badbaaday Mooshinkan ka dib markuu dhaameel u daadiyey tiro badan oo ka tirsan Golaha deegaanka ee Hargeysa. Duqa Jiciiir oo inta badan loo tiriyo inuu masuul ka ahaa dhacdada inji ee ay ku nafwaayeen 6 muwaadin oo reer somaliland ahi, 40 ruux in ka badanina ay ku dhaawacmeen, ayaa Hadda wada qorshe cusub oo uu dab hor leh kaga holcinayo Dunbuluq, kadib markuu u ogolaaday nin ay isku beel yihiin lana yidhaah Cali Bootaan inuu dhisto, banaan danguud oo ka horeya Bakhaarka Inji ee Waqooyi ka xiga Dugsiga Xalane, bakhaarkaasi oo uu maayarku hore odaygaasi ay qaraanbada yihiin si sharci daro ah uga kireeyey.Hadaba waxa is waydiinleh muxuu Maayar Jirciir uga danleeyahay hurint a Dabkan cusub. Dadka indho indheeya siyaasadu waxay qabaan inay duqa arintani ka tahay laba arimood mid kood.

1- Maadama arintii hore ee inji ee uu masuulka ka ahaan aanay deero deero u hirdiyin, dadkii dhintayna looma ooyaan lagu sheegay, doorashooyinkii golahayaasha deegaanadada, sanad uun inooga hadhay waxay arintani jiciir ka tahay: Waxaad dhici karto dhac, waxaad qasi karto qas, xilkan waad ku negaan inta kuu hadhay dhaameel ku filan mudaneyaasha golaha deegaankana, waad haysataa ama Ina afdiine iyo intaad u qaraabo kiishid ka waayimaysid .

2- Qayb kale ayaa aaminsan In maayar Jiciir Qayb ka yahay in badan oo madax reer Somaliland ah oo rabta in dalka qas la geliyo, Nabad gelyadana faraha laga saaro, si loogula huleelo xagaa iyo Cabdilaahi Yuusuf, qaybtan oo aaminsan ee Maayar jiciir yahay wakiilka Cabdilaahi Yuusuf ee Hargeysa, waxay doodada sal uga dhigayaan arimaha:-

Bishii Feb.15,2005 wuxuu maayar Jiciir tegay Djibouti oo kula kulmay Ismaaciil C. Geelle tigidhka iyo sahaydaba wuxuu ka isticmaalay khasnadda D/hoose ee Hargey, halkaas wuxuu ku maqnaa wiig ka dibna wuxu ku soo laabtay Hargeysa; Laba wiig ka dib ayuu u duulay Nayroobi isaga oo mar kale kharashka tigidhka iyo sahadaba ka isticmaalay khasnadda D/hoose ee Hargeysa. Warar xog ogaal ahi waxay tibaaxayaan inuu halkaas kula kulmay C/llahi Yusuf oo u soo igmaday innuu wakiil uga ahaado dawladiisa Hargeysa- Isku xidhka maayarka iyo C/llahi yuusuf waxa ka shaqeeyey Madaxweyne Geelle. Waxa xusid mudan in Maayarku uu ka mid ahaa ka qayb galayaashii shirkii carta, halkaasina ay ka bilaabantay aqoonta madaxweyne Geele iyo Maayar Jiciir.

Hadaba Waxa loo baahanyahay in shacab arintan ka hortago, isla markaana muwaadiniinta jecel dalkoodu ay si taxadirle ula socdaan hagardaaamooyinka lala beegsanayo.Fiirsado dhacdada hada shacabka ee dhul dad leeyayahay ee Wasiirka Hawlaha guud u siiyey shirkada total oo uu leeyahay mulkiilaha Daalo(Colaad).
Khadar Xareed.


Wadani006@hotmail.com

No comments: