Friday, July 21, 2006

Maayarka Hargeysa Oo Shir Kaga Qayb Galay Magaca Soomaaliya

Maayarka Hargeysa Oo Shir Kaga Qayb Galay Magaca Soomaaliya

Maayarka Hargeysa, Xuseen Maxamad Jiciir, ayaa bishii la soo dhaafay ee June 19dii ka soo dhoofay garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport, isagoo u sii jeeda magaalada Vancouver ee dalka Canada, halkaasi oo uu kaga qayb galay shir labadii sanaba mar la qabto ee ururka lagu magacaabo World Urban Forum (WUF).

Shirkan waxa Soomaaliya uga qayb galayey sarkaal sare oo dawladda Cabdillahi Yuusuf ka tirsan ee saldhigeedu yahay Baydhaba iyo Maayarka Hageysa oo labaduba ku magacaaban Soomaaliya, sida ay muujinayso liistada ka qayb galayaasha World Urban Forum ay daabacday, iyadoo haddana ay jirtay in dhawaan koox mudaneyaal ah oo Nairobi kaga qayb geli lahaa shir lagu soo casuumay, looga joojiyey shakiga shirkaas laga qabay awgeed ee magaca Soomaaliya la xidhiidha.

Ma aha markii ugu horaysay ee Maayar Jiciir uu ka qayb galo shir noocaasi oo kale ah. Wuxuu hadda ka hor ka qayb galay shirkii 2aad ee WUF ee lagu qabtay magaalada Barcelona ee dalka Spain 2004. Is-diiwaan galinta ka qayb galka World Urban Forum waa bilaash marka hore, hase ahaatee waxa khasab ku ah ka soo qayb galayaasha inay la baxaan kharshka safarkooda, hoygooda iyo cuntooda muddada shirku socdo.

Sida warbixinta kal fadhigan saddexaad ee WUF ku cad Maayarku waxba hadal ah kamuu jeedin madasha shirka, waxa faai’do uga soo kordhay magaalada Hargeysana lama garanayo inkastoo kharash badan oo cashuurtii danyartu ku baxaday socdaalkaas.

Dad ka tirsan jaaliyadda Somaliland ayaa ku soo dhaweeyey maayarka markuu yimi magaaladaVancouver ee shirku ka dhacayey has ahaatee ma jirto cid ka war qabtay magaca uu kaga qaybgalay goobta shirkaasi ka dhacay. Waxa kale oo maayarka soo dhaweeyey markuu shirka soo dhammaystay jaaliyadda Somaliland ee Seattle ee carriga maraykanka halkaasi oo uu booqasho ku tagay.


Ka qaybgalka shirkan Canada wuxuu xoojinayaa tuhuno hore looga qabay daacadnimada Mayaarka ee ku waajahan Somaliland isagoo mudadii uu xilka hayey ku gaalaa bixiyey socdaalo aan ujeedadooda la garanyan magaalooyinka Djibouti iyo Nairobi oo ah goobaha looga ololeeyo Soomaliweyn.


Yuusuf Xuseen Yuusuf

Somaliland Today

No comments: