Saturday, May 06, 2006

Khilaaf Iyo Loolan Siyaasadeed Oo Mijo Xaabiyay Shirweynahii UDUB

Muddo hadda laga joogo laba todobaad ayaa waxaa shir iskugu jimid xubno aad ugu dhaw madaxweynaha talada dalka Haya Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo mansabkoodu yahay guddida fullinta Ee Xisbiga UDUB, shirkaasi ka dibna waxay badankood isku waafaqeen ajande ay soo diyaariyeen xubnahaasi badankoodu oo dhigaayey in guddida fullinta ee Xisbigu isku waafaqsanyahay musharaxnimada Madaxweyne Rayaale ee Xisbiga UDUB doorashada kal danbe ee 2008, isla markaana xilka musharaxnimada ee ku xigeenka ay ka xayuubiyeen madaxweyne ku xigeenka Axmed yuusuf yaasiin iyagoo ku sababeeyey inuu hawshiisii gudan waayey, balse inyar uun ka dib ayaa xubno kale oo ka tirsan guddida fullinta ee xisbiga UDUB waxay jaanta ugu wadheen xubnahii go'aankaasi gaadhay inaanu ahayn mid shaqayn kara ee uu yahay majara khaldan oo loogu gogol xaadhayo madaxweyne rayaale, waxaanay sheegeen inaan xisbiga UDUB guul ka soo hoyn doonin doorashada kal danbe haddii madaxweyne rayaale xilka doorashada isa soo taago, xubnahani oo taageersana madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo isaguna loolan hoose ugu jira musharaxnimada madaxtooyada ee xisbiga tallada haya ee UDUB, ayaa waxay ku adkaysteen inaan qorshahaasi noqon dooni mid meel mar ah.

Ka dib is qabqabsi iyo kharbudaad saaqday xisbiga tallada haya ayaa madaxweyne rayaale sida la sheegay wuxuu waraaq qoraal ah usoo diray Xoghayaha xisbiga uu ka taliyo Maxamed Ismaaciil Bulaale waxaana madaxweyne rayaale warqadiisaasi uu amar ku siiyey xoghayaha guud inuu muddo hal sanno ah dib u dhigo shirweynahii xisbiga Tallada haya ee UDUB isla markiibana xoghayaha guud wuxuu iclaamiyey amarkaasi madaxweynaha, taasi waxay ka cadhaysiisay madaxweyne ku xigeenka iyo xubno isaga taageersan waxaanay ku tilmaameen go'aankaasi mid aan shaqayn karin, madaxweyne ku xigeenka mudane yaasiin oo weraysi siinaayey mid ka mid ah wergeysyada ka soo baxa magaalada Hargeysa ayaa ku sheegay sharci darro dibu dhigista shirweynahaasi, wuxuuna ugu baaqay xubnaha guddida golaha dhexe ee Xisbiga UDUB inay shirweynaha iskugu yimaadaan wakhtigii ballantu ahayd oo ah muddo bilo hadda inaga xigaan, dad badan ayaa markiiba laabta iyo quluubta waxay kala soo boodeen tallow tani ma burburkii xisbiga tallada hayey ee madaxweyne cigaal aas aasay ayaa mise tallow go'aan qaadashada xisbigu waa mid gadaal danbe laga sixi doono. xogo badan oo shabakadda wararka Ee Somaliland.Org ka heshay kambuulada xisbiga tallada Haya ee UDUB ayaa daboolka ka qaadaya inuu jiro khilaaf cakiran oo u dhexeeya xubnaha ugu sareeya ee Xisbiga UDUB, kuwaasi oo maalmahii ina dhaafay wadday gaashanbuuraysi hoose iyo is xulafaysi ay doonayaan inay ku kasbadaan taageerada xisbiga, waxaana labada dhinac ee loolanku ka dhexeeyo u kala gadh-hayeen ah madaxweyne rayaale iyo ku xigeenkiisa Axmed yuusuf yaasiin oo muddooyinkani danbe aan isku sal banaanayn, dabaysha loolanku waxaa sidoo kale aanay ka maqnayn guddoomiyaha golaha guurtida saleebaan Maxamuud aadan oo isaguna ku jira loolan hoose oo uu doonaayo kasbashada musharaxnimada xisbiga UDUB, balse weli taasi kama ay soo shaac bixin dhinaca guddoomiyaha golaha guurtida, xubnaha wasiiradda ee xukuumadda madaxweyne rayaale ayaa hadda u muuqda qaar kala xuub siibtay, waxaana wararku tibaaxayaan inuu madaxweynahu hadda waddo qorshe uu doonaayo inuu biyaha shaandhada kaga miiro xubnaha aan isaga dhinaciisa taabacsanayn, loolankani xubnaha sare ee xisbiga UDUB u dhexeeya ayaa wuxuu gaadhay heer madaxweyne rayaale uu dib u dhigay safar ugu qorshayna inuu ku tago todobaadkani magaalada addis ababa oo uu kaga qayb gallaayey shir ay leeyahiin dalalka ku bahoobay urur weynaha midnimada afrika, muddo hadda laga joogo afar usbuuc ayaa madaxweyne rayaale iyo ragga kala taliya qorshayaasha siyaasadda arrimaha gudahu waxay jaan gooyeen mu'maraad casri ah oo la doonaayey in khilaaf lagu dhex abuuro madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirka daakhliga oo xaalkoodu gaadhay ilaa heer maxkamadeed, qorshahani oo sida la sheegay ahaa in labada masuul laga dhigo kuwa loolan hoose oo dhinaca tallada dalka ahi ka dhexeeyo, isagoo madaxweynahuna doonayey inuu hanto masayrka xisbigiisa UDUB markalana usoo sacabo tunto xilka qarranka muddo 5- sanno oo kale ah, balse isweydiintu waxay tahay Axmed yuusuf yaasiin tallow ma higsan karaa hilimada humagaysan ee madaxweyne rayaale war jiraaba cakaara waa iskeeni doona.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

Somaliland.Org, Hargeisa

diridhaba@gmail.com

No comments: