Waddan Bilaa Dad Ah Dheh
Hargeysa, April 23, 2006 (Somaliland Today)- “Todobaadkii ina dhaafay waxa Dekeda Berbera ka dhoofay 106 dibi oo kali ah”
“ishii kali ahayd ee u furnayd Ganacsiga Xoolaha nool ee Somaliland, waxay ahayd inta yar ee dhinaca Yemen la geyn jiray Dekeda Berbera-na laga dhoofin jiray. Nasiib daro ishiina waxa wada jir u soo xidhay Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin iyo Wasiirka Xanaanada Idiris “
Sidaa waxa qoray wargeyska Madaxa banaana ee Jamhuuriya cadadkiisi maanta waxaana yidhi, Maxamed yuusuf oo ka tirsan Ganacsatada Xoolaha mudo dheerna ka Ganacsan jiray.
Maxamed isaga oo arintan faahfaahinaya waxa uu yidhi “Booqashadii ay Yemen ku tageen waxa ay dadweynaha Somaliland u sheegeen inay dawlada Yemen kala soo hadleen danta Ganacsi ee somaliland iyo Yemen ee qadiimiga ah sida xoolaha aynu u dhoofino Yemen, balse waxay soo xidheen Xoolihii aynu Dekeda Berbera ka dhoofin jirnay,waxayna xoolihi u wareejiyeen in laga dhoofiyo Dekeda Dalka inala deriska ah ee Djabuuti, isla markaana laga soo bilaabo mudadii ka danbaysay booqashada iyo heshiiska ay soo wada galeen waxa kaliya ee Dekeda Berbera ka dhoofay xoogaa lo’ah oo xeryaha Berbera ku sugnaa”
“Somaliland Xukuumad dhisan oo uu Madaxweyne ka yahay Daahir Rayaale Wasiirka Xanaanaduna yahay Dr. Idiris nasiib daro heshiiska ay Yemen la soo saxeexdeen waxa uu dhigayaa in Xukuumada Somaliland Xoolaha ay yemen u dirayso soo talaasho inta aanay soo dhoofin sidaana Dekeda Berbera ay Xoolihii kaga dhoofaan, balse Nasiib daro waxay guuldaraysteen inay u hawlgalaan sidaa ay Wasaarada Xanaanada Xooluhu u keeni lahayd dawadii talaalka” sidaa waxa yidhi Maxamed Jaamac oo Xoolaha nool sida lo’da u dhoofin jiray dhinaca Yemen.
Maxamed Jaamac waxa uu intaa ku daray oo yidhi “markii aanu u tagnay Madaxweynaha iyo Wasiirku waxay nagu soo qanciyeen mahayno lacag aanu ku soo iibino talaalka ee idinku dirta, dawada talaalka Xooluhu maaha mid nin Ganacsade ahi si hawl yar kusoo iibsan karo ilaa xukuumadi magaceeda ku dalabto”
Waxa kale oo jira warar xog ogaal ah oo sheegaya in Xukuumada Yemeni ka hor intii aan heshiiska qalinka lagu duugin ay somaliland u soo jeedisay mar hadaanay haynin talaalka ay xooluhu dalaal la’aan kaga dhoofaan Dekeda Berbera, isla markaana marka ay xooluhu ka degaan Dekeda Mukha halkaa lagu talaalo, ama dhinaca Itoobiya ee xooluhu ka imanayaan lagu soo talaalo waraaqda talaalka ee Itoobiyana xooluhu kaga dhoofaan Dekeda Berbera Yemena ay tixgalin doonto balse ay Weftigii madaxweynaha iyo Digtoorka Xanaanada Xooluhu ku gacansaydheene kuna adkaysteen inay keenayaan talaalka Xoolaha, isla markaana aanay ogolaanaynin talaalka dhinaca Itoobiya hadii xoolaha laga soo talaalo.
Waxaanay wararka xog ogaalka ahi intaa ku dareen in mushkiladaa ay weftigii Madaxweynuhu usoo jiideen Ganacsatada Xoolaha Nool ee Somaliland ay dhaxal siisay in gabi ahaanba ganacsigii xoolaha ee somaliland kana dhoofi jiray Dekeda Berbera si hawl yar uga leexday Dekeda Berbera oo si gaar ah u tixgalinaysa waraaqda talaalka ee dhinaca Itoobiya lagaga soo talaalo.
Qaar ka tirsan Wakiilada Ganacsatada Somaliland u fadhiya dhinaca Yemen baanu khadka Telefoonka oo aannukula xidhiidhnay ayaa noo sheegay in habeen iyo maalinba Xoolaha ka soo dhoofa Dekeda Jabuuti ay yimaadaan Dalka Yemen isla markaana ay jiraan ganacsato somaliland ah oo ahaa kuwii Dekeda Berbera Xoolahooda ka dhoofin jiray ay sedexdii todobaad ee lasoo dhaafayba Dekeda Jabuuti ka dhoofinayeen Dekeda Jabuuti oo sita talaalka dhinaca Itoobiya, taana ay ku kaliftay sida ay dadkani sheegayaan markii ay Wasaarada Xanaanada Xooluhu sheegtay inaanay wax tixgalin ah iyo ogolaansho ah siin doonin talaalka Xoolaha ee dhinaca itoobiya. Dhinaca kale waxaan maalmihi lasoo dhaafay socod kusoo maray guud ahaan xeryaha xoolaha lo’du ku nasan jirtay ee Berbera [Xera Guusha] gabi ahaanbana way haawanayaan mana jirto wax xoolaha ishinka xoolaha lo’da oo xeryahaas ku sugan, iyadoo la ogaa in habeen iyo maalinba ay xooluhu ku degi jireen xeryaha Berbera.
Dhinaca kale in xoolaha nool ee lo’da ee waqtigan xaadirka ah u leexday dhinaca Dekeda jabuuti oo ah Dekeda tartanka ugu weyn kula jirta Dekeda Berbera ayaa la odhan karaa xakameynta ama xidhiidh furashada ku timi ganacsatada somaliland iyo dekeda Berbera waxay marwalba ka timaadaa gacanta Xukuumada Somaliland ee talada haysa arintan Xooluhuna waxay u muuqataa mid ku biirtay ganacsigii bakaashka u badnaa ee Dekeda Berbea ka soo degi jiray, balse waqtiyadii u danbeeyey u leexday badankiisii dhinaca dekede Djabuuti, isla markaana badeecadaha jabuuti kasoo dega kastamka lagu cashuuraa yahay mid tanaasulaad tiro badan usameeya ganacsatada Dekeda Berbera ka leexatay.
Waxa kaloo la ogyahay markii ay wasaarada maaliyadu in badan ka dhega adaygtay oo had iyo jeer Ganacsatada dalku xukuumada kaga caban jireen in si isku mid ah kastamada dalka waxa looga cashuuro si ay ganacsato ahaan u noqdaan qaar cashuurtoodu isu dheeli tirantahay ayaa aakhirkii ay ganacsatadii la yaqaanay adankeedi isu qeybiyeen inay u leexdaan madaarada dalka iyo Dekeda Jabuuti is ay uga soo cashuurtaan kastomka Saylac oo la ogyahay inay faro guud kood badeecadaha Ganacsatada cashuuraan.
Halka ay Ganacsatada reer Dekeda Berbera badeecadahooda kasoo dega ugu yaraan 80% in ka badan la cashuuro taas oo sabab u noqotay in kala badh badeecadihii ganacsatada somaliland ka leexdaan Dekeda Berbera.
Waxa si hubaal ah hadii aanay Xukuumada Somaliland ee talada haysaa wax badan ka fiirsan isla markaana aanay cabashada xaqa ah iyo talooyinka Ganacsatada kala duwan qaadanin in waxbadan iska badeli doonaan talagalkii.
Waxa kaloo la dafiri karin mushkiladaha Ganacsatada dalka kaga yimaada masuuliyiinta Qaranka Qaarkood inay saameyn balaadhan ku yelan doonto istaraatiijiyada dhaqaale ee dalka, sababtoo ah danta uu nin wasiir ahi kaligii leeyahay ee uu ku xukumanayo samcadii qaranka iyo dantii guud
ee dal iyo dadba eeganayey ku koobnaan mayso msuhkilada ka timaada ee waxay noqon doontaa mid saameysay qaranimada.
Arintan aynu soo sheegnay iyo kuwo kale oo badaniba waxay badiba bulshadu eedeeda dusha kasaaraan wasioiro faro ku tiris ah oo ka tirsan Golaha Wasiirada, isla markaana u muuqda inay safka hore kaga jiraan ugu dhow dhow Madaxweyne Daahir riyaale kuwaas oo ujeedooyinkoodu kala duwanyihiin, balse ka midaysan inay isku tusaan Madaxweynaha kuwa danaynaya dhaqdhaqaaqa ganacsi ee Gobolka Awdal oo ah gobolka uu dhalasho ahaan kasoo jeedo Madaxweynuhu qeybaha kala duwan ee ganacsatadu sheegayaan sababta hortaagan in tacriifadaha cashuureed ee kastamka saylac iyo kan berbera loo mideyn la’yahay isku soo wada duuboo iyadoo la ogyahay in 50% badeecadaha bagaashka loo yaqaan kasoo degaan Dekeda jabuuti kastamka saylacna lagu soo cashuuro ayaa hadana safarkii Madaxweynaha iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha ku tageen yemen natiijadii kasoo baxday noqotay in dhaqdhaqaaqyadii dhoofka xoolaha oo lo’du ahayd ta ugu mudan intii khaliijku xoolaheena xayiraada saaray iyana loo leexiyo in laga dhoofiyo Dekeda Djabuuti oo ah Dekeda dagaalka ba’an kula jirta Dekeda Somaliland ee Berbera. Waxa kaloo arintaasi badhitaartay hamigii ismaaciil cumar Geele ee doorashadii ugu danbaysay uu dadkiisa ugu sheegayey in Dekeda Djabuuti ay noqon doonto Dekeda kaliya ee Xoolaha Afrika Beri oo dhan laga dhoofin doono maantana iyadoo xooleheenii iyadoo bilaa talaal laga dhoofinayo dekedeena ya Yemeni diyaar u tahay inay dekeda mukha ku talaasho isla markaana ay hore iyo hadaba diyaar u tahay in hadii laga soo talaalo itoobiya ay tixgalinayso ayuu wasiirka xanaanada xooluhu amray in aan laga dhooxfin karin dekeda Berbera xoola itoobiya laga soo talaalay sidoo kalena sida ay ganacsatadu sheegayso uu ku yidhi xukuumadu mahaysato laca ay talaalka kusoo iibiso e idinku doonta arintaas oo run ahaantii u muuqato in ay tahay mid lagu taageerayo hamigii ismaaciil cumar geele iyo danta Jabuuti laguna wax yeelaynayo Karaamada iyo jiritaanka Somaliland iyo Ganacsigiisa. Isweydiinta ugu mudane waxay tahay in xoolahan loo wareejiyey dekeda Jabuuti, iyadoo la heli karayo in Xukuumada somaliland u rumaynayso hamigii ismaaciil Cumar Geelaha jabuuti isla markaana ay dib u eegis ugu sameyn weyday tabashada ganacsatda kala duwan ee badeecadaha iyo xoolaha noolba ka dhoofiya kana soo dejiya Dekdea Berbera.
Liibaan Maawel Shire
Somaliland Today Correspondent
Hargeisa, Somaliland.
No comments:
Post a Comment