Thursday, June 15, 2006

Xukumadda, Guurtida, Xukumadda Sarre, iyo Xisbiga UDUB Ha Joojiyaan Murankooda Dastuurka Baal Marsan

Mar haddii Golaha Wakiilada Somaliland oo ah laantii Xeer Dejinta ee habdooligeena ee shacbigu soo doortay ay cod aqlaabiyad ah ku ansixiyeen in muddo isu kordhinta Golaha Guurtida ee 4-tan sannadood ahi iyo qaabkii loo marayba ay Dastuurka dalka baal marsan yihiin iyadoo weliba aaney meesha oolin duruufo adag oo u saamixi karta in sidooda loo yeelo ama ay kuba marmarsoodaan inay arrintaas ku keliftay, waa in markaas xukumadda; Guurtida, iyo Xisbiga UDUB iyo taageerayaashooda ay u hogaansamaan shuruucda dalka u yaal ummada iyo dalkana ka joojiyaan yooyootankoodaas micno darada ahi kana waantoobaan xaalad abuurka ay ku hawlan yihiin ee looga bartay inay had iyo gooraale iyagu horseedka u yihiin taasoo maanta ka socon doonin ummada iyo dalkana u soo jiidi karta karaamo ka dhac, nabadgelyo daro, fawdo, iyo cawaaqib xumo balaadhan oo fool xun.

Sidaas daraadeed, waxa loo baahan yahay in laga fogaado kuwa kooxaysiga, xulufeysiga, iyo beeleysiga aan xalaasha ahayn inagula dhex jira ee aan lexejeclo ka qabin ummadan iyo dalkan fawdo inagu timaadana inala raba caqligana la kaashado lana tixgeliyo cadowga inagu heeran ee maalinba maalinta ka dambeysa inagu sii xoogoobaya lagana fiirsado Xaaladda Guud ee Dalku maanta maraayo taasoo u muuqata in qalooc weyni ku jiro mugdi weynina ku gadaaman yahay una baahan in fadhiga laga kaco oo si deg deg ah loo toosiyo mugdigana looga saaro si loo badbaadiyo ummada, qadyadda, danta guud, iyo jiritaanka Somaliland.

Hadaba, si ummada iyo dalkuba uga badbaado khataraha ku soo fool leh dibna loogu soo cesho geedi socodkii laga majaro habaabiyey loona soo cesho hab wadatashigii iyo wadashaqeyntii aanu dhaqanka iyo caadada u lahayn taasoo aanu weligeen ku caano maali jirnay una gaadhno himilada iyo halka aanu hiigsaneyno, waa in Xukumadu ay si deg deg ah u bedesha hab ku dhaqankeedan aan munaasabka ahayn mugdiguna ku jiro lana timaadaa hab wadashaqeyneed hor leh oo fiican iyo barnaamij cad oo ay ku hagto xilkeeda iyo hawlaheeda fulinneed tixnagelisaa rabitaanka shacbiga ee la xidhiidha soo dhisid dowlad kooban oo tayo leh oo Dastuurka iyo Shuruucda dalka u yaalana dhowrtaa; waana in si deg deg ah Xukumaddu, Guurtidu, Maxkamadda Sarre, iyo Xisbiga UDUB ay joojiyaan murankooda Dastuurka baal marsan oo ay siyaasadda gudaha iyo dibedana ka ilaaliyaan dhooqeynta u caadada ah.

Guul iyo Gobanimo

Farah Ali Jama,

Ottawa, Canada.

No comments: