Thursday, June 15, 2006

Dhanxiir muxuu ka yidhi Safarka madaxweyne Riyaale

Dhanxiir muxuu ka yidhi Safarka madaxweyne Riyaale

Dhanxiir, Safarka Rayaale iyo Maxkamada Muqdisho Maansha Allaah; Alleylehe; Madaxweyne Rayaale maantuu jebiyey mid ka mid ah gidaaradii ku gudbanaa ictiraafka Somaliland, mar haddii uu la kulmay Moi Kibaki iyo reer Kenyihii Soomaaliweynta cabsanaa oo uu qaddiyaddeenna ka dhaadhicinayo, iminka ayuun bay si cad u kala oggaan doonaan in ay Somaliland ka madaxbannaan tahay Soomaaliyada koonfurta isku gumaadaysa.MAANSHA

ALLAH Weger; Adeer, iga daa Ina Rayaale warkiisa madmadowga badan waxba ka sheegi maayo oo waan isba qariyey ujeeddada safarkiisa iyo waxa isaga iyo Cabdillaahi Yuusuf ee mar qudha Nairobi looga wada yeedhaye, waxaad ka warrantaa Maxkamadahan iyaga oo aan Muqdisho-ba soo dhaafin qaddiyadda Somaliland soo haab-haabanaya ee leh midnimada Soomaaliya waa muqadas. Alleylee Waloweyntoo dhan meel bay kaga dhegan tahay

Xigasho: Jamhuuriya online

No comments: