Thursday, July 13, 2006

MASNO oo Tababar u Furtay Culimada Hargeysa

Hargeysa (Jam)- Ururka Horumarinta Arrimaha Bulshada ee Masno, ayaa shalay 50 xubnood oo ka tirsan imaamyada iyo culimada masaajidada Hargeysa aqoon-isweydaarsi uga furay magaalada Hargeysa.

Aqoon-isweydaarsigan oo socon doona muddo saddex maalmood ah waxa ay 50 xubnood ee culimada Hargeysa ahi ku qaadan doonaan duruus la xidhiidha kor-u-qaadista aqoontooda ku wajahan gudbinta khudbadaha iyo casharada diineed ee ay bulshada baraan. Sidoo kale, waxa ay ku baran doonaan sidii ay isugu soo dhowaan lahaayeen culimadu ee loo turxaan-bixin lahaa wadciga jira, ummaddana loo baraarujin lahaa. Xaflad loo sameeyey furitaankii aqoon-isweydaarsiga ugu horreyn waxa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Sh. Maxamuud Suufi Maxamed, waxaanu hay’adda Masno uga mahadnaqay kulanka ballaadhan ee ay u qabteen culimada Hargeysa, kaas oo ku tilmaamay in uu yahay mid muhiim ah oo wasaaraddu aad ugu baahnayd. Sidaa darteed, waxa uu sheegay sida loogu baahan yahay in kor loo qaado wacyiga culimada dalka, isla markaana la isugu xidhmi lahaa, si ay ummadda ugu gudbiyaan masuuliyadda diineed ee ay culimadu hayaan.

Wasiirku waxa uu ku boorriyey culimada in duruusta ay aqoon-isweydaarsigan ka barteen ku dabbaqaan waqtiyada ay gudanayaan waajibaadkooda diimeed. Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre (Dheeg), oo ah Guddoomiye-ku-xigeenka ururka Masno, oo halkaa ka hadlay ayaa culimada kula dardaarmay in ay faa’iidaystaan duruusta ay qaadanayaan, waxaanu sheegay in ujeeddada hay’adoodu culimada ugu qabatay aqoon-isweydaarsiga ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada qaabka ay culimadu u gudbiyaan khudbadaha iyo casharada diiniga ah ee ay bulshada u gudbiyaan, waxaanu ka codsaday in ay ku dedaalaan sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka culimada diinta dhexdooda.

No comments: