Sunday, April 02, 2006

Gujuu-Gajaa vs Laa Ilaaha-Ila Laahu

Waayo hore oo hore ayaa waxa lagu soo warammay in Reer (Kuul/Geeddi?) ka mid ah Ciise baadiyihii hore ee hore, ay ka dib markay dhargeen ku heshiiyeen inay isku dibiro dhacsadaan ooy is dilaan.

Waxay ku heshiiyeen inay u kala saftaan labo kooxood oo mid ka mid ahi noqoto Muslim, Qolada kalana noqoto Gaalo. Waxa kale ooy isku raaceen si ay isu kala gartaan, in Kooxda muslinka ahi Ashaahadato ooy tidhaahdo ‘Laa Ilaaha Ila Laahu, kooxda kalana tidhaahdo Gujuu-Gajaa’. Markay intaas isku af garteena waxay bilaabeen dagaal hor leh oo weerar iyo weerar celis ah.
Siday isku garaacayeen maalintii oo dhan iyagoo leh, Laa ilaaha-ila laahu, Gujuu-Gajaa,, Gujuu-Gajaa, Laa ilaah ; Laa-Ilaah, Gujuu-Gajaa… ayay gamta iska saareen ooy cardaadiqaha iska dhigeen baabahna iska yeeleen.

Waxan taas uga Socdaa Xaallada maanta Xamar, ayaa ifafaalahaas leh oo taasi u dhiganta. Haddii reer baadiyaha berigaasi is dilay ahaayeen dad kibir iyo Jaahilnimo isugu biirtay, waxa haatan la dhigma oo kaba sii liita kuwa wakhtigan Casriga ah jooga walina kibir aqoon yari, immaan la’aan iyo Binu aadaninio darri isku dilaya.

• Illeyn Ciilna ku Qosol lahoo
• Qashuushna waa Oohine
• Qammuunyooday Aniguyoo
• Qadhqadhyaa I Qaadaye
• Qabanina waa jiifkiiyoo
• Qaxwiyo ka Go’ay Quude
• Bal Qisadaniyo Yaabkaniyo
• Quduradan dhacday eegoo
• Qasaarahani Dayaay… Qasaarahani Dayaay… Qasaarahani Dayaay……

Kooxahan Xamar isku dirirya, Kooxbaa la sheegay inay qaateen calan isku tallaabyo badan iyo calaamado leh oo loo bixiyay waa kooxdii Isbahaysiga Shaydaanka(Gujuu-Gajaa). Kooxna waxa la yidhi waa muslinka xag jirka ee la baxay is bahaysiga Islaamka(Laa Ilaaha Illaa Laah). Kaddibana Gujuu Gajaa iyo Laa Ilaahbaa isku dhacay oo maydkoodii meelkasta malaasay Muqdisho guudkeedii. Dadkii oo Abaaro u dhimanaya, oo tabcaanay, oo tabaalaysan ayay intii dherega haystayna keeneen inay isku dibira dhacsadaan. Waar malaha Soomaali ma wada aha Soomaali oo magacu waa been, oo qaarbaa ‘Moosaali’ ah; oo qaarbaa ‘Limaasoo’ ah; oo qaarbaa ‘Aamoosli’ ah; oo qaarbaa ‘Ilaamoos’ ah; oo qaarbaa ‘AaOoslim’ ah; oo qaarbaa Sinjii kale ah.

Dhaqan Soomaaliyeed iyo Diin Islaamba la dhaafye, toloow xaggee dhaanka loo raray. Ragoow, waar hooy Ragoow, Waar Ina Ragoow, ogaada KIBIRKA WAA LAGU KUFAAYE.

• Kariimoow Allahayoow
• Kolka waan Rafaadnaye
• Korreeyoow na taageer
• Kali Taliye waa Adiye
• Koolkoolina maatadaasi
• Koonfur lagu kadab jaray.

Fadlan la xiriira Muslim Aid (http://www.muslimaid.org/), haddii ad jeceshihiin inaad wax deeq iyo gargaar ahba ka gaystatiin guul darrada iyo gaajada taalla geeska Afrika, gaar ahaan Koonfur Soomaaliya. Weydiiyna, ‘Horn of Africa, Famine Appeal’.

Nabad iyo Caano

Cabdiqani Suldaan-Yuusuf.

mailto:.HiilDanYare@Aol.Com

No comments: