Friday, July 21, 2006

Goonye Cadde: Mar Waa Gabay, Mar Waa Faras, Marna Waa Gantaal ee Bal Aan Idin Dareensiiyo

Goonye cadde: mar waa gabay, mar waa faras, mar waa gantaal bal aan idin daraynsiiyo.Waxa baryahan si isdaba joog ah isku soo taraya xawli ba'anna ku socda kooxaha xag jirka ee ku qadhaabta kitaabka. Kuwaasoo indhawayd siday Muqdisho gacanta ugu dhigeenba warbaahinta madaxa ka qabsaday. Waxaan jeclaystay inaan woxogaa qalinka ku rukaaso.

Nabigeennii Suubanaa ee Muxamad (nabadda Eebbe iyo naxariistiisu korkiisa ha ahaate),eragygii Allah, mar la weydiiyay: Muslimku waa kuma? wuxuu ku jawaabay: Muslimku waa kay dadku gacantiisa iyo carrabkiisaba ka nabad galaan (man salama insaanu min yadihi wa lisaanihi). Bal u fiirsada "ka nabad galaan dadku" baa la yidhi . Lama odhan ka nabad galaan muslimiiintu, dad oo dhanbaa la sheegay. Qofka muslimka ah ee muslinimadiisu lilaahi tahay waa kay ka nabad galaan dad oo dhami, gacantiisa iyo carrabkiisaba. Qofka muslimka ah way u banaantahay marka naftiisa, sharftiisa,qoyskiisa, ubadkiisa, maalkiisa, diintiisa iyo dalkiisaba la soo weerararo inuu difaaco, oo u weliba si geesinimo leh u difaaco.

Kitaabkii Alla ayaa maanta waxaa loo adeegsadaa seddex jaad anay dadka badidiisu sida ula soocon. Sdeddexda jaad oo kala ha:

a)- Kitaab
b)- Kutaar
c)- Kutaab

a)- Kitaab: Waa kitaabkii Allah oo sidii ummadda muslimiinta laga rabay ama la faray loo adeegsado. Waana jidka quman een if iyo aakhiroba ku nabadgalayno.

b)- Kutaar: Waa kitaab ka sidtaa ku taaranyahay balse anu waxba ka aqoon macniihiisa iyo cilmiga u xambaarsanyahay. Meeshuu tegaba garbkuu u sudhanyahay, dadkuna waxay u maleeyaan inuu kan ku rarani yahay caalim dhibi shaxday oo aan dabadii la hadal.Waa ka ugu liita, waxba meesha kuma hayo. Miskiin yaa kutaarane yaa saaxibul kutaar.

c)-Kutaab: Waa kitaabka kooxaha mayaalka adag ee xag jirka ahi sitaan. Kuwaasoo u jeedada ay kitaabka u sitaan ama ay u adeeegsadaan oo dhami tahay inay "Kutaabaan" maamulka, mid siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba gacanta ku dhigaan. Xataa hadday ku kalifayso inay xoog ku muquuniyaan, markay taba kaloo dhami shaqayn waayaan. Waana kuwa, waa reer "Kutaab" e igu kalifay qoraalkaygan. Gar iyo gardarraba waxay raabbaan oo ay hadh iyo habeenba u xusul duubayaan inay tooda marsadaan.


Waana waxa haatan ka socda Somalia.
Markii hore waxay lahaayeen, dagaal oogeyaashaan la diriraynaa oon Xamar ka saaraynaa, Muqdishubaananu ku ekaanaynaa si aan amaankeeda iyo xasiloonideedaba u sugno. Waa laga rumaystay maxaaka danbeeyay; waxay galeen Balcad; Jawhar iyo Afoogooye. Imikana sida Aljaziira, shabakadda warbaahintu soo warisay faraha kula jiraan magaalada Baladweyn. Yoolkoodu (hadafkoodu) waa inay Somalia iyo Somalilandba gacanta ku dhigaan.

Waxa ayaan darro ah oon loo dul qaadan karin, in dad reer Somaliland ihi kooxahaas mayaalka adag ee xagjirka ah ay u suul dhabaalaynayaan, una gacan haadinayaan. Koxahaa xag jirka ihii waa kuwii Somaliland oo nabad ku caano maashay soo abaabulay dagaalo argagixisnimo si ay laba arrimoodba uga dhacaan Somaliland.

Waa mid eh, sidey Somaliland ula mid noqon lahayd, Somalia ee qas iyo fawdo iyo kala danbayn la'aan uga hir gali lahayd.

Waa ta labaade e, sidii uruurada sama falka ee Somaliland ka caawiya waxayaaba aas-aasiga ah sida: tacliinta, caafimaadka, beeraha,horu-marinta miyiga iyo reer guuraaga baqdin u galin lahaayeen, si ay uga huleelaan oo ay uga yaacaan Somaliland.

Waa kuwii si ay qodobadaa aan kor xusnay ugu suuro galaan dagaal qaaawan ku soo qaday Somaliland.Waa kuwii falalkii doqoniimada iyo fulaynimadaba ahaa ee argagixiso uu gaystay dadkii shisheeyaha ahaa ee weliba martida innoo ahaa. Bal aan qadar qalinka ku xuso dadkii loo dilay Somaliland awgeed ee iyagoo inaga wax inna taraya innaga awgeen loo dilay:

1- Martin Jutzi, ka soo jeeday Switzerland, lagu dilay Hargeysa, tukaanka Star Shop agagaarkiisa, bishii Sibtambar 31-dii, 2002.

2- Dr Annalena Tonelli, ka soo jeedday dalka Talyaan

iga, lagu dilay Boorama, bishii Oktoobar 15-dii, 2003. Waa haweynadii yagleeshay kana hirgalisay dugsiga kaliya ee ka jira Somaliland, waa dugsiga dhagoolayaasha ee dadka aan wax maqali karin wax lagu baro. Waxa kaloy ka dhistay Boorama cusbitaalka qaaxada(TB-da) iyo hawle kale oo samo fal ah sida KuuKuuyo Doctoriska ee dhawrkii bilood mar yimaadda Boorama ee dadka indhaha u jeexa oo ay gacan ku lahayd.

3- Richard (Dick) iyo Enid Eyington, nin iyo xaaskiis oo macalimiin iyo maamuleba ka ahaa dugsiga Sheekh, ka soo jeeday dalka ingiriiska, siiba Scotland, lagu dilay magaalada Sheekh, la dilay bishii Oktoobar 21-dii, 2003.

4- Gabadhii da'da yareed ee u dhalatay dalka Kenya Ms.Flora Cheriyoka, lagu dilay dawga u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera,iyadoo u sii jeedda xagga Berbera, bishii Maaris 19-dii, 2004, laguna dhaawacay nin Jarmal ah oo ay hay'ad Jarmal ah ka wada shaqayn jireen gabadha la dilay.

Waan sii wadi lahaaye akhristow ma rabo inaan ku daaliyo e, waxaasoo dhagar, dhiig, hagardaamo iyo bahalnimo oon diinteena Islaamka ah ee diina samxaaga ah ee nabadda iyo naxariistaba ina fartay aan meelna ka soo galin waa nimanka ku kacay. Haddana dadka ku beerlaxawsanayaa "kitaab Ilahaay, kitaabka Ilahay, iyo qawlka nabigeenna". Kitaabkiin bood-bood oo bohoshiin ma qodanto! Raali iga ahaada waan cadho hadlaye.

Waxaan ku soo gunaanadayaa qoraalkaygan gabay. Waayo waxa jira nin sida warku igu soo gaadhay gabay soo tirayay, oo Hargeysa degan. Nimankaa budhacadda ah ee xagjirka u gacanhaadinaya. Dadka reer Somalilandna ku tirtirsiyaya ama ku goobaabinaya inay nimankaa wax la wadaan, waa sida warku igu soo gaadhaye. Markaa waxaan go'aansaday mar haddii dhaqanku ahaa in gabayga, gabay loogu jawaabo inaan gabay ka mariyo waana kan. Gabaygani wuxuu soo baxay bishii July 18-dii, 2006. Waxanu xanbaarsanyahay fariimo isugu jira waxyaabaaha aan kor ku soo xusay,tusaalayn, waxay gaysteen iyo inaan ninmankaa dheg loo dhigin ee waliba oodda laga dheeraysto si aan bahal innogu soo dhicin.

Waxa kaloo gabaygu sheegayaa inayna gagada kalidood ahayn, C/laahi Yusuf iyo Zenaawi marka laga yimaaddo, inay ciyaaryahanno kale oo firfircoon oo Maraykanku ka mid yahay ay madasha diyaar ku yihiin inay la jaan qaadaan dagaal oogayaasha cusub ee Islaamka ku hoos dhuunta.Islaamkiiba baryahan dambe wuxuu noqday turujaa (xas bahalo galeen ah) oo bahal waliba ku hoos dhuunto. U malayn maayo in mar dambe la inagu dagi doono "Kitaabka Allah", hoostana xisaabo kale oo aynaan dhaqan u lahayn laga wado.

Gabay waataan ka gaabsaday waayo ka horow Goolaaftankiisaan ku nacay iyo gole xumaantiiseGoortaad ka saahiddaa mid kale kuula soo galiye

Anna garab markiisa i shida goor iyo ayaaneGidi jidhkoo dhanbuu xulaa iyo dhuux guduudada eGucumaale aar sidiis haddaan gaydh la oogsadaye

Guddoon dhaha waatay afxumo iyo eex iga galaayeeneWaatay geelgeeltankii hore inaan go'ayo moodeeneGoobtaan istaagaba waatay idaba galaayeene

Guutooyinkaas maxaakiimta iyo intaa daba gunuufaysaGoosanada dagaal oogayaal iyo intii daba guclaynaysayIyo Geesh kaloo cokon aan cidi u guuxaynin

Giddigood intaasoo ramdad ah wada gunuusaysaIntuba geyigay galalafeen maxasna gawraca e
Intuba geglay heerayaan geglay heerayaan gorodna laalaadshe

Intuba sujuudbay gablaynayaan gacmahana buuxsada eWaa kuwii gabanada soo diree nabadda gaasirayeWaa kuwii Gudoonsaday Habeen weerar gaadmo ahe

Waa kuwii garnaylada ku rakibay guudka luuqyada e Waa kuwii is giriirixshee nabdna googooyayWaa kuwii gamuunka ku aslay gabdhihii reeroode

Waa kuwii NGOyada reer galbeed godobta meeleeyaywaa kuwii goosanadii sama falka geedka ku qawlalayewaa kuwii Wariyeyaashii reer galbeed Xamar ku gawracaye

Waa kuwii xabaalihii gaalada faqdee gaystay rugohoode! Waa kuwii lafihii gaylaansanaa gurtee Gini ku baayacay! Waa kuwii muslimiinta u gefey miidhay gurigoode

Bal qiilmay gudanayaan garnay yoolkoode??? Waa kuwiiyoon guuriyo galab carro aan biyo is marine! Waa kuwiiyoo gudcur iyo caddaba guluf u heensaysan

Waa kuwiiyoo goobtaad is taagtaba u eeg guroyo heeryaysanWaa kuwii gaban aan gankiisuba dhamayn tiir la tiigsadaye Waa kuwii gabanada guhaadshee dilay Gocostii Beerliine
Waa kuwii goobtay istaagaanba dadkii kaga gariirsiiyayGaaladu hubakay keentayee gumuc tamuuxaasaIyo Gawaadhidii rajiimkoo gebi tabaalaysan

Aan baloon giigsamay halkiis garan aqoontiisa Intiiyoy gabraarteen gablada dawlad la ismoodyeGuushay maantantase heleen waa galoof gudhane

Gaawahay u soo culanayaan waa u garaad li'iyeGegaday ku maal leeyihiin baanay garanaynineGuutooyinbaa u heeganoo soo gadaal baxaye

Gorgorkii galaalnaa (USA) waa soo gurxamayaayeGuuldarradii Sky Hawk waa gocdaa weliyeWaji gabaxii ku dhacay muu hafeef gu'ine

Gantaashii wali way ku taal gucukna dhayraydeGunaadbay ku reebtoo waa bar gubtaan badaneGeesh inuu soo abaabuluu ku guddoonsaday

Gabanadan yaryari AKeegay sare u giijaaneKaaraha Gurguurtiyo Hummer garanba maayaaneDiyaaraadka guuxiyo garanayl maba shu'aystaane

Beyruut maxay galabsatee loo gubay eeday??? Sow kuwo gaddodsani gedood sibiq umay goohin Guubaabiyo kacdoon kadis umay guuxin

Guluf colaadeed wax kama taraan nabdna gaygayleGambiska reerahay hadba gubad sudhi yaqaaniineWaxba gabaygu yuu ila durkine waxaan ku soo gooyay

Guryaheenna oo nabadahoon ceeyoon gibilba cayn saarnoOo geela, lo'da iyo adhigu irmaanyahoo gees welba u daaqoOo geyigeenoo dhami nadoonyahoo gaadiidku mulacleeyayOo ganacsigoo isaga goosho labada daamoodba

Oo gudcur iyo caddaba dhalintu dheesho gaadda-ka-ciyaarkaOo goonyaheenna oo idil nimcadu galalaclaynaysoIlayn garaad iyo talaa la isku geeyaaInaad hoosta uga guuxdaan waa gamiimnimo e

Ood Weliba gacanta-hoos uga haadisaan waa gocornimo eQof walbaan gacmaha sare u taagoo seddex jeer Guullow waa mahaddaa dhe

Guullow waa mahaddaa! Guullow waa mahaddaa! Gullow waa mahaddaa!

Mohamoud Hassan (Nugidoon)

Xisgasho: Somalilandtoday.net

1 comment:

Anonymous said...

1960-kii waxay awoowaaashayo ku qaldeen somali jacayl oo ahayd halka keliya ee ay ka nuglaayeen ileyn waxay ku soo koreen qabyaalad iyo nin jeclaysiye, maantana waxay rabaan inay diin jacayl nagaga khiyaameeyaan midnimada s/land,hase ogaadaan in s/land ka wayntahay diinta laftigeeda, waayo haddii aanad lahayn dal aad ku dhex tukato dee diintu laash aad badda dhex dhigato kuu noqon mayso, waxaanad ku dambayn doonta homeless.

mohamed shiil
shiil75@yahoo.com
boston mass.