
Wargeysku, waxa uu sheegay in haddii Wadamada Miisaanka leh sida Koonfur Afrika, Itoobiya, Senegal ama Nayjeriya ay kulankaas Madaxweynayaasha Afrika ka taageeraan qaddiyadda Somaliland ay taas ka soo horjeedsan doonaan wadamo kale sida Suudaan, Liibiya iyo weliba gaar ahaan wadanka Masar, oo xubin ka ah Jaamacadda Carabta.
Madaxweyne Rayaale, waxa uu dhawaan bilaabi doonaa safar dheer oo uu ku marayo wadamo badan oo Afrikaana, si uu kulankaas ka hor taageero uga raadsado Madaxda Afrika ugana dhaadhiciyo xaqa ay Somaliland u leedahay qaran Madaxbanaan iyo inay ka qayb gasho Shirkaas Madaxda Afrika.
Ilo Diblomaasiyadeed, ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in Madaxweynaha Gambia, olole u geli doono sidii uu Madaxweynayaasha dalkiisa imanaya uga dhaadhicin lahaa qaddiyada Madaxbanaanida Somaliland iyo weliba xaqa ay u leedahay in la dhagaysto, taas oo suurto gelin karta in Madaxweyne Rayaale kulankaas ka jeediyo Khubad. Sidoo kale Saraakiil sare oo ka tirsan Ururka Midawga Afrika, ayaa iyaguna ku jira dedaal ay ku doonayaan in aanay Madaxweynayaasha Afrika qaadicin in Madaxweyne Rayaale ka qayb gallo kulankaas kana jeediyo khudbad.
Dhinaca kale Magaalada Banjul, ee kulanku ku qabsoomayo, waxa ka socda diyaar garaw ballaadhan oo loogu diyaar garoobayo soo dhawaynta Madaxweynayaasha Afrika, waxaana la diyaariyay, Huteelo, Guryo Fiilooyin ah iyo Baabuur tiro badan oo loogu tallo galay soo dhawaynta Madaxweynayaasha Afrika.
No comments:
Post a Comment