
Waxa kaloo Madaxwaynaha JSL iyo wefdigiisuba isla maanta 12kii duhurnimo kulan kula yeesheen Xafiiskiisa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Ethiopia Mudane Melez Sinawe, kulankaasi oo lagaga wada hadlay sii xoojinta danaha iyo iskaashiga labada dal ka dhexeeya. Isla kulankaasi oo Ra’iisal Wasaaruhu qado sharaf ku siiyey Madaxwaynaha JSL iyo Wefdigiisa, halkaasi oo Ra’iisal Wasaaruhu amar ku siiyey Wasiiro ka tirsan Golahiisa xukuumada inay dhakhso uga caawiyaan dhinaca korontada loona gaadhsiin lahaa JSL iyo inay ka hawlgalaan sidii jidka Wajaale Berbera loo dayactiri lahaa.
Kulankaasi wuxuu ku dhammaaday jawi isafgarad iyo walaaltinimo leh.
Allaa Mahad Leh
Cabdi Idiris Ducaale
Af hayeenka Madaxtooyada JSL
No comments:
Post a Comment