
‘’ Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Uganda Md Sam Kutes ayaa Booqaso sharaf ugu Yimid Madaxweynaha iyo wefdigiisa Maanta gelinkii dame Huteelka Sheraton oo ku yaala Magaalo Madaxda ee Kampala , halkaas oo ay isweydaarsadeen xog waran labada dhinac , iyadoo ay ku wada hadleen xoojinta Cilaaqaadka labada dal ee walaalaha ah.
Madaxweynuhu wuxuu si tifaftiran uga waramay xaaladda guud ee dalka , dhinacyada Nabad gelyada, dhaqaalaha, Siyaasadda iyo horumarka dimuqraadiyada wakhtigan ay gaadhay, waxaana la filayaa in ay labada dhinac shir dambe ku kulmi doonaan.
Madaxweynaha iyo wefdigiisii waxa shalay gelinkii dambe la geeyay magaalada Chinja ee ku taala goobta uu ka bilaabmo Webiga Nile.
Madaxweynaha iyo wefdigiisu waxay ku guda jiraan socdaalkoodii ay ku tagayeen dalal ka mid ah qaarada Afrika.
Alla Mahad Leh
Riyaad Maxamed Yuusuf
Executive Secretary Ministery of Information Somaliland
No comments:
Post a Comment